03/06/2020
Ha noqon qof indhaha wax ku qiimeeya ee noqo qof caqliga wax ku qiimeeya, sababtoo ah Indhuhu waxeey ku siinayaan jawaab ku kooban wax aad adigu arakeyso, halka caqligu uu ku siin karo su'aalo iyo jawaabo macquul ah oo ay indhuhu arki kareynin".
Indhuhu kalayi wax ay arki karaan muuqaalka sare ee qofka sida:- dharka uu xidhan yahay , socodkiisa, qaabkiisa, midabkiisa iwm. balse caqligu wax uu ku siinayaa jawaabaha halka saxdda ah ee ay tahay inaaad qofka ka qiimeyso.
Ilahay SWT marnaba kuma qiimeyn doona bini aadamka suuradahooda iyo jidhkooda, balse Alle wuxuu eegayaa wax quluubtooda ku jiro.
H**e iyo danbeba waxaa meeshaa ku cad in Bini aadamka lagu qiimeyn karin muuqaalkooda sare. Balse Akhlaaqda, ixtiraamka , dulqaadka , samirka , degenaanta, wanaag sameenta, cafiska ,caawinta haddalka qumman IWM .
Waa miiqaamka saxdda ah ee Bini aadamka lagu kala saaari karno ama waa Halbeeg saxda ah ee aan kula shaadheyn karno dabeecadda wanaaga qofka bini aadamka ah.
Ugu danbeyntii waa in aan ku dadaalno in kabadan inta aan ku dadaaleyno muuqaalkeena sare, halka bini aadamka laga qiimeynayo.
Fadlan wll adigoo mahadsan la wadaag wllaha kale si ay uu akhristaan qorraalkan.
XIGASHO Hubaal