Somali Prosperity Party-ብልጽግና

Somali Prosperity Party-ብልጽግና This is the Somali Prosperity party (SPP) page to communicate with supporters and fans where ever they are.
(12)

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa magaalada Jigjiga ka furay Shirweynaha Xuska Maalinta C...
12/08/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa magaalada Jigjiga ka furay Shirweynaha Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Dhallinyarada, kaas oo sannadkan halku-dheg looga dhigay “Mawduucyo Kala-duwan iyo Himilooyin Guud.”

Shirweynaha waxaa ka soo qayb-galay Wasiirka Xafiiska Dhallinyarada iyo Ciyaaraha DDS, Mudane Maxamed Mahdi, masuuliyiin heer deegaan ah, ururrada dhallinyarada iyo dhallinyaro ka kala socotay qaybaha bulshada.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, oo furitaanka shirweynaha ka hadlay ayaa sheegay in dhallinyaradu yihiin awoodda ugu weyn ee lagu xaqiijin karo nabadda, horumarka iyo mustaqbalka Deegaanka, loogana baahan yahay inay kaalintooda ka qaataan ilaalinta nabadda, xoojinta wadajirka bulshada iyo horumarinta dalkooda.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax ayaa sidookale sheegay in dawladdu sii xoojinayso fursadaha ay dhallinyaradu kaga qayb qaadan karaan shaqo abuurka beeraha, xoolaha, ganacsiga, warshadaha, adeegyada, farsamada iyo tiknoolajiyadda,
Sidookale dhallinyarada looga baahan yahay inay xirfado bartaan, kana faa’iidaystaan fursadaha jira. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa Sidookalena sheegay maadaama oo lagu jiro bilihii xagaaga laga shaqeeyo arrimaha tabarucaadka lana qabto shaqooyin waxtar u leh bulshada deegaanka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenku wuxuu dhallinyarada ugu baaqay inay noqdaan jiil nabadda ilaaliya, shaqada qiimeeya, aqoonta iyo xirfadda kobciya, fursadahana ka faa’iidaysta, si ay door muuqda uga qaataan dhismaha mustaqbalka Deegaanka iyo dalka.

Farriinta Toddobaadka!Sida dhirta aan maanta beeranno ay berri hadh u noqon doonto, ayaa  aragtida aan maanta wadajirka ...
11/08/2026

Farriinta Toddobaadka!

Sida dhirta aan maanta beeranno ay berri hadh u noqon doonto, ayaa aragtida aan maanta wadajirka ah dhiseyno ay berri u noqon doonta adkaysiga iyo jiritaanka dalkeenna!

Taariikhdeennii h**e ayaa marag u ah in marka Itoobiyaanku aan midnimo u istaagno, aysan jirin cudud inaga hor istaagi karta. Adwa, annagoo aan ku kala qaybsamin kala duwanaanteenna, islamarkaana hal qalbi iyo hal ujeeddo leh, ayaan guul ka gaadhnay duullaankii Cadowga shisheeye ee xuduudda ka soo talaabay ee doonayay inuu dalkeenna ku soo rogo Adoonsi iyo nidaamka gumeysi. Taariikhdaasina waxay inoo tahay cashar weyn; waxayna tusaale nool u tahay in marka aan ujeeddadeenna loo dhan yahay ka hormarino kala duwanaanta shaqsiyeed iyo kooxeed, aan gaadhi karno guulo waaweyn.

Jiilkeenna maanta noolna wuxuu xaqiijiyey inuu ruuxdii taariikhiga ahayd ee awoowayaasheen uu dib u soo nooleeyo, iyadoo Biyo-xireenka Weyn ee dib u curashada Itoobiya (GERD) uu noqday astaan muujinaysa midnimadeena iyo ka go’aanaanshaheena qaran, halka Dhaxal reebka cagaaran (Green Legacy) uu malaayiin muwaadiniin ah ku mideeyay hal ujeeddo, iyadoo ficil lagu muujiyay dhaqangelinta isbeddelka qaran.

