Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Magaallada Dhagaxbuur

Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Magaallada Dhagaxbuur Xisbiga barwaaqo

Barnaamijka dhaxal-reebka Cagaaran oo Lagu Beerayo 800 Milyan oo Geed Hal Maalin oo ku beegan Hamale/27/2018T.I"Geed bee...
31/07/2026

Barnaamijka dhaxal-reebka Cagaaran oo Lagu Beerayo 800 Milyan oo Geed Hal Maalin oo ku beegan Hamale/27/2018T.I

"Geed beer, Rajo beer; "

Tabarucaadka Xagaaga ee Magaalada Dhagaxbuur.Garabka Dhalinyarta Xisbiga Barwaaqo ee Magaalada Iyo Dhalinyarta Qaybaheed...
14/07/2026

Tabarucaadka Xagaaga ee Magaalada Dhagaxbuur.

Garabka Dhalinyarta Xisbiga Barwaaqo ee Magaalada Iyo Dhalinyarta Qaybaheeda Kalduwan ayaa Maanta Dhirbeerise kasameeyay Dugsiga cusub ee barbaarinta caruurta xafada afraad.

Dhalinyarta oo Hirgalinaysa Barnaamijka Tabarucaadka Xagaaga, oo ujeeddadiisu tahay xoojinta ka qaybgalka dhalinyarada ee adeegyada bulshada.

Barnaamijkan tabarucaadka xagaaga ayay dhalinyartu xiligan ku hawlan yihiin kor qaadidda wacyigelinta bulshada, ilaalinta deegaanka,waxbarashada,cafimaadka, Nadaafada, cagaarinta magaalada, jimicsiyada iyo dhiirrigelinta dhaqanka iskaa wax u qabso ee bulshada dhexdeeda.

Waxaa maanta si rasmi ah xarigga looga jaray mashaariicdii sannad-miisaaniyadeedka 2018. Duqa magaalada, Mudane Cabdixak...
03/07/2026

Waxaa maanta si rasmi ah xarigga looga jaray mashaariicdii sannad-miisaaniyadeedka 2018. Duqa magaalada, Mudane Cabdixakiin Maalin, oo ay weheliyaan hoggaaminta magaalada, ayaa si wadajir ah u sameeyey munaasabadda xarig-jarka.

Mashaariicda maanta la soo gabagabeeyey waxay isugu jiraan:
14 mashruuc oo dhisme ah, 6 mashruuc oo dayactir ah iyo 4 mashruuc oo iib ah

Waxaa intaas dheer in si wanaagsan ay u socdaan mashaariic kale oo muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Mashruuca Adeegga Halgoob ee Messob, dhammaystirka jidka lami sugaha ee isku xidha jidka awaare iyo jidka xaafada 07aad, iyo 18 kiiloomitir oo isugu jira ballaadhinta laydhka iyo rakibidda tiirasha laydhak ee xaafadaha 4,2,8 9, sidoo kale waxa daraasadka balaadhinta laydhka la dhamaystiray xafadaha, 03, 04, 06, 07, qaybo ka mid ah xaafadaha 02 iyo 08.

Mashaariicdani waxay wax weyn ka badali doonaan bilicda magaalada, waxayna si toos ah u taabanayaan adeegyada iyo nolosha bulshada, iyagoo ka tarjumaya dadaalka joogtada ah ee maamulka magaalada ee ku aaddan horumar waara iyo adeeg bulsho oo tayo leh.

magaalada dhagaxbuur waxaa kormeer ku yimid wafti ka socda xafiiska garabka dhalinyarada heer qaran.Kormeerkan oo ujeeda...
24/06/2026

magaalada dhagaxbuur waxaa kormeer ku yimid wafti ka socda xafiiska garabka dhalinyarada heer qaran.

Kormeerkan oo ujeedadiisu ahayd inay indho indheeyeen shaqooyinka ay hayaan garabka dhalinyarta magaalada iyo INICIATIVEC xisbiga uu ka fulinayo magaalada dhagaxbuur.

19/06/2026

Hamabalyo xildhibaanada Maamulka Magaalada Dhagaxbuur ee ku guulaytay Doorashada 7aad ee dalka.

Xisbiga barwaaqo

1.Mustafe Muxumed Cumar
2. Maxamed Maxamud Sugulle
3.Maxamed Sharif Cali
4.amran Maxamed Muxumed -

Xisbiga onlf

5.Maxamud Badri Cabdullahi

Jigjiga — Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, iyo masuuliyiin kale ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiil...
06/06/2026

Jigjiga — Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, iyo masuuliyiin kale ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiil-waal ku soo dhaweeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo lehna awood Ra’iisul Wasaare Ku-xigeen, Mudane Aadan Faarax Ibraahim, oo ay weheliyaan madaxweynayaasha dawlad-deegaannada dalka.

