07/10/2019
Q2aad shekadi dhibanaha aan dhalan
Inkastoo Bilan tirsaneysay meel ka dhac misana markuu xaal siiyey haasaawihiisiina u bogtay oo uga dhadhantay inuu aad uga xun yahay falkiisii, garyigilna yahay, raalli bey noqotay. Markaas iyadoo xiiso leysu qabo ayuu Dalalna geeliisii aaday, iyana arigeedii oo ka yare durkay ka daba tagtay. Nasiib darro markay arigii u tagtay waxay la kulantay arigii oo dawacooyin labo neef ka bakhtiisteen.
Aalaaba sida dhacda reer miyigu aad bey u qiimeeyaan xoolahooda nool, qofka beylihiyana sida Bilan ku dhacday, waa la dilaa, ama waa la canaantaa, kolleyba tallaabo ciqaabeed ayaa laga qaadaa.
Sidaas darteed, markey arigii guryo geysay oo warkii la helay in dawaco arigii wax ka cuntay baa hooyadeed Cawo Nuur canaan kulul dusha uga tuurtay, oo waxay ku tiri, “Naayaa, xaalkaaga waa la socdaa, mee arigii lagu raaciyey? Mise beryahan dambe shafkaaga buuxsamay baa kuu been sheegay, oo haasaawe iyo qooq baad meherad ka dhigatay?” Iyadoo sii wadda bey haddana tiri, “Wallaadan reerka caawa iigu soo hoyaneyn, haahey! Waadigii is dhudhuganaayey baryahan lagu fasax.”
Bilan waa ka naxday hadalkii hooyadeed haasaawaheeda wax kaga sheegtay, waxayna danniday dhagar qabe dhulkow dhaqdhaqaaqee, iney si uun laacdankeedii maanta wax ka tuhuntay.
Canaantaas keliya loogagama harine intey hooyadeed labo ulood ku dhifatay ayey weliba kaga dhaaratay ineyan caawa guriga u soo hoyanin. Inkastoo aabbaheed isku dayey inuu dhexdhexaadiyo, hooyadii oo qof kulul u dhalatay, ayaa ku adkaatay ra’yigeedii.
Sidaasey Bilan iyadoo dhowr qaarood qabta guriga duleedkiisa ugu hoyatay habeenkii. Inkastoo dhaxan qaboobi jirtay isla markaasna baahiyi heysay oon waxba la siin, haddana ma dareemin, maxaa yeelay waxay ku dheeraatay feker ah, Maxaaba laguugu dilayaa hadba neef dawaco cuntay, waad hano qaadday, gurina waad yeelan kartaaye, maad tashatid? Fekeraddaas aad bey ugu guuxday, waxayna gashay sidey dhallintey taqaan oo gayaankeeda ah xul uga samayn lahayd,