Barnaamijka dhaxal reebka cagaaran, ee uu sannadkii 2011T.I (2018 taariikhda Miilaadiga) Hindisay R/Wasaare Dr. Abiy Axmed Cali, ayaa 8dii sano ee uu socday suurtageliyay in la beero in ka badan 48 bilyan oo geed. Taasi oo gacan ka geysatay xaqiijinta mas’uuliyadeed ee jiilka dambe lagu dhaxalsiinayo dal ka wanaagsan kan maanta, xoojinta damaanad qaadka cunnada, ilaalinta deegaanka, kobcinta madaxbannaanida dhaqaale iyo xaqiijinta ka faa’iidaysiga loo dhan yahay. Hadaba, sannadkan iyadoo laga duulayo hal-ku-dhagga
dhir beerista ee ah "Geed beer oo Rajo beer”ee lagu meel marinayey barnaamijka dhaxal reebka cagaaran, ayaan hal maalin gudaheed si guul leh midnimo ugu beeray 805.3 Milyan oo geed, waxayna ina tustay heerka sare ee aan wax walba ka gaari karno, marka aan wadajir ku dhaqaaqno.

Barnaamijka dhaxal reebka Cagaaran oo tartiib tartiib ah u noqday dhaqan ay wada qaateen Itoobiyaanku ayaa horseeday in heer daboolka dhirta dalkeennu gaadho 23.4%. Kasokow, dadaalada lagu xaqiijinayo ujeeddooyinka ina mideeya, barnaamijkani wuxuu door weyn ka qaadanaya xoojinta wada noolaanshaha, walaaltinimada iyo midnimada kaladuwanaanta qaranimadeena.

Dowladda wadajirka ee uu hoggaamiyo Xisbiga Barwaaqo waxay ahmiyad weyn siisay dhaqaalaha cagaaran, ilaalinta deegaanka iyo daryeelka khayraadka dabiiciga ah. Iyadoo laga bilaabo Xagaagii sannadkii 2011T.i, sannad kasta la hirgelinayay barnaamijka dhaxal reebka Cagaaran. Barnaamijkan waxaa sii waday qaybaha kaladuwan ee dalka oo dhan, iyadoo la qaybgelinayo dhammaan qaybaha bulshada, yar iyo weynba.

Barnaamijkani waa tallaabo Itoobiya ka dhigtay hormuudka dhaqaalaha cagaaran ee Afrika iyo fagaarayaasha caalamiga ahba. taasi oo horseeday in Maanta dhaqanka dhir-beeristu ka gudbo olole dowladeed iyo dadaalada shaqsiyeed, isagoo abuuray muuqaal qaran. Barnaamijka dhaxal reebka-Cagaaran ee siddeeddii sano ee la soo dhaafayna wuxuu noqday tusaalaha ugu weyn ee dalkeena.

Barnaamijka dhaxal reebka-Cagaaran wuxuu kor u qaaday islamarkaana xoojiyay sumcadda caalamiga ah iyo saamaynta Itoobiya,isagoo kaalin mug leh ka qaatay in Itoobiya loo doorto inay martigeliyso Shir madaxeedka Caalamiga ah ee COP32. Sidaas awgeed, Itoobiya waxay xaqiijisay inay hormuud u sii ahaato ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo deegaanka, iyadoo dunida raad ku reebtay, isla markaana si xilkasnimo leh ku hanatay mas’uuliyadda taariikhiga ah ee martigelinta COP32 ee horteeda taalla.

Sidookale dhirbeerista aan hal gabbal ku beernay Malaayiinta dhirta ah waxay u baahan yihiin dabagal iyo daryeel joogto ah. Sidaas darteed, waxaa ka xisbi ahaan naga go’an inaan kobcinno dhirtii aan beernay, sii wadno howlihii aan bilownay, isla markaana Wadajir u xaqiijinno arrimaheenna guud. waana inaan wadajir uga shaqaynaa horumarka waara, nabadgalyada, kobaca dhaqaalaha, midnimada qaran iyo dhammaan arrimaha kale ee inaga dhexeeya.

Geedka aan maanta beerno berri wuxuu noqonayaa hadh;Afkaarta loo dhan yahay ee aan maanta dhisaynana berri waxay noqonayaa aas-aaska Adkaysiga dalkeena. Sidaa darteed, dhir beeristu ma aha hawl deegaanka
lagu ilaalinayo oo keliya , ee waa mas’uuliyad qaran oo aan maanta kudhisayno dalka wanaagsan oo aan dhaxalsiino carruurteenna iyo ubadkooda.

10/08/2026

Sababta aan halkan iskugu imaanay ayaa ah inaan ka-wadatashano in Itoobiya oo dhan ay hesho nabadgalyo waarta oo iskumid ah ,in lahelo dhaqaale iyo horumar waara oo iskumid ah" Ergayda kasocota deegaanka Soomaalida ee qaybta ah madasha shirwaynaha wada-tashiga qaran ee Itoobiya.

