Xafiiska Maamulka Gobalka Qoraxey

Xafiiska Maamulka Gobalka Qoraxey hayaaanka geedigeenu waa horumar

Bogga rasmiga ah ee xafiiska maamulka gobolka qoraxey dawlada deegaanka soomaalida The official page of the Korahey Zone Administration Office, Somali Regional State.የሶማሌ ክልል የኮራሄይ ዞን አስተዳደር ፅህፈት ቤት መደበኛ ገፅ።

Xubno ka socda Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida oo ku jiray hawlo kormeer dabagal iyo taakulayn ah ayaa...
18/08/2026

Xubno ka socda Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Deegaanka Soomaalida oo ku jiray hawlo kormeer dabagal iyo taakulayn ah ayaa kormeer ku soo sameeyay degmooyinka Qabridahar iyo boodalay ee gobolka qoraxay

‎xubahan oo hogaaminayay kuxigeenka madaxa arrimaha xisbiga mudane maxamed cabdulaahi ayaa ugu horayn kulan laqatay masuuliyiinka gobolka qoraxay iyo kuwa maamulka degmada qabridahar iyagoo ka dhagaystay warbixinta xaalada guud intaasi kadib waxay soo indha'indheeyeen hawlaha la xidhiidha dardargalinta hindisayaasha Xisbiga Barwaaqo iyo adeegyada bulshada.

‎Waxay sidoo kale booqdeen guryaha loo dhisay danyarta waxay kulamo kale duwan la yeeshayn xubanaha xisbiga ee dhisan degmooyinka qabridahare iyo boodalay

‎Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu tahay in lagu dabagalo waxqabadka iyo adeegbixinta bulshada islamarkaana la qiimeeyo hawlaha socda si loo xoojiyo taageerada iyo taakulaynta hindisayaasha ee horumarineed

Xafiiska Maamulka Gobalka Qoraxey

Waxaa maanta degmada Birqod lagu qabtay kulan muhiim ah oo ku saabsan Mashruuca Biyaha Birqod ilaa Marsin, kaas oo sanad...
16/08/2026

Waxaa maanta degmada Birqod lagu qabtay kulan muhiim ah oo ku saabsan Mashruuca Biyaha Birqod ilaa Marsin, kaas oo sanad walba bilowga sannadka lagu qabto, lagagana wada hadlo xaaladda mashruuca, caqabadaha jira iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta dhinacyada ay khusayso.

Kulanka waxaa si wadajir ah uga qayb galay masuuliyiinta Gobollada Qoraxay iyo Jarar, waxaana kala hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Qoraxay, Mudane Shaafi Muxumed Cabdi, iyo Guddoomiyaha Gobolka Jarar, Mudane Axmed Bidhic.

Sidoo kale, kulanka waxaa ka qayb galay maamullada degmooyinka Marsin, Dig, Gunagado iyo Birqod, Maareeyaha Mashruuca iyo masuuliyiin kale oo khuseeya maamulka iyo hawlaha mashruuca.

Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in si wadajir ah looga wada shaqeeyo Mashruuca Biyaha Birqod ilaa Marsin, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray caqabadaha ku gadaaman mashruuca iyo sidii bulshada ku dhaqan degmooyinka uu maro mashruucu ay si habboon uga faa’iidaysan lahayd adeegga biyaha.

Masuuliyiintu waxay si qoto dheer uga wada tashadeen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta, isku-duwidda iyo adeegga biyaha, waxaana la isla qaatay in si cad loo qeexo doorarka iyo masuuliyadaha ay kala leeyihiin degmooyinka, gobollada iyo heerka deegaanka.

Kulanka ayaa sidoo kale xoogga lagu saaray sidii loo hubin lahaa in bulshada si toos ah oo hufan loo gaadhsiiyo biyaha, iyadoo la tixgelinayo caqabadaha biyo-yaraanta iyo abaaraha soo noqnoqda ee saameeya dadka iyo xoolaha.

