Xafiiska Arimaha Bulshada DDS

Xafiiska Arimaha Bulshada DDS Social Affairs Bureau SRS

Guddiga tabarucaadka bilaha xagaaga ayaa soo kormeeray guryaha loo dhisayo dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Jigjig...
22/08/2026

Guddiga tabarucaadka bilaha xagaaga ayaa soo kormeeray guryaha loo dhisayo dadka danyarta ah ee ku nool magaalada Jigjiga.

Guddiga Tabarucaadka Xagaaga ee Xafiisyada Heer Deegaan oo uu hoggaaminayay Wasiirka Xafiiska Arrimaha Bulshada DDS Mudane Qabdiid Cabdi ayaa ukuurgalay habsami u socodka dhismayaasha kala duwan ee loogu talagalay qaar ka mid ah bulshada danyarta ah ee laga soo kala xulay xaafadaha magaalada Jigijiga.

Wasiirka Xafiiska Arrimaha Bulshada DDS Mudane Qabdiid Cabdi Cumar oo kormeerka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay si wanaagsan usocdaan guryaha danyarta ee magaalada Jigjiga, kuwaas oo ay tiradoodu dhan tahay 20 guri, iyadoona haatan ay dhamaadeen 10 guri halka 10-ka kalena ay shaqadu ku socoto.

Isku soo wada duuboo waxaa guud ahaanba Dalka iyo Deegaanka si habsami leh uga socda hawlaha tabaarucaadka bilaha xagaaga kuwaas oo isugu jira dhiigshubis, dhirbees iyo caawinta dadka danyarta ah oo qaarkood guryo loo dhisayo.

Wasiirka Xafiiska Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DDS, Mudane Qabdid Cabdi Cumar, ayaa kormeer indho-indhayn ah ku tegay W...
18/08/2026

Wasiirka Xafiiska Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DDS, Mudane Qabdid Cabdi Cumar, ayaa kormeer indho-indhayn ah ku tegay Wakaaladda Xarunta Daryeelka Dadka Baahiyaha Gaarka ah qaba ee Magaalada Jigjiga.
Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta adeeg-bixinta ee wakaaladda, iyo sidii loo sii xoojin lagaa adeegyada bulshada.
Sidoo kale, kormeerku wuxuu ku saabsanaa:
Dardargelinta adeegyada xarunta iyo tayaynta adeeg bixinta wakaalada.

Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo tayada adeegyada bulshada, ee ay wakaaladu bixiso.

Gudiga maaraynta ee xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada oo uu shir gudoominayay Madaxa xafiiska Mudane Qabdiid cabdi c...
17/08/2026

Gudiga maaraynta ee xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada oo uu shir gudoominayay Madaxa xafiiska Mudane Qabdiid cabdi cumar ayaa shirkoodii caadiga ahaa qabsaday maanta galinkii danbe
Agendaha shirka ayaa waxaa kamid ahaa
1. Qiimaynta goobaha adeeg bixinta xafiiska iyo hirgalinta goobo ku haboon adeeg bixinta.

2. kobcinta awooda shaqaalaha xafiiska waaxihiisa kaladuwan,

3. dardargalinta shaqo galka iyo isla xisabtan shaqada gudaha ee xafiiska

Kulanka oo si balaadhan loogu gorfeeyay ajendeyaasha kor kuxusan, ayuu gabagabadii waxaa la isla gartay in dhamaan qodabadaa siday tahay loo hirgaliyo.

wasiirka xafiiska ayaa gunaanadkii shirka jihooyin guud kabixiyay Qodobada shirka waxaana la islaqaatay in gashi laga dhigto goldaloolooyinkii kasoobaxay Geedi-socodka shaqooyinka islamarkaana la xoojiyo Shaqooyinka xafiiska

Waaxda xidhiidhka dadwaynaha ee xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada Ee DDS📝

Xafiiska Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DDS ayaa 100 Mootooyinka loogu talogalay dadka baahiyaha gaarka ah qaba u qaybiya...
16/08/2026

Xafiiska Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DDS ayaa 100 Mootooyinka loogu talogalay dadka baahiyaha gaarka ah qaba u qaybiyay si ay ugu adeegtaan.

Wasiirka Xafiiska Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DDS Mudane Qabdiid Cabdi Cumar oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in mootooyinkani ay wax weyn ka tari doonaan dadka baahiya gaarka ah qaba, adeegyadooda gaarka ahana ay ku qabsan doonaan si madaxbanaan oo maalin le ah. Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in uu xafiisku si dhaw uga warhayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba daryeelkooda iyo taakulaytooda.

Geestoodana, dadkii mootooyinka la guddoonsiiyay ayaa si diirran u soo dhaweeyay deeqdan, iyagoo uga mahadceliyay DDS, isla markaana ballanqaaday inay si wanaagsan u ilaashan doonaan mootooyinka.

Deeqdan ayaa ah markii saddexaad ee Xafiiska Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DDS uu mootooyin siiyo dadka baahiya gaarka ah qaba, taas oo ka dhigaysa tirada guud ee mootooyinka uu xafiisku u qaybiyay dadka naafada ah 380 mooto.