Koox (Team) ka socotay Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Laanta Deegaanka Soomaalida, oo qayb ka ahayd kooxihii loo xil-saara...
09/08/2026

Koox (Team) ka socotay Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Laanta Deegaanka Soomaalida, oo qayb ka ahayd kooxihii loo xil-saaray kormeerka shaqo, dabagalka iyo taakulaynta, ayaa kormeer ku sameeyay barnaamijyada iyo hindisayaasha Xisbiga Barwaaqo ee laga hirgeliyay Degmooyinka Shabeelley, Gursum iyo Qabribayax ee Gobolka Faafan.

Kormeerkan ayaa lagu eegayay habka ay u socdaan barnaamijyada hindisayaasha Xisbiga Barwaaqo ee laga hirgeliyay degmooyinkan kuwaas oo diiradda saaraya horumarinta adeegyada bulshada.

Ujeedada Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada Xisbiga Barwaaqo uu ugu jiro xoojinta hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee xukuumadda, si loo xaqiijiyo yoolasha siyaasadeed iyo horumarineed ee Xisbiga.

08/08/2026
Dhinaca dib-u-habaynta ee sannadihii la soo dhaafay la hirgeliyay waxaa laga gaaray natiijooyin wanaagsan iyo guulo bada...
08/08/2026

Dhinaca dib-u-habaynta ee sannadihii la soo dhaafay la hirgeliyay waxaa laga gaaray natiijooyin wanaagsan iyo guulo badan.

Madaxweyne Ku-xigeenka Xisbiga Barwaaqo ahna Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga, Mudane Aadan Faarax, ayaa sidaas sheegay.

07/08/2026
Xisbiga Barwaaqo oo bulshada beesha caalamka uga warbixiyay guulihii Doorashadi Guud ee 7-aadWaaxda Xidhiidhka Dadweynah...
07/08/2026

Xisbiga Barwaaqo oo bulshada beesha caalamka uga warbixiyay guulihii Doorashadi Guud ee 7-aad

Waaxda Xidhiidhka Dadweynaha iyo Caalamka ee Xisbiga Barwaaqo ayaa Madal xog-waran ah oo looga hadlayey guulihii laga gaaray Doorashadii Guud ee 7-aad u qabtay diblomaasiyiinta, bah-wadaagta horumarinta iyo xubnaha bulshada beesha caalamka
ee Addis ababa saldhigoodu yahay.

Madaxa xidhiidhka Dadweynaha iyo Caalamka ee Xarunta Dhexe ee Xisbiga Barwaaqo, Dr. Biiqilaa Huurisaa oo Warbixinta natiijada doorashada jeediyey, ayaa sheegay in Xisbiga Barwaaqo uu si ka go’naansh iyo dadaal leh uga shaqeynayo sidii matalaaddii shacabka ee uu ka helay Doorashadii Guud ee 7-aad loogu beddeli lahaa guulo muuqda oo dhinacyada arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda waxtar u leh.

Dr. Biiqilaa Huurisaa oo Hadalkiisa sii wata ayaa cadeeyay in aasaaska ugu muhiimsan ee lagu dhisi karo dal adag, isla markaana shacabka looga saari karo saboolnimada, uu yahay dhismaha xisbi leh aragti, hoggaamin, Cudud shaqaale, qaab-dhismeed iyo agab ku filan oo wax-ku-ool ah.

Masuulka ayaa tilmaamay in xisbigu uu dadaal adag geliyey sidii shacab weynaha Itoobiya loola yeelan lahaa xidhidh dhow iyo isku-xidhnaan xooggan tan iyo markii Xisbigan Barwaaqo la aasaasay.

Dr. Biiqila ayaa xusay in sanadihii lasoo dhaafay ee uu xisbigu dalka hoggaaminayay la hirgeliyey istaraatiijiyado waxku oola oo horseeday in shacabka laga helo aqbalaad iyo kalsooni buuxda islamarkaana ay horseedeen in qaybaha kala duwan ee bulshada la abaabulo, taas oo keentay in la diiwaangeliyo natiijooyin midho dhal ah oo la taaban karo.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dib-u-habaynada dhinaca Waxsoosaarka beeraha ee la hirgeliyay 3dii ilaa 4tii sano ee lasoo dhaafay ay Itoobiya u sahleen inay Qaado waddada xaqiijinta Madax banaanida iyo isku-filnaanshaha cunnada, islamarkaana ay Talaabadani horseeday in Itoobiya ay Waqti xaadirkan ka mid noqoto wadamada waaweyn ee waxsoosaarka qamadiga ugu h**eeya Qaarada Afrika.

