Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Degmada Awaare

Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Degmada Awaare Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Degmada Awaare, Political organisation, Jigjiga-Ethiopia, Jijiga.

Tijaabadii Orodka ee Dhalinyarada Degmada Awaare oo Maanta lasoo Gabagabeeyay! 🏃‍♀️Waxaa galabta la soo gabagabeeyay tij...
01/09/2026

Tijaabadii Orodka ee Dhalinyarada Degmada Awaare oo Maanta lasoo Gabagabeeyay! 🏃‍♀️
Waxaa galabta la soo gabagabeeyay tijaabadii orodka qaybihiisa kala duwan ee loo sameynayay dhalinyarada Degmada Awaare, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo ciyaaraha fudud iyo kobcinta kartida dhalinyarada.

Tijaabada waxaa hogaaminayay Guddoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee DDS, Mudane Abdi Qaadir Muhumed Abdi, waxaana ku wehelinayay Guddoomiyaha ku xigeenka Degmada Awaare, Mudane anas cabdi maxamed Isku-duwaha Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Gobolka Jarar, Mudane Abdi Fataax Goobe.

Waxaan bogaadinaynaa dhammaan dhalinyaradii ka qaybqaadatay tijaabadan, waxaana rajaynaynaa in fursaddani ay noqoto tallaabo muhiim ah oo ay ku gaadhaan guulo waaweyn oo dhanka ciyaaraha ah.

Waxaa maanta hoolka maxamed adan waariye ee dagmada kaqabsoomay shirkii iskaashiyada shaqaalaha dawlada. Shirkaas oo lag...
27/08/2026

Waxaa maanta hoolka maxamed adan waariye ee dagmada kaqabsoomay shirkii iskaashiyada shaqaalaha dawlada.

Shirkaas oo lagu qiimaynayay qorshaha iskaashiyada ee sm 2019.

Isagoo iskaashi kastaa soojediyay qorahihiisa uuqabanayo ama yaala sanadka hadii alle idmo.

Iyagoo iskaashiyadu xooga saaray dhanka tabarucaadka iyo caawinta qoysaska danyarta ah.

guri dayactir lagusamaynayo  oo loo samaynayo qoys danyara.waxaan saaka bilawnay guri dayactira ah oo lodayactirayo qoys...
05/08/2026

guri dayactir lagusamaynayo oo loo samaynayo qoys danyara.

waxaan saaka bilawnay guri dayactira ah oo lodayactirayo qoys danyara oo magaalada kamida.

aynu isu naxariisanosi illahay inoogu naxariisto.

waxaa isaguna meel fiican maraya gurigii dhismaha ahaa ee loo dhisayay qoyska danyarta ah ee ay dhisayeen bulshada awaare.

Tabarucaadka bilaha xagaaga Awaare Waxaa maanta Aanu dhagax dhig iyo dhismaha bilawgiisii samaynay guri kakooban laba qo...
26/07/2026

Tabarucaadka bilaha xagaaga Awaare

Waxaa maanta Aanu dhagax dhig iyo dhismaha bilawgiisii samaynay guri kakooban laba qol loodhisayo qoys danyar ah.
oo ay iska kaashanayaan dhamaan qaybaha kaladuwan ee bulshada magaalada Awaare
Axmed maxamuud (Axmed timacade ) gacantana ku haya hooyadii oo maral ah aadna u xanuunsanaysa

dadka kaalmada jecelna waxaan kacodsanaynaa inay kaqaybqaataan intii kaqayb qaadatayna illahay ajar iyo xasanaad hakasiiyo.

bulshada awaare waxay caan kutahay iscaawinta,istaageerida iyo isgarab qabashada.

Holka Degmada awaare ee maxamed aadan waariye oo qalabayn lagusameeyay
21/07/2026

Holka Degmada awaare ee maxamed aadan waariye oo qalabayn lagusameeyay

Maanta oo ay taariikhdu tahay 06/11/2018 waxaannu si rasmi ah u dhagax-dhignay dugsi cusub oo heerka barbaarinta caruurt...
13/07/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 06/11/2018 waxaannu si rasmi ah u dhagax-dhignay dugsi cusub oo heerka barbaarinta caruurta KG (Kindergarten) ah.

waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo horumarka waxbarashada degmada, maadaama waxbarashadu ay tahay aasaaska horumarka bulshada iyo mustaqbalka carruurteena.

Waxbarta aan barwaaqo gaadhnee

Waxaan qiimaynay waxqabadkii 12ka- billod ee 4ta qabalee ee magalada gudaheeda Qiimayntaas oo xooga lagu saarayay dhanka...
13/07/2026

Waxaan qiimaynay waxqabadkii 12ka- billod ee 4ta qabalee ee magalada gudaheeda

Qiimayntaas oo xooga lagu saarayay dhanka xisbiga,dakhliga iyo national ID ga

kadib Markii ay qiimayntu sodhamaatay waxaa shahaado sharaf lagudoonsiiyay qabaleyadii shaqooyinka fiican qabtay.

Qiimayntii iskaashiyada shaqaalaha xisbarwaaqo ayaa Saka ka bilaabmayay degmada.Qiimayntaas oo xooga lagusaarayay shaqoo...
19/06/2026

Qiimayntii iskaashiyada shaqaalaha xisbarwaaqo ayaa Saka ka bilaabmayay degmada.

Qiimayntaas oo xooga lagusaarayay shaqooyinka xisbiga.

musharixiinta  xisbiga barwaaqo  uuga tartamaya Doorashada 7aad  ee dalka Aag-doorashada awaare Dooro xidhmada Qamadiga
24/05/2026

musharixiinta xisbiga barwaaqo uuga tartamaya Doorashada 7aad ee dalka Aag-doorashada awaare

Dooro xidhmada Qamadiga

Haweenku waa laf-dhabarta horumarka, Barwaaqona waa xisbi awood siiya.Waxaa si heer sare ah magaalada awaare uga qabsoom...
23/05/2026

Haweenku waa laf-dhabarta horumarka, Barwaaqona waa xisbi awood siiya.

Waxaa si heer sare ah magaalada awaare uga qabsoomay kulan ballaadhan oo ay soo qabanqaabiyeen Garabka Haweenka ee Xisbiga Barwaaqo ee 4-ta qabalee ee magaalada awaare.

Kulankan ayaa ahaa mid lagu xoojinayay doorka haweenka ee horumarka, midnimada iyo geeddi-socodka dimuqraadiyadeed, isla markaana lagu taageerayay musharaxiinta Xisbiga Barwaaqo ee degmada awaare.

Waxaa sidoo kale lagu bogaadiyey kaalinta muuqata ee haweenku kaga jiraan abaabulka bulshada, wacyigelinta iyo adkaynta guusha ololaha doorashada.

Dooro Xisbiga Barwaaqo
Dooro Mustaqbalkaaga.

Address

Jigjiga-Ethiopia
Jijiga

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Degmada Awaare posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share