Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Gobolka Faafan

Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Gobolka Faafan Kusoo Dhawow Boga Rasmiga ah ee Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Laantiisa Gobolka Faafan

Wafdi balaadhan oo u hogaaminayo Eng. Maxamed Shaale Isaaq, madaxa xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida ayaa soo korm...
01/09/2026

Wafdi balaadhan oo u hogaaminayo Eng. Maxamed Shaale Isaaq, madaxa xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida ayaa soo kormeeray mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyay degmada Goljano ee gobolka Faafan.

Masuuliyiinta ayaa soo indha indheeyay mashaariic ay ka mid yihiin; dhismaha xarunta maamulka, xarunta dhaqashada geela, xarumaha dhaqashada digaagga iyo shinnida, xarunta ka ganacsiga adhiga iyo lo’da, dhul-beereedyo laga hirgeliyay degmada, dhismaha dugsiga waxbarashada iyo qoysaska hormuudka ah ee ka qeyb qaatay hirgelinta hindisayaasha Xisbiga Barwaaqo.

Sidoo kale, wafdiga ayaa kulan la yeeshay maamulka iyo xubnaha Kabineetka degmada Goljano, halkaas oo maamulka degmadu uu masuuliyiinya uga warbixiyay waxqabadka degmada ee s.m 2018 iyo hawlaha laga qabtay qorshayaashii u yaalay degmada.

Kormeerkani ayaa qayb ka ah kormeero kala duwan oo hogaaminta sare ee xukuumadda Deegaanka Soomaalida ay ugu kala baxeen qaar ka mid ah gobolada Deegaanka, kuwaas oo ujeedadoodu tahay la socodka waxqabadka mashaariicda horumarineed, qiimaynta adeegyada bulshada iyo dardargelinta qorshayaasha horumarineed ee ka socda Deegaanka.

Xafiiska Maamulka Gobolka Faafan

  Golaha Guud ee Amniga Gobolka FaafanMagaalada Jigjiga waxaa lagu qabtay Shirka Golaha Amniga ee Gobolka Faafan, oo ay ...
20/08/2026

Golaha Guud ee Amniga Gobolka Faafan

Magaalada Jigjiga waxaa lagu qabtay Shirka Golaha Amniga ee Gobolka Faafan, oo ay ka soo qaybgaleen hoggaaminta Gobolka, maamulka iyo hay’adaha amniga, iyo sidoo kale hoggaaminta degmooyinka iyo hay’adaha amniga ee degmooyinka Gobolka Faafan.

Shirku waxaa si qoto dheer loogaga hadlay xoojinta nabadgelyada, ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka, la-dagaallanka falalka amni-darrada, iyo ilaalinta wax-soo-saarka bulshada, gaar ahaan dhul-beereedka xilliga roobka.

'aamada kasoo baxay Shirka

- iyo

Waxaa la dhisay guddi gaar ah oo u xilsaaran dabagalka iyo soo qabashada dhagar-qabayaasha, iyadoo la dardargelinayo soo qabashada kuwa dhuumaalaysanaya, furitaanka galalkooda dacwadeed iyo in si buuxda loo horkeeno sharciga, laguna qaado tallaabada ciqaabeed ee waafaqsan sharciga. Go’aankani wuxuu khuseeyaa dhagar-qabe kasta, xitaa haddii uu dalka ka baxsado, iyadoo la adeegsanayo hababka sharci iyo iskaashiga lagama maarmaanka ah.

-hortagga iyo

Degmo kasta waxaa la faray inay si buuxda uga shaqayso ka-hortagga, maaraynta iyo xallinta khilaafaadka ka dhaca deegaankeeda. Khilaaf kasta waa in si degdeg ah loo ogaadaa, loo farageliyaa, loona soo afjaraa inta uusan ballaaran ama u gudbin heer khatar ku ah nabadgelyada iyo wada-noolaanshaha bulshada.

dhul-beereedka iyo -soo-saarka

Waxaa si cad loo go’aamiyey in xilliga roobka aan la abuuri karin muran ama isku-qabsi ka dhasha dhul-beereedka, si loo ilaaliyo hawlaha beeraha, loo sugo wax-soo-saarka, loona xoojiyo isku-filnaanshaha cuntada iyo dhaqaalaha bulshada.

iyo ’aamada

Ugu dambayn, Golaha Amniga Gobolka Faafan wuxuu si buuxda isugu raacay in go’aamadan si degdeg ah oo wadajir ah loo hirgeliyo, iyadoo masuuliyad cad lakala siinayo maamulka iyo hay’adaha amniga ee heer kasta.

