14/05/2026
10-12 May 2026
Booqashadii Degmooyinka Gaashaamo iyo Daroor
Xubno kamida Gudiga ururka UHAAJ, ayaa booqasho ku tagay Degmooyinka Gaashaamo iyo Daroor ee gobolka jarar.
Ujeedadda ururka ee booqashadan iyo qadobada noosoo qabsoomay ayaa ahaa:-
• Waxaanu wacyigalin, dardaaran iyo ogaysiis usamaynay dhamaan dugsiyada kuyaala xarunta degmooyinka ee Sare iyo Dhexe.
• Waxaanu booqannay dugsiga Hoyga gaashaamo halkaas oo aanu kula kulanay maamulka dugsiga, kana helay warbixinta dugsiga, waxaanu lakulay ardayda dhigata dugsigan, islamarkaana siinay wacyigalin ku haboon iyo dardaraan. Waxaanu booqanay Laybareeriga dugsiga kaas oo sifiican ushaqeeya.
• Waxaanu lakulanay qaybo kamida haldoorka dhalinyarada iyo aqoonyahanka ee jooga degmooyinkaas, kuwaas oon kala hadalay qaabkii ay uxoojin lahaayeen isxilqaanka, una samaysan lahaayeen gudiyo kashaqeeya qaabka ay degmooyinkaasi uyeelan lahaayeen Laybareeriyo shaqeeya, Bilaabida waxbarashada xagaaga iyo in ardayda dhigata dugsiyada sare ee dadaasha iyo ciddii kale ee dhigi karta maadooyinka ay ubilaabi lahaayeen maadooyin kabid u ah ardayda dugsida dhigata.
• Waxaan lakulanay Gudoomiyayaasha iyo qaybo kamida Maamulka degmooyinkaas. Anaga oo kala hadalay qaabkii waxbarashada loogu wada dadaali lahaa iyo in ay dhalinyarada iyo ciddii kale ee kashaqaynaysa arimaha bulshada gaar ahaan waxbarashada loola shaqayn lahaa.
• Oogu danbayn waxaanu siinay Degmooyinkaas buugaag kala duwan oo kusaabsan manhajka waxbarashada ee cusub, Gaashaamo 150 buug loona qaybiyay Makatabadda guud ee Gaashaamo iyo Laybareeriga Dugsiga Hoyga Gaashaamo. Degmada Daroorna waxaanu siinay 100 buug oo la dhigay Laybareeriga dugsiga sare.
Oogu danbayn waxaa si wanaagsan noogu soo dhamaaday safar dheer oo ujeedkiisu ahaa in xoojinta dadaalada waxbarshada. Anaga oo sii marray Degmada Dhagaxbuur-Gunagafo-Dig-Gaashaamo-Daroor-Awaare- Yoocaale.
Mahadcelin
Waxaanu umahad celinaynaa Allah oo noo suuro galiyay in ay howshaasi siwaanagsan oo nabad galiyo ah noogu qabsoonto, sidoo kale waxaan umahad celinaynaa Maamuladda degmooyinkaas qaybihiisa kala duwan oo si kal furnaan leh noola shaaqeeyay, noona soo dhaweeyay. Waxaa kale oo aanu umahad celinaynaa Maareeyaha Dugdiga Hoyga Gaashaamo oo sifiican noola shaqyeeyay. Waxaa kale oo aan umahad celinaynaa Madaxa Xafiiska Waxbarashada ee gobolka jarar Mudane Axmed Sheekh Ibraahin oo howshan u ahaa tiir muhiim ah.
Sidoo kale waxaan aad oogu mahadcelinaynaa Maamulka Magaalada Dhagaxbuur oo naga caawiyay gaadiidka iyo Shidaalkaba.
Allah ayaa mahad oo dhan iskaleh