Waxaa maanta kulan koodii caadiga ahaa yeeshay gudiga maareynta Xafiiska Shaqada & Arrimaha Bulshada DDS, oo uu shir gud...
05/08/2026

Waxaa maanta kulan koodii caadiga ahaa yeeshay gudiga maareynta Xafiiska Shaqada & Arrimaha Bulshada DDS, oo uu shir gudoomiyay wasiirka Xafiiska mudane Qabdiid Cabdi cumar waxaana kulankan looga hadlaayay geedi socodka hanaanka shaqo ee Xafiiska & sidii loo sii xoojin la'haa adeeg bixinta xafiiska
qodabadaas oo ay ka mid ahaayeen
1. Strategiyada fulinta Qorshaha sanadkan cusub Ee 2019 E.C
2. ⁠Shaqo galka Xafiiska

waxaa la isla gartay gorfayn kadib in dhamaan qodabadaa siday tahay loo hirgaliyo

Kulanka oo si balaadhan loogu gorfeeyay ajendeyaasha kor kuxusan, ayuu gabagabadii wasiirku jihooyin guud kabixiyay Qodobada shirka waxaana laislaqaatay in gashi laga dhigto goldaloolooyinkii kasoobaxay Geedi-socodka Shirka islamarkaana la xoojiyo Shaqooyinka xafiiska

Waaxda xidhiidhka dadwaynaha ee xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada Ee DDS📝

18/07/2026
Masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska Arimaha bulshada DDS ayaa wareegii 2aad saaka dhiigooda ugu deeqay kaydka dhiiga D...
02/07/2026

Masuuliyiinta iyo shaqaalaha xafiiska Arimaha bulshada DDS ayaa wareegii 2aad saaka dhiigooda ugu deeqay kaydka dhiiga DDS.

Hogaaminta iyo shaqaalaha Xafiiska Shaqada iyo arimaha bulshada DDS oo ka duulaya barnaamijka tabarucaadka Xagaaga ayaa dhiigooda ugudeeqay kaydka dhiiga Jigjiga wareegii 2aad

Wax la sadaqaysto waxaa ugu qaalisan dhiigaaga maadaama dhiiga aad sadaqaysatay sabab unoqon karo naf bani aadam in lagu bad'baadiyo.

Wasirka Xafiiska Shaqada iyo Arrimaha bulshada mudane Qabdid cabdi cumar iyo Kuxigenka xafiiska mudan Maxamed Axmed xirs...
02/07/2026

Wasirka Xafiiska Shaqada iyo Arrimaha bulshada mudane Qabdid cabdi cumar iyo Kuxigenka xafiiska mudan Maxamed Axmed xirsi ayaa kusodhaweyay casimada dawlad deegaanka somalida ee magalada jigjiga Wafti ay hoggaaminayso Kuxigeenka Agaasimaha Gobolka ee Hawlgallada Bariga, Geeska iyo Koonfurta Afrika ee Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) Marwo Nihan Erdogan iyo wasiru dawlaha wasarada haweenka iyo Arrimaha bulshada marwo Huriya Ali kuwaso booqasho shaqo u yimid deegaanka soomaalida si ay indho'indhayn ugu sameeyaan xarunta qaabilaada iyo jawaab celinta arrimaha tahriibka ee kutala magalada Togwajale.

Kormeerkan oo xooga lagu saaray qiimaynta adeegyada qaabilaadda muwaadiniinta Itoobiyaanka ah ee laga soo celiyo dalalka dibadda islamarkana daryeel lagu siyo xarunta iyo adeegyada ay uu fiidiyan
Ugu danbaynti waxaa laysla qaatay in xaruntani adeega ay bixiso u yahay mid muhima lona bahan yahay in lagu daro mustaqbalka qabdhismeedka dowlada.

Masuuliyinta Hayada IOM aya iyaguna balanqaaday in ay siiwadayaan taageerada adeegyada xarunta qaabilaada tabriibayaasha.

Masuliyiinta iyo shaqalaha Xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada DDSOo uugu horeeyo ku xigeenka xafiska mudane mahamed a...
25/06/2026

Masuliyiinta iyo shaqalaha Xafiiska shaqada iyo arimaha bulshada DDS
Oo uugu horeeyo ku xigeenka xafiska mudane mahamed ahmed oo dhirbeeris ka fuliyay gudaha xafiiska
Barnaamijkan ayaa qabka aha dhaxal reebka cagaaran iyo ololaha tabarucaada sanadka oo halku dhigiisu yahay geed beer oo rajo reeb
Ololaha taburcaadka sanadka ayaa isugujiro howlo kala duwan oo bulshada waxtar uleh ku waaso oo kala ah dhir beeris iyo istaageerida bulshada danyarta ah

WAAXDA XIDHIIDHKA DAD WAYNAHA EE
XAFIISKA SHAQADA IYO ARIMAHA BULSHADA DDS📝

Jigjiga: Waxaa ka furmay qiimaynta warbixinta waxqabadka ee sanadka 2018 T.I ee mashruuca damaanadqaadka cuntada qaybtii...
24/06/2026

Jigjiga: Waxaa ka furmay qiimaynta warbixinta waxqabadka ee sanadka 2018 T.I ee mashruuca damaanadqaadka cuntada qaybtiisa quudinta tooska ah (PDS).

Kulanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulsha JDFI Marwo Huriya Ali, masuuliyiinta xafiisyada shaqada iyo arimaha bulshada ee dawlad deegaanada dalka ayaa ahaa mid lagu qiimaanayay qorshayaashii mashruuca iyadoo xaafiis walba uu soo bandhigi doono warbixintiisa iyo khibrad wadaag.

Marwo Huriya Ali Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Bulsha JDFI iyo Mudane Qabdiid Cabdi, Wasiirka xafiiska Shaqada iyo Arrimaha Bulshada DDS oo madasha furay ayaa sheegay in mashruucu uu ahmiyad balaadhan siiyo dadka nugul, taas oo qayb ka ah barnaamijyada kor loogu qaadayo nolosha bulshada.

Address

Old Kilil
Jijiga
1977

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Arimaha Bulshada DDS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xafiiska Arimaha Bulshada DDS:

Shortcuts

Share