Dhanka kale, waxaa mahadnaq ballaadhan loo jeediyay Maamulka Gobolka Jarar iyo Maamulka Degmada Birqod soo dhawaynta iyo martigelinta heerka sare ah ee ay u sameeyeen masuuliyiinta iyo ka qaybgalayaasha kulanka. Si gaar ah ayaa loogu mahadceliyay Guddoomiyaha Degmada Birqod, Mudane Jaabir Sayid, soo dhawaynta wanaagsan iyo martigelinta kulanka.

Kulanka kadib, masuuliyiintu waxay booqdeen site-ka ceelasha biyaha ee Katalaalan, halkaas oo ay si toos ah ugu kuurgaleen ceelasha, nidaamka biyaha iyo habka ay biyuhu uga sii gudbaan goobtaas una gaadhaan degmooyinka iyo qabalayaasha uu mashruucu adeegga u fidiyo.

Kulankan ayaa noqonaya tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta labada gobol iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso, si loo xaqiijiyo in bulshada ku dhaqan degmooyinka uu mashruucu maro ay si hufnaan oo joogto ah uga faa’iidaysato adeegga biyaha.

Xafiiska Maamulka Gobalka Qoraxey

Gogol Nabadeed oo Ka Dhacday Centerka, Laba-BaarMasuuliyiin uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Qoraxey, Mudane Shaafi...
14/08/2026

Gogol Nabadeed oo Ka Dhacday Centerka, Laba-Baar

Masuuliyiin uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Gobolka Qoraxey, Mudane Shaafi Muxumed Cabdi, ayaa ka qaybgalay gogol nabadeed oo ay dhigeen waxgaradka qabalaha Centerka, Laba-Baar ee degmada Shilaabo ee gobolka qoraxey.

Guddoomiyaha iyo masuuliyiintii la socotay waxay si weyn ugu mahadceliyeen waxgaradka iyo dhammaan intii dadaalka iyo waqtiga gelisay qabsoomidda gogashan nabadeed.

Soomaalidu waxay leedahay dhaqan iyo caado fac weyn oo ku dhisan in khilaafaadka bulshada lagu xalliyo wada-hadal, wada-tashi, is-qancin iyo nabad. Waxgaradka dhaqankuna waxay door muhiim ah ka qaataan xalinta khilaafaadka, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta nabadda bulshada.

Gogashan nabadeed waxaa lagu martiqaaday, kana soo qaybgalay, maamullada iyo saraakiisha amniga ee degmooyinka Balan-balle, Gurceel iyo Matabaan ee Soomaaliya. Dhammaan dhinacyadu waxay si wadajir ah uga shaqaynayaan sidii loo xoojin lahaa nabadda, amniga iyo wada-noolaanshaha bulshada ku nool labada dhinac.

Waxaa sidoo kale jiray kulamo h**e oo arrintan la xidhiidha oo ka qabsoomay degmada Balanballe ee Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ahaa dadaallada lagu raadinayo xal waara iyo is-afgarad.

Waxaan rajaynaynaa in gogashan nabadeed ay ka soo baxaan natiijooyin wanaagsan oo horseeda nabad waarta, xasillooni iyo wada-noolaansho ku dhisan is-ixtiraam iyo kalsooni.

Gaba-gabadii, waxaa si wadajir ah la iskula qaatay qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

- In aan la oggolaan in qof shacab ahi si sharci-darro ah qori ugu dhex qaato bulshada.
- In ciidamada amnigu hubka ka qaadaan cid kasta oo shacab ah oo lagu arko iyadoo si sharci-darro ah u sidata qori, isla markaana sharciga la mariyo.
- In qof kasta oo ku lug yeesha fal gacan-ku-dhiiglenimo ah aan loo oggolaan inuu helo meel uu ku dhuunto ama kaga baxsado sharciga.
- In hay’adaha amniga iyo maamulladu si toos ah oo wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda amniga, ka hortagga colaadaha iyo ilaalinta nabadda.

Ugu dambayn, waxaa la isku raacay in nabadda lagu gaadho wada-hadal, wada-tashi iyo is-qancin, iyadoo sarreynta sharciga iyo isla-xisaabtanku ay saldhig u yihiin xasilloonida bulshada.

