19/07/2026
ππ«π¨πππ¬π¬π’π§ππ₯ πππ―ππ₯π¨π©π¦ππ§π ππ«ππ’π§π’π§π
Day 1
Waxa maanta bilawday tababarradii ay ardayda iyo shaqaalaha jaamacadda Togdheer loogu qabanayay kuliyada maararaynta iyo adeega shacabka ee dawladda DDS.
Waxa madasha ka soo qaybgalay, ardaydana kalmado dhiiriigelin ah la wadaagay masuuliyiin ka socday Togdheeruniversity. Burco iyo Kulliyadda maaraynta iyo adeega shacabka
Waxa masuuliyiintaas qayb ka ahaa:
1. Waziir ku xigeenka xafiiska adeega shacabka marwo ikran
2. Maareye kuliyada Dr Nimcan ibrahim
3. Madaxwaynaha Jaamacadda Togdheer.
4. β Agaasimaha komishanka tacliinta sare ee Somaliland Aaden-beder Jaamac Ducaale.
5.Isuduwaha tacliinta sare ee goballada bari, ee Somaliland Salma.
6. Xildhibaan Farxaan oo galaha deegaanka ee deganada Burco ka mid ah.
Dhammaantood waxa ay isku raaceen farxaddooda ku aaddan xidhiidhka awoodda leh ee u dhaxeeya jaamacadda Togdheer iyo Kuliyada Maaraynta iyo adeega shacabka DDS, ardaydana waxa ay aad ugu dhiirrigeliyeen in ay ka faaβidaystaan tababarrada tayada sarreeya ee loogu talagalay.