02/08/2026
Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka Ee Maamulka Magaalada Dhagaxbuur ayaa Maanta Qabtay shir ay ka Soo qayb galeen Dhammaan Wadayaasha bajaajta magaalada, kuwa yaryar iyo Bajajta Force da. Shirka waxaa shir-guddoominayay Madaxa Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka, Mudane Axmed Xaashi Ahmed iyadoo ay ku wehelinayeen masuuliyiinta Komishanka Booliska Maamulka Magaalada Dhagaxbuur.
Ujeeddada shirka ayaa ahayd xoojinta hirgelinta shuruucda Gaadiidka iyo dhaqan-gelinta awaamiirta uu soo saaray Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadidka DDS. Intii uu shirku socday waxaa diiradda lagu saaray xakamaynta xawaaraha xad-dhaafka ah Ee gaadiidka gudaha magaalada, ka hortagga qaadista rakaabka iyo Xamuulka ka badan inta sharcigu oggol yahay, abaabulka bajaajta yaryar ee iskaashatooyinka, iyo adkaynta ku dhaqanka shuruucda gaadiidka.
Gabagabadii kulanka, waxaa si wadajir ah la isugu raacay in si buuxda loo dhaqan-geliyo dhammaan qodobadii laga heshiiyey, si loo xaqiijiyo isu socod gaadiid oo ammaan ah, nidaamsan, isla markaana waafaqsan shuruucda.
"Waaxda Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadwaynaha Ee Xafiiska"