23/09/2026
OL'OLAHA NADAAFADA EE KULLIYADDA DHAGAXBUR.
Waxaa maanta Kulliyadda Xirfadaha Kala Duwan ee Dhagaxbuur laga fuliyey olole nadaafadeed oo lagu xoojinayo bilicda, nadaafadda iyo fayadhowrka deegaanka Kulliyadda.
Ololahan ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka Kulliyadda ee lagu xaqiijinayo in goobaha waxbarashadu noqdaan kuwo nadiif ah, bilicsan, ammaan ah, kuna habboon adeeg-bixinta iyo barisbarashada.
Maamulka Kulliyaddu wuxuu ku boorrinayaa kuna dhiiragalinayaa shaqaalaha in ay si joogto ah uga qayb qaataan ilaalinta nadaafadda iyo bilicda Kulliyadda, maadaama nadaafaddu tahay mas’uuliyad wadajir ah.