Dhinaca dhaxal reebka Cagaaran (Green Legacy), waxa uu sheegay in Itoobiya sanadihii lasoo dhaafay ay beertay in ka badan 48 bilyan oo geed, taas oo gacan ka geysatay ilaalinta deegaanka iyo dhisidda awoodda la qabsiga Saamaynta isbeddelka cimilada ee dalka.

Dhinaca horumarinta iyo bilicda magaalooyinka, waxa uu tilmaamay in Addis Ababa iyo magaalooyin badan oo dalka ka mid ah laga hirgeliyay mashaariicda horumarinta Marinadda oo casri ah, kuwaas oo kor u qaadaya heerka Magaalonimo, soojiidashada indhaha dalxiisayaasha iyo muuqaalka magaalooyinka.

Geesta kale Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha iyo Caalamka ee xarunta dhexe ee Xisbiga Dr, Biiqila Huurisa, ayaa sheegay in Xisbiga Barwaaqo oo ka duulaya kalsoonida cusub ee uu shacabku siiyeen Doorashadii Guud ee 7-aad, uu xisbigu ku guda jiro sidii ballanqaadyadii manifeestada Ololaha doorashada loogu beddeli lahaa qorshe hawleedyo istaraatejiyadeed islamarkaana si ka go'naansho leh loo fulinayo.

Dr, Biqilaa ayaa sidookale Xusay in shanta sano ee soo socota la hirgelin doono hawlo horumarineed oo badan, iyadoo xoogga la saarayo in sidii shacabka looga saari lahaa saboolnimada, islamarkaana Itoobiya u gudbiyana heerka dhaqaalaha dhex dhexaadka ah.

Dhinaca dhaqaalaha iskudhafka ah, waxa uu sheegay in xoogga la saari doono Fidinta iyo ballaarinta waxsoosaarka dalaga beeraha, wax-soo-saarka warshadaha, dalxiiska, Macdanta iyo dhaqaalaha dijitaalka ah, si loo xaqiijiyo barwaaqada loo dhan yahay ee heer qoys ilaa heer shaqsi.

Masuulka ayaa Xaqiijiyay in laga shaqeyn doono sidii loo xasilin lahaa dhaqaalaha guud ee Itoobiya, iyadoo diiradda la saarayo horumarinta waxbarashada, caafimaadka, dhaqanka iyo kobcinta luuqadaha, si loo dardargeliyo horumarinta arraja bulshada.

Sidoo kale Dr, Biqiila ayaa tilmaamay in la fulin doono mashaariic waaweyn oo lagu dhisayo midnimada shacabka, nabad galyada waarta iyo isfahanka qaran.

Ugu dambayntii Madaxa Xidhiidhka dadweynaha iyo Caalamka Xisbiga Barwaao Dr, Biiqila Huurisa oo tilmaamay in wadahadaladu muhiim u yihiin in la abuuro is-fahan qaran,ayaa cadeeyey in dalku hadda kujiro marxalada muhiimka ee Wadatashiga Qaran ee loo dhan yahay, kaas oo ay ka qaybgalayaan 4 kun oo Ergooyin Itoobiyaan ah.

07/08/2026

"Wadatashiga Qaran waxa uu u socdaa si lagu kalsoonaan karo oo hufan", Komishineerka komishion ka Wadatashiga Qaran ee Itoobiya", Prof. Mesfin Araya

06/08/2026

"Wadahadalka Qaran mar walba waa faa'iido. Ka deegaan ahaan waan taageersannahay. Deegaankeenna maanta wuu ka duwan yahay sidii h**e; waxaan haysannaa nabad, horumar iyo barwaaqo."

— Qaar ka mid ah Odayaasha Deegaanka Soomaalida.

Address

Jijiga

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:30
Tuesday 09:00 - 17:30
Wednesday 08:00 - 17:30
Thursday 08:00 - 17:30
Friday 08:00 - 17:30

Telephone

+251257752911

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Prosperity Party-ብልጽግና posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share