Nabadda waa masuuliyad wadajir ah.

Waxaa xarunta Gobolka Qoraxay ee magaalada Qabridahare ka qabsoomay kulan looga hadlay qorshe-diyaarinta degmooyinka gob...
12/08/2026

Waxaa xarunta Gobolka Qoraxay ee magaalada Qabridahare ka qabsoomay kulan looga hadlay qorshe-diyaarinta degmooyinka gobolka ee sanad-miisaaniyadeedka 2019 T.I.

Kulanka waxaa ka qaybgalayn Wasiir kuxigeenka Xafiiska Maaliyadda DDS,Mudane C/raxmaan Salaad, masuuliyiinta gobolka & hoggaaminta degmooyinka. kulankan ayaa diirada lagu saaraya horumarinta adeeg bixinta bulshada kor u qaadista dakhliga iyo sidii loo gaadhi lahaa iskufilnaansho dhaqaale iyadoo qorshayaasha lagu salaynayo baahiyaha iyo danaha bulshada ee waxtar kale leh sidoo kale waxaa aad looga dooday qorshayaasha ay soo diyaarsadeen degmooyinka.

Xafiiska Maamulka Gobalka Qoraxey

Xafiiska Dakhliga DDS iyo Masuuliyiinta Degmooyinka Gobolka Qoraxay oo Kala Saxiixday Heshiis Lagu Dardargelinayo Hawlah...
11/08/2026

Xafiiska Dakhliga DDS iyo Masuuliyiinta Degmooyinka Gobolka Qoraxay oo Kala Saxiixday Heshiis Lagu Dardargelinayo Hawlaha Dakhliga

Xafiiska Dakhliga DDS iyo masuuliyiinta degmooyinka Gobolka Qoraxay ayaa kala saxiixday heshiis lagu dardargelinayo hawlaha la xidhiidha ururinta iyo soo saarista dakhliga loo qoondeeyey degmooyinka gobolka.

Heshiiskan ayaa ujeeddadiisu tahay in la xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo dakhliga loo qorsheeyey degmooyinka Gobolka Qoraxay, iyo in si hufan loo gaadh-siiyo bartilmaameedyada dakhliga ee loo dejiyey sanad-miisaaniyadeedka 2019 T.I.

Munaasabadda saxiixa heshiiska waxaa ka qaybgalay Wasiir Ku-xigeenka Xafiiska Dakhliga DDS, Mudane Cali Baaruud, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Qoraxay, Mudane Mustafe Mahdi Badal, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo hoggaaminta degmooyinka oo xarunta gobolka u joogay diyaarinta qorshaha sanad-miisaaniyadeedka 2019 T.I.

Ugu dambayntii, dhinacyada ayaa qalinka ku duugay heshiiskan oo lagu dardargelinayo hawlaha dakhliga, laguna xoojinayo wada-shaqaynta Xafiiska Dakhliga DDS iyo maamulada degmooyinka Gobolka Qoraxay.

Xarunta Gobolka Qoraxay ee magaalada Qabridahare waxaa ka qabsoomay kulan looga hadlay diyaarinta qorshayaasha degmooyin...
10/08/2026

Xarunta Gobolka Qoraxay ee magaalada Qabridahare waxaa ka qabsoomay kulan looga hadlay diyaarinta qorshayaasha degmooyinka Gobolka ee sanad miisaaniyadeedka 2019 T.I.

Kulanka waxaa ka qaybgalay masuuliyiinta Gobolka Qoraxay, hawlwadeeno ka socday Xafiiska Maaliyadda DDS iyo hoggaaminta degmooyinka gobolka. Kulanka waxaa furay Guddoomiyaha Gobolka Qoraxay, Mudane Shaafi Muxumed Cabdi.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray qorshayaasha horumarineed ee sanad miisaaniyadeedka 2019 T.I., gaar ahaan tayeynta adeeg-bixinta bulshada iyo sidii loo gaadhi lahaa isku-filnaansho dhaqaale.

