25/05/2026
Waxaan maanta magaalada Godey ku soo gabogabaynay ol’olihii doorashada 7aad ee dalka iyo deegaanka, ee inoo qabsoomaysa 24 Ginbot 2018 TI.
Waxaa Ol’olahan si wayn isugu soo baxay taageerayaasha xisbiga Barwaaqo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Godey kuwaas oo muujiyay taageerada qiimaha leh ee ay u hayaan xisbiga Barwaaqo iyo musharraxiintiisa doorashada 7aad.
Haddii aad codkiinna na siisaan 24 Ginbot, ka xisbi ahaan waxaan sii wadi doonnaa horumarinta adeegyada bulshada, adkaynta nabadgalyada, ka jawaabidda baahiyaha shacabka.
Dooro xisbiga Barwaaqo