Xafiiska Beeraha, Xoolaha iyo illaalinta deegaanka ee M/M/Q

Xafiiska Beeraha, Xoolaha iyo illaalinta deegaanka ee M/M/Q Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Xafiiska Beeraha, Xoolaha iyo illaalinta deegaanka ee M/M/Q, Post office, Kabri Dar.

Maamulka Magaalada Qabridahare: Xafiiska Beeraha, Xoolaha& Ilaalinta Deegaanka Maamulka Magaalada Qabridahare oo waajiba...
21/03/2025

Maamulka Magaalada Qabridahare:

Xafiiska Beeraha, Xoolaha& Ilaalinta Deegaanka Maamulka Magaalada Qabridahare oo waajibaadkiisa shaqo & masuuliyadeed ee saaran kaduulaya yaa xaafadaha magaalada kabilaabay wacyigalinta tacabka beeraha ( dalag & daryeel) & dhaqashada xoolaha hab-casri ah ( dhaqo oo dheefso).

Hawl shaqeedkan oo kubeeg-maysa xili lafilayo dhamaadka bishan inay curtaan roobasha gu'ga yuu xafiisku dadaalo ugu jiraa in wacyiga bulshada kor uqaado.

Wacyi-galintan oo ay wada jir u fulinayaan xirfadleyaasha xafiiska oo isku dhafan & maamuladda xaafadaha magaalada ayaa socon doonta 2da todobaad ee soo aadan.

Shir lagaga wada hadlayay sidii loo bilaabi lahaa wacayigalinta beerashada ayaa lala yeeshay xirfadleyaasha xafiiska bee...
08/03/2025

Shir lagaga wada hadlayay sidii loo bilaabi lahaa wacayigalinta beerashada ayaa lala yeeshay xirfadleyaasha xafiiska beeraha & horumarinta xoolo dhaqatadda M.M.qabridahar.

Kulankan Abaabulka iyo wacyigalinta ayay ujeedkooddu ahayd sidii kor loogu qaadilahaa wax soosaarka beeraha maadama xili roobaadkii dhawyahay,

Kulankan ooy shir gudoomiyeen Madaxa arr,siyaasada magaalada qabridahar mudane Ahmeddahir Faarah Olow & madaxa xafiiska beeraha,horumarinta xoolo dhaqatada & ilaalinta deegaanka mudane Abdirahman shukri barre ayaa sidookale lagu lafa-guray sidii loosii dar-dargalinlahaa barnamijyada dalag & daryeel & dhaqo oo dheefso.

*_Waxaa xarunta caafimaadka xoolaha ee xaafada 7aad laku qaabilay masuuliyiinta kuliyadda xanaanada xoolaha ee jaamacada...
23/02/2025

*_Waxaa xarunta caafimaadka xoolaha ee xaafada 7aad laku qaabilay masuuliyiinta kuliyadda xanaanada xoolaha ee jaamacada qabridaharre.*_

Booqashadan oo ay qayb ka ahaayeen masuuliyiinta xafiiska beeraha & hor. Xoolo dhaqatada & madaxa wakaalada shaqo abuurka & damaanad qaadka cuntada ayna ku wehelinayeen
Hormuudka kulliyadda xanaanadda xoolaha jaamacadda qabridaharre
Dr. Isaaq & Dr. cabdiraxmaan ayay Booqashadoodu daaranayd sidii jaamacadda & xafiisku isaga kaashan lahaayeen horumarinta xoolaha & kor u qaadida caafimaadka xoolaha ayaa la isku waydaarsaday fikraddo & tabbo dhaxal gal ah kuwaas oo wax ka badali doona adeegbixinta & helitaanka daawayn iyo qalab caafimaad oo ku filan sector ka xoolaha.

Waxaana warbixin la xidhiidha adeega xarunta warbixin lagaga dhagaystay xirfadleyaasha xanaanada xoolaha kuwaas oo si mugleh sharaxaad uga bixiyay.

Dhankoodda masuuliyiinta kulliyadda ayaa nala wadaagay sida ay uga go’an tahay inaan iska kaashano halbeegyadda muhiimka ah,ayada oo ujeedaddu tahay in xoola-dhaqataddu M.Magaaladdu helaan dawayn, daraasaad & kohortaga xanuunada xoolaha.

