19/03/2025
WAR CUSUB
Waxaad la socotaan in Deeganku 268 Magaalo uu leeyahay. Marka lixda maamul magaalo laga reebo magaaloyin qaab-dhismeed dadka loogu adeegi karo leh maaha. Shacabka Deegankana waxaa badanaya dadka Magaaloyinka soo galaya, markay nolashii Miyiga adkaato. Magaaloyinka Deegankuna ma aha kuwo u diyaarsan inay addeeg siiyaan dadkaas, oo maba laha qaab-dhismeed ka jawaabi kara baahidooda.
Dowladdaha hoose malaha shuruuc lagu hago oo nidaamsan. Adeeg kaliya dadku kuma waayin balse qaab-dhismeedka aan jirin waxaa ku luma 500 Milyan Dakhli ka badan sida ay tibaaxayso daraasad la sameeyay. Lacagtaas nidaam la'anta Dowladaha hoose ku lunta ayaa loo adeegsan karaa in dib loogu celiyo magaaliyinka iyo qaabdhismedka ay yeellan karaan, si addeega bulsho u hellaan. Tusaalle ahaan waxaa lagaga shaqayn karaa: Nadaafada,xero gawraca, wado hagaajin, laydh wadada la galiyo, fasixii dhismaha, caggaarin wadooyinka ah iyo Cable stone- lagu dhiso.
Hadaba, iyadoo arrintaas laga duullayo waxaa Magaalada Jigjiga ka qabsoomaya shirwayne ballaadhan oo dib- loogu habeynayo qaab-dhismeedka Magaaloyinka Dowladaha hoose. Waxaa berito ka qayb galaya xafiisyada heer Deegan, heer gobal, heer Degmo iyo mayorada Dowladaha hoose. Xafiiska Hawlaha guud ayaa wada qorshaha.
Magaaloyinku hada kedib Dowladaha hoose waxay yeellan doonan akoono u gaar ah, shaqaalle iyo miisaniyad ku salleysan Dakhligooda. Waxay fulin doonaan shaqooyinka aan kor ku soo xusnay.
Si kooban hadii loo dhigo Magaaloyinkii Dowlado hoose oo sidii maamul magaalo ah ayay yeellan- Raggii marka martidu timaado Degmooyinku macawisaha u dirsan jireen ayaa shaqo qaab-dhsimeed leh qaban doona. Dhalinyaro ayaa fursad ka heli doonta, magaaloyinkuna lacago ayaa dib u gali doona.
Xigasho :-- Macalinka Soomaliyed(Ms)
Voss Tv