Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Degmada Ceelkari ብልጽግና ፓርቲ

  • Home
  • Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Degmada Ceelkari ብልጽግና ፓርቲ

Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Degmada Ceelkari ብልጽግና ፓርቲ "Kala soco wararkii ugu dambeeyay, qorshayaasha xisbiga, iyo tallaabooyinka aan u qaadeyno dhismaha dowladnimo iyo horumarinta bulshada.” ee degmada Ceelkari

Maanta oo ay taariikhdu tahay 20/10/2018 T.I, waxaa si rasmi ah noogu qabsoomay daah-furka Barnaamijka Tabarucaadka, iya...
27/06/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 20/10/2018 T.I, waxaa si rasmi ah