Qodobada muhiimka ah ee kulanka lagaga hadlay waxaa ka mid ahaa:

- In xoogga la saaro wax-soo-saarka si loo gaadho isku-filnaansho dhaqaale.
- In si hufan loo maareeyo mashaariicda horumarineed, iyadoo fiiro gaar ah la siinayo iibka iyo maamulka kheyraadka.
- In la xoojiyo nabadda iyo xasilloonida bulshada, lana sii wado dadaallada lagu ilaalinayo nabadgelyada.
- In kor loo qaado dakhliga iyo waxqabadka la xidhiidha kobcinta dakhliga gudaha.
- In si wanaagsan loo hirgeliyo Barnaamijka Dalag iyo Daryeel, lana gaadhsiiyo bulshada ka faa’iidaysata.
- In mudnaan la siiyo mashaariicda qabyo ah, lana dhamaystiro si bulshada ay uga faa’iidaysato.
- In la tayeeyo waxbarashada iyo adeeg-bixinta bulshada, si loo horumariyo tayada adeegyada aasaasiga ah.
- In la hirgeliyo “One Woreda, One Project”, si degmo kasta loo siiyo mashruuc wax-ku-ool ah oo ka jawaabaya baahiyaha bulshada.

Kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo qorshaynta iyo hirgelinta barnaamijyada horumarineed ee degmooyinka Gobolka Qoraxay, iyadoo mudnaanta la siinayo adeeg-bixinta bulshada, kobcinta wax-soo-saarka, isku-filnaanshaha dhaqaale iyo horumar waara.

Xafiiska Maamulka Gobalka Qoraxey

Waxaa xadhiga laga jaray biyo balaadhinta Tuulada jidhacle Degmada Dhoobowayn ee Gobalka Qoraxay.Wasiir kuxigeenka Xafii...
09/08/2026

Waxaa xadhiga laga jaray biyo balaadhinta Tuulada jidhacle Degmada Dhoobowayn ee Gobalka Qoraxay.

Wasiir kuxigeenka Xafiiska Biyaha DDS Mudane Cabdi Muxumed Cabdi, maareeyaha Hay'ada OWDA Maxamuud Maxamed Xuseen iyo maamulka degmada Dhooba-weyn ayaa si wada jira u xadhig jaray dhismaha biyo balaadhinta tuulada jidhacle ee degmada Dhooba-weyn ee gobalka Qoraxay, kaas oo ay fulisay Hay'ada OWDA oo ka helaysa lacagta EHF.

Mashruucan oo ka kooban Sollar system, Dhismaha kaydka biyaha oo 25m³ ah iyo goobaha dadka iyo duunyadu ka cabaan ayaa waxaa ku baxday lacag dhan 16.9 Milyan oo birr.

Wasiirku xigeenka Xafiiska Biyaha DDS Mudane Cabdi Muxumed Cabdi ayaa Hay'ada OWDA uga mahadnaqay dadaalkeeda iyo doorka ayka qaadato horumarinta adeegyada Biyaha deegaanka, isagoo xusay in mashruucani waxwayn ka tari doono baahida biyo ee ka jirtay Qabalahan jidhacle.

Hay'ada OWDA oo kamida Bahwadaagta ka shaqaysa horumarinta biyaha ayaa sidoo kale mashruucan qaybtiisa kale ka fulisay Degmada Lagahida iyo higloolay, kaas oo isugu jiro caafimaadka, xoolaha, beeraha iyo biyaha. Gabogabadii Maamulka Xafiiska Biyaha iyo maamulka Hay'ada OWDA ayaa kula dardaarmay bulshada jidhacle iyo maamulka degmada Dhooba-weyn inay ilaashaadaan mashruucan loo sameeyay.

Sidoo kale masuuliyiinta ayaa booqday ceel cusub oo laga qodayo xarunta degmada Dhooba-weyn kaas oo uu taagan yahay riigii qodi lahaa ceelka oo si rasmi ah u bilaabi doona.