Go’aamada waxaa loo dhaadhicinayaa heer degmo, tuulo iyo bulshada deegaanka, si ay u noqdaan kuwo si dhab ah uga hirgala dhammaan degmooyinka Gobolka Faafan.

09/08/2026

Kooxda kormeerka iyo taakulaynta ee gobalada Faafan, Jarar, Siti iyo Erer ee xarunta dhexe Xisbiga Barwaaqo laanta Deegaanka ayaa soo kormeeray barnaamijyada hindisayaashaXisbiga Barwaaqo ee laga hirgeliyay degmooyinka Shabeellay iyo Gursum ee gobalka Faafan.

Abaalmarintu waa aqoonsiga dadaalka iyo dhiirrigelinta waxqabadka.Hambalyo qabaleeyadii hormuudka ahaa, hoggaamintii, sh...
27/06/2026

Abaalmarintu waa aqoonsiga dadaalka iyo dhiirrigelinta waxqabadka.

Hambalyo qabaleeyadii hormuudka ahaa, hoggaamintii, shaqaalihii iyo shaqaale-hoosaadkii qaab-dhismeedka xisbiga ee kaalinta muuqata ka qaatay ka midho-dhalinta qoondadii dakhliga. Sanadka 2018.

Aqoonsiga iyo abaalmarinta shaqada wanaagsan waxay kor u qaaddaa dhiirrigelinta, xoojisaa tartanka waxqabadka, kobcisaa isla-xisaabtanka, waxayna dhistaa dhaqan ku salaysan hufnaan iyo natiijo.

Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan intii dadaalkooda iyo daacadnimadooda ku mutaystay maamuuskan. Abaalmarintani ha noqoto dhiirrigelin lagu sii labanlaabayo waxqabadka, laguna xaqiijinayo himilooyinka horumarineed ee aynu wada higsanayno.

"Shaqada wanaagsan marka la aqoonsado, waxay dhalisaa dadaal ka sii wanaagsan."

26/06/2026

Xadhig Jarka qaybo kamid ah Masaariicda Degmooyinka Mulla iyo Goljano ee gobolka faafan.

Doorashada 7aad ee dalka iyo deegaanka oo si habsami leh uga socota guud ahaan aag doorashooyinka Gobolka Faafan.
01/06/2026

Doorashada 7aad ee dalka iyo deegaanka oo si habsami leh uga socota guud ahaan aag doorashooyinka Gobolka Faafan.

20/05/2026

Degmada Xarshin: Xadhig Jarka Mashaariicda Horumarineed ee laga fuliyay Degmada Xarshin S.M 2018

Magacaabis cusub degmooyinka gobolka Faafan
16/04/2026

Magacaabis cusub degmooyinka gobolka Faafan

Qiimaynta Waxqabadka 9ka Bilood ee SM 2018Waxaa xarunta Gobolka Faafan ee magaalada Jigjiga  ka furantay  qiimaynta warb...
15/04/2026

Qiimaynta Waxqabadka 9ka Bilood ee SM 2018

Waxaa xarunta Gobolka Faafan ee magaalada Jigjiga ka furantay qiimaynta warbixinta waxqabadka 9ka bilood SM. 2018 ee Degmooyinka Gobolka Faafan.

Qiimayntan ayaa lagu Qiimayn doonaa Shaqooyinkii qorshaysnaa ee dhanka Horumarka, Xisbiga iyo Nabadgalyada.

iskaashiga shaqaalaha dawlada ee degmada gursum oo lasiiyay tababar laxidhiidha xeer hoosaadka iyo barmaamijka siyaasade...
09/04/2026

iskaashiga shaqaalaha dawlada ee degmada gursum oo lasiiyay tababar laxidhiidha xeer hoosaadka iyo barmaamijka siyaasadeed ee xisbiga barwaaqo.

Address

Gobolka Faafan
Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Gobolka Faafan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share