11/08/2026
Farriinta Toddobaadka!
Sida dhirta aan maanta beeranno ay berri hadh u noqon doonto, ayaa aragtida aan maanta wadajirka ah dhiseyno ay berri u noqon doonta adkaysiga iyo jiritaanka dalkeenna!
Taariikhdeennii h**e ayaa marag u ah in marka Itoobiyaanku aan midnimo u istaagno, aysan jirin cudud inaga hor istaagi karta. Adwa, annagoo aan ku kala qaybsamin kala duwanaanteenna, islamarkaana hal qalbi iyo hal ujeeddo leh, ayaan guul ka gaadhnay duullaankii Cadowga shisheeye ee xuduudda ka soo talaabay ee doonayay inuu dalkeenna ku soo rogo Adoonsi iyo nidaamka gumeysi. Taariikhdaasina waxay inoo tahay cashar weyn; waxayna tusaale nool u tahay in marka aan ujeeddadeenna loo dhan yahay ka hormarino kala duwanaanta shaqsiyeed iyo kooxeed, aan gaadhi karno guulo waaweyn.
Jiilkeenna maanta noolna wuxuu xaqiijiyey inuu ruuxdii taariikhiga ahayd ee awoowayaasheen uu dib u soo nooleeyo, iyadoo Biyo-xireenka Weyn ee dib u curashada Itoobiya (GERD) uu noqday astaan muujinaysa midnimadeena iyo ka go’aanaanshaheena qaran, halka Dhaxal reebka cagaaran (Green Legacy) uu malaayiin muwaadiniin ah ku mideeyay hal ujeeddo, iyadoo ficil lagu muujiyay dhaqangelinta isbeddelka qaran.
Barnaamijka dhaxal reebka cagaaran, ee uu sannadkii 2011T.I (2018 taariikhda Miilaadiga) Hindisay R/Wasaare Dr. Abiy Axmed Cali, ayaa 8dii sano ee uu socday suurtageliyay in la beero in ka badan 48 bilyan oo geed. Taasi oo gacan ka geysatay xaqiijinta mas’uuliyadeed ee jiilka dambe lagu dhaxalsiinayo dal ka wanaagsan kan maanta, xoojinta damaanad qaadka cunnada, ilaalinta deegaanka, kobcinta madaxbannaanida dhaqaale iyo xaqiijinta ka faa’iidaysiga loo dhan yahay. Hadaba, sannadkan iyadoo laga duulayo hal-ku-dhagga
dhir beerista ee ah "Geed beer oo Rajo beer”ee lagu meel marinayey barnaamijka dhaxal reebka cagaaran, ayaan hal maalin gudaheed si guul leh midnimo ugu beeray 805.3 Milyan oo geed, waxayna ina tustay heerka sare ee aan wax walba ka gaari karno, marka aan wadajir ku dhaqaaqno.
Barnaamijka dhaxal reebka Cagaaran oo tartiib tartiib ah u noqday dhaqan ay wada qaateen Itoobiyaanku ayaa horseeday in heer daboolka dhirta dalkeennu gaadho 23.4%. Kasokow, dadaalada lagu xaqiijinayo ujeeddooyinka ina mideeya, barnaamijkani wuxuu door weyn ka qaadanaya xoojinta wada noolaanshaha, walaaltinimada iyo midnimada kaladuwanaanta qaranimadeena.
Dowladda wadajirka ee uu hoggaamiyo Xisbiga Barwaaqo waxay ahmiyad weyn siisay dhaqaalaha cagaaran, ilaalinta deegaanka iyo daryeelka khayraadka dabiiciga ah. Iyadoo laga bilaabo Xagaagii sannadkii 2011T.i, sannad kasta la hirgelinayay barnaamijka dhaxal reebka Cagaaran. Barnaamijkan waxaa sii waday qaybaha kaladuwan ee dalka oo dhan, iyadoo la qaybgelinayo dhammaan qaybaha bulshada, yar iyo weynba.
Barnaamijkani waa tallaabo Itoobiya ka dhigtay hormuudka dhaqaalaha cagaaran ee Afrika iyo fagaarayaasha caalamiga ahba. taasi oo horseeday in Maanta dhaqanka dhir-beeristu ka gudbo olole dowladeed iyo dadaalada shaqsiyeed, isagoo abuuray muuqaal qaran. Barnaamijka dhaxal reebka-Cagaaran ee siddeeddii sano ee la soo dhaafayna wuxuu noqday tusaalaha ugu weyn ee dalkeena.
Barnaamijka dhaxal reebka-Cagaaran wuxuu kor u qaaday islamarkaana xoojiyay sumcadda caalamiga ah iyo saamaynta Itoobiya,isagoo kaalin mug leh ka qaatay in Itoobiya loo doorto inay martigeliyso Shir madaxeedka Caalamiga ah ee COP32. Sidaas awgeed, Itoobiya waxay xaqiijisay inay hormuud u sii ahaato ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka, iyadoo dunida raad ku reebtay, isla markaana si xilkasnimo leh ku hanatay mas’uuliyadda taariikhiga ah ee martigelinta COP32 ee horteeda taalla.
Sidookale dhirbeerista aan hal gabbal ku beernay Malaayiinta dhirta ah waxay u baahan yihiin dabagal iyo daryeel joogto ah. Sidaas darteed, waxaa ka xisbi ahaan naga go’an inaan kobcinno dhirtii aan beernay, sii wadno howlihii aan bilownay, isla markaana Wadajir u xaqiijinno arrimaheenna guud. waana inaan wadajir uga shaqaynaa horumarka waara, nabadgalyada, kobaca dhaqaalaha, midnimada qaran iyo dhammaan arrimaha kale ee inaga dhexeeya.
Geedka aan maanta beerno berri wuxuu noqonayaa hadh;Afkaarta loo dhan yahay ee aan maanta dhisaynana berri waxay noqonayaa aas-aaska Adkaysiga dalkeena. Sidaa darteed, dhir beeristu ma aha hawl deegaanka
lagu ilaalinayo oo keliya , ee waa mas’uuliyad qaran oo aan maanta kudhisayno dalka wanaagsan oo aan dhaxalsiino carruurteenna iyo ubadkooda.