Si loo dardar galiyo dawaynta xoolaha magaaladda waxaan la kulanay xirfadleyaasha ku qoran xaafadaha magaaladda, si aan ...
22/02/2025

Si loo dardar galiyo dawaynta xoolaha magaaladda waxaan la kulanay xirfadleyaasha ku qoran xaafadaha magaaladda, si aan kor ugu qaadno la socoshada xaaladaha deg-dega ah ee xiligan oo kale imaan kara (emergency & outbreak cases).
- xirfadleyaashan oo ku kala qoran 10 xaafadood oo magaaladda ah ayaa loo diyaariyay dawooyin,calaf & qalabka muhiimka ah ee ay kula tacaalilahaayeen.
- Sidoo kale xirfadleyaashani waxay si dhaw ula socon doonaan xoolaha ku dayacan magaalada & kuwa shilalku saameeyaan.
Kulankan oo xirfadleyaasha & xarumaha caafimadka la isugu xidhayay clusters ayaa si habsami leh ku soo dhamaaday.

Waxaan kormeer ku tagnay xarunta caafimaadka xoolaha ee xaafada gooraraaxo (7aad).Xaruntan oo dibloo furay ayaan u ukuur...
20/02/2025

Waxaan kormeer ku tagnay xarunta caafimaadka xoolaha ee xaafada gooraraaxo (7aad).
Xaruntan oo dibloo furay ayaan u ukuur galay qaab shaqeedkeedda maadaama oo lagu jiro xili kaliil adag ah ayaan kula dardaaranay joogtaynta dawaynta,bixinta talaalka xoolaha & inay ka jawaabaan xaaladaha deg-degga ah sida:- xoolaha shilalku waxyeeleeyaan & dadka aan awoodin inay dabaraan kharashaadka dawada.

Xaruntan oo lagu soo kordhiyay qaboojiyeyaal,qalabka cidiyaha & geesaha lagaga jaro meesiyadda xoolaha, qalabka baadhitaanadda fudud lagu sameeyo ayaa la rajaynayaa inay wax ka badali doonto adeegbixinta xarunta.

Shir muhiim ah oo lagaga wada hadlayay horumarinta ganacsiga gaarka ah, oo ay masuuliyiinta maamulka magaalada Qabridaha...
08/02/2025

Shir muhiim ah oo lagaga wada hadlayay horumarinta ganacsiga gaarka ah, oo ay masuuliyiinta maamulka magaalada Qabridaharre la yeesheen Ganacsatada ka shaqaysata xoolaha noocyadiisa Kala duwan.

Kulankan oo uu shir gudoomiyay Duqa magaalada Qabridahare Inj. Cabdirisaaq Cawil oo ay weheliyaan xafiisyada bah-wadaagta ah ee maamuka magaalada sida: Adeegbixinta, Dakhliga, Beeraha & Xoolaha, iyo Ganacsiga ayaa dhankooda waxa iyana qayb ka ahaa; ganacsatadda Xoolaha iyo dilaaliinta Xoolaha.

Waxaa lagu gorfeeyay caqabadaha iyo fursadaha si loo saxo galdaloollooyinka ka jira ganacsiga xoolaha, suuqa ama saylada. Dhanka kale, waxaa la dhagaystay fikiradaha ganacsatadda & dilaaliinta xoolaha magaalada kuwaas oo si buuxda la isula gartay in si dhaw looga wada shaqeeyo: arimaha horumarka ganacsiga xoolaha,xoojinta suuqa sayladda, nabadgaliyadda iyo soo dhaweeynta ganacsatada kale ee suuqa xoolaha.

Gabagabaddii, kulanka waxaa laga gaadhay isfaham iyada oo lagu heshiiyay in sida ugu dhaqsaha badan si wada jir ah la isaga kaashado horumarinta ganacsiga xoolaha guud ahaan iyo suuqa labada ba. Ganacsatada ayaa na baaq u dirtay xoololayda in suuq fiican jiro oo sayladda xoolaha la keenno, si ganacsatadu xoolaha u iibsato.