Degmada Goglo (Kudunbuur) ee Gobolka Qoraxay ayaa maanta laga fuliyay olole ballaadhan oo isugu jiray dhiig-shubis iyo h...
09/08/2026

Degmada Goglo (Kudunbuur) ee Gobolka Qoraxay ayaa maanta laga fuliyay olole ballaadhan oo isugu jiray dhiig-shubis iyo hawlo lagu kor u qaadayo nadaafadda iyo bilicda degmada, kaas oo qayb ka ah ololaha bilaha xagaaga.

Ololaha waxaa ka qaybgalay masuuliyiin heer gobol ah oo uu hoggaaminayay Madaxa Xarunta Dhexe ee Gobolka Qoraxay, Mudane Maxamed Cabdullaahi Xuseen, iyo hoggaaminta Degmada Goglo (Kudunbuur), iyadoo sidoo kale si weyn uga qaybqaatay bulshada ku dhaqan degmada.

Intii uu ololuhu socday, waxaa si wadajir ah loo fuliyay dhiig-shubis iyo hawlo nadaafadeed oo lagu xoojinayo bilicda degmada, iyadoo bulshada lagu dhiirrigeliyay inay kaalin firfircoon ka qaataan hawlaha bulshada iyo horumarinta deegaanka.

Waxaa sidoo kale la bilaabay dhismaha guri loogu talagalay qoys danyar ah, iyadoo guri kale oo ay leedahay qoys danyar ah loo samayn doono dayactir. Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu taageerayo qoysaska danyarta ah iyo kor u qaadista xaaladda nololeed ee bulshada.

Masuuliyiinta ayaa sheegay in ololayaasha noocan ahi ay muhiim u yihiin kor u qaadista nadaafadda iyo bilicda deegaanka, xoojinta iskaashiga bulshada iyo xukuumadda, iyo taageeridda adeegyada caafimaadka.

Ololaha ayaa kusoo dhammaaday ka qaybgal ballaadhan oo ay muujiyeen masuuliyiinta iyo bulshada degmada.

Xafiiska Maamulka Gobalka Qoraxey

Shaygoosh — Waxaa galabta xarunta Degmada Shaygoosh laga dhagax-dhigay dhismaha Dugsiga Barbaarinta Carruurta (KG), kaas...
08/08/2026

Shaygoosh — Waxaa galabta xarunta Degmada Shaygoosh laga dhagax-dhigay dhismaha Dugsiga Barbaarinta Carruurta (KG), kaas oo loogu talagalay in carruurta degmada loo helo goob waxbarasho oo ku habboon marxaladda barbaarinta iyo waxbarashada aasaasiga ah.

Dhagax-dhigga waxaa dhagax dhigay Hoggaaminta Degmada Shaygoosh, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada Shaygoosh, Mudane Maxamed Yusuf Qani, iyadoo ay munaasabadda ka qaybgaleen masuuliyiin degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Dhismaha Dugsiga Barbaarinta Carruurta ayaa qayb ka ah dadaallada xukuumadda iyo Xisbiga Barwaaqo ku bixinayso horumarinta adeegyada bulshada, gaar ahaan kor u qaadista tayada waxbarashada iyo abuurista fursado waxbarasho oo ku habboon carruurta da'da yar.

Hoggaaminta degmada ayaa xustay in maalgelinta waxbarashada carruurta ay tahay maalgelin lagu dhisayo mustaqbalka bulshada, iyadoo dugsigan uu door muhiim ah ka qaadan doono diyaarinta carruurta iyo kobcinta aqoontooda, xirfadahooda iyo garaadkooda laga bilaabo marxaladda h**e ee waxbarashada.

Dhismaha dugsigan ayaa sidoo kale muujinaya sida xukuumadda iyo Xisbiga Barwaaqo mudnaanta u siinayo horumarinta kaabeyaasha waxbarashada iyo tayeynta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada.

Xafiiska Maamulka Gobalka Qoraxey

Address

Qoraxey Street
Kabri Dar
05

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Maamulka Gobalka Qoraxey posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share