SRTV Somali

Madaxa Xisbiga Barwaaqo Ee Magaalada Dhagaxbuur, Mudane Mahamed Sahal, Ayaa hambalyada munaasibadda Ciidul-Adxa 1447 Hij...
26/05/2026

Madaxa Xisbiga Barwaaqo Ee Magaalada Dhagaxbuur, Mudane Mahamed Sahal, Ayaa hambalyada munaasibadda Ciidul-Adxa 1447 Hijriyada u diray shacabka Deegaanka, Dalka iyo Muslimiinta caalamka.

Isku soobaxa bulshada magaalada Dhagaxbuur ee ol’olaha Xisbiga Barwaaqo ee doorashada 7aad ee Dalka ayaa isku soo baxaas...
25/05/2026

Isku soobaxa bulshada magaalada Dhagaxbuur ee ol’olaha Xisbiga Barwaaqo ee doorashada 7aad ee Dalka ayaa isku soo baxaasi ka dhacay garoonka kubada cagta ee magaalada Dhagaxbuur.

Isku soobaxan oo ay shacabka magaalada Dhagaxbuur ay tageeradooda ugu muujinayeen Xisbiga Barwaaqo ayaa waxaa fagaarahaasi kasoo qeybgalay musharixiinta Xisbiga Barwaaqo ee degmooyinka gobolka Jarar iyo maamulka magaalada Dhagaxbuur uga sharaxan xisbiga barwaaqo oo ay horkacayso Afhayeenka Golaha Xildhibaanada DDS Marwo Ayaan Cabdi iyo xubno kale oo musharixiina.

Ugu dambayn, shacabka taageerayasha xisbiga oo taageero balaadhan kusoo bandhigay iyagoo jidadka magaalada Dhagaxbuur ilaa garoonka kubada cagta ee magaalada Dhagaxbuur lug ku maray ayaa qaar ka mida taageerayaasha xisbiga barwaaqo oo dareenkooda cabiray ay sheegeen in ay taageero buuxda siinayaan Xisbiga Barwaaqo maadaama oo shacabka kasbaday, halka dhanka kale musharixiintu ay ubalanqadeen shacabka taageerayaasha xisbiga barwaaqo in hadii codka la siiyo ay sii wadi doonaan dhamaystirka balanqaadkii shacabka uu ka qaaday Xisbigu.

Waxaa si heer sare ah uqabsoomay   kulan ballaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen Garabka Haweenka ee Xisbiga Barwaaqo laanta...
20/05/2026

Waxaa si heer sare ah uqabsoomay kulan ballaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen Garabka Haweenka ee Xisbiga Barwaaqo laanta magaalaada iyo deegaanka. Kulankan ayaa ahaa mid lagu xoojinayay doorka haweenka ee horumarka, midnimada iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed, sidoo kalena lagu taageerayay musharaxiinta Xisbiga Barwaaqo uga sharaxan maamulka magaalada Dhagaxbuur.

Madasha waxaa ka qayb galay masuuliyiin kala duwan, garabka haweenka iyo taageerayaasha Xisbiga Barwaaqo.

Xisbiga Barwaaqo wuxuu mar walba mudnaan siinayaa awoodsiinta haweenka, kobcinta fikirka cusub iyo dhismaha mustaqbalka jiilka soo kacaya.

Xisbga Barwaaqo wuxuu sii wadaayaa dadaallada lagu xoojinayo nabadda, horumarka iyo ka qaybgalka shacabka si loo dhiso bulsho awood leh oo gaadha himilooyinkeeda.

“Haweenku waa laf-dhabarta horumarka, Barwaaqona waa xisbi awood siiya.”

Dooro Xisbiga Barwaaqo.

Dhagaxbuur Way ismuujisay maanta—Kumanaan qof ayaa ka qaybgalay isu soo bax ballaadhan oo ay ku muujinayeen taageerada a...
09/05/2026

Dhagaxbuur Way ismuujisay maanta—Kumanaan qof ayaa ka qaybgalay isu soo bax ballaadhan oo ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan Xisbiga Barwaaqo.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, ayaa ka qaybgalay isu soo baxaasi oo ay soo qabanqaabiyeen bulshada magaalada Dhagaxbuur, kuwaas oo si cad u muujinayay taageerada ay u hayaan Xisbiga Barwaaqo iyo musharixiinta uu xisbigu u soo xulay magaalada iyo gobolka Jarar.

Bulshada iyo masharixiinta ayaa socod kudhex maray wadada halbowlaha ah ee magaalada. Shacabka isu soo baxay ayaana qiray in taageero dhinac walba ah ay la garab joogaan Xisbiga Barwaaqo oo ay dooranayaan.

Xisbiga Barwaaqo waa astaan mideysay shacabka, kuna tallaabsaday horumar, nabad iyo adeeg bulsho oo la taaban karo. Taageerada ballaadhan ee maanta ka muuqata Dhagaxbuur waxay marag u tahay kalsoonida ay bulshadu ku qabto hoggaanka iyo himilada Xisbiga Barwaaqo.

Address

Degahbour
Addis Ababa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Magaallada Dhagaxbuur posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share