Xafiiska beeraha, horumarintanta xoolo-dhaqatadda & ilaalinta deegaanka MM qabridaharre isaga oo ka jawaabaya baahidda s...
05/02/2025

Xafiiska beeraha, horumarintanta xoolo-dhaqatadda & ilaalinta deegaanka MM qabridaharre isaga oo ka jawaabaya baahidda shacabka & cabashadooda wuxuu jawaab celin ka bixiyay cayayaan/injir ( insects) ku dhashay beeraha kaas oo wax soo saarkii la filayay saamayn toggan ku yeeshay, kadib cabasho ka timid qaybo ka mid ah beeraleydda magaalada. khabiiradda iyo xirfadleyaasha beeraha oo u ukuurgalay kadib dhibaataadda iyo xalalka ma huraanka ah ayaa laga daweeyay xanuunkii beerta dhalacad 1.

Shaqaalaha xafiiska beeraha, horumarinta xoolo-dhaqatadda & ilaalinta deeggaanka M.M.Qabridaharre & masuuliyiinta & shaq...
13/01/2025

Shaqaalaha xafiiska beeraha, horumarinta xoolo-dhaqatadda & ilaalinta deeggaanka M.M.Qabridaharre & masuuliyiinta & shaqaalaha kuliyadda macalimiinta qabridaharre ayaa si wada jir ah dhirbeeris ugu sameeyay gudaha kuuliyadda.

Cagaarinta & qurxinta goobaha adeeggayadda iyo danta guud waxay kamid tahay tubaha xukuumadda iyo xisbiga ( green legacy) ee kor loogu qaaddayo bilicda iyo ka hortagga isbadalka cimiladda si ayna saamayn ugu yeelanin bay’adda.

11/01/2025
Talaaddo 17/03/2017 Ec.Kooxdda Xafiiska beeraha,xoolaha & ilaalinta deeggaan ee MMQ ayaa kormeer, indho indhayn & dabaga...
26/11/2024

Talaaddo 17/03/2017 Ec.

Kooxdda Xafiiska beeraha,xoolaha & ilaalinta deeggaan ee MMQ ayaa kormeer, indho indhayn & dabagal ku taggay iskashatoyinka dhaqashadda digaagga casriga ah iyo iskashatoyinka beeraha biyogalinta ku caba ee ku yaalla duleeddka magaalladda qabridaharre.
Waxaanu ka soo dhagaysannay warbixinta xaaladda beeraha, dhaqashada digaaga & gashiyaddii lagu kabay, waxaa kale oonu ka dhagaysannay tabashooyinka iyo sidii loo taageerilahaa.
Waxaa xusid muddan in iskaashatoyinka ay dawladdu ka taageertay gashiyadda sida:- digaagga ( one day chicken), beeraha ay dawladdu u qodday ceelasha biyaha,abuurka xulka tayaysan, gashiyada dawooyinka beeraha iyo qalabka loo isticmaalo beerahaba.

Waxaan u balan qaadnay in aanu sidda iyo goorta ugu haboon uga jawaab celin doono tabashooyinkoodda si sare loogu qaaddo wax soosaarka gudaha.

Qaar kamid ah hogaaminta Maamulka Magaalada Qabridahare oo u hogaaminayo Mayor-kuxigeenka Magaalada Abdifatah dek , mada...
25/11/2024

Qaar kamid ah hogaaminta Maamulka Magaalada Qabridahare oo u hogaaminayo Mayor-kuxigeenka Magaalada Abdifatah dek , madaxa arimaha siyaasada Ahmed daahir iyo madaxa xafiiska beeraha iyo xoolaha m.m.Qabridahar Abdirahman shukri barre iyo Agaasimadii xafiiska ayaa kormeer kusameeyay adeegbixnta xarumaha caafimaadka xoolaha ee Qabalaha 07aad iyo 9aad & xarunta dhir barbaarinta ee nursery site ka Magaalada.

Kormeerka xuramahan ayaa ujeedkiisu yahay qaabkii loo dardargalin lahaa ka warhaynta adeegbixnta xarumaha animal healthpostiyada iyo nursery site

Address

Kabri Dar

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Beeraha, Xoolaha iyo illaalinta deegaanka ee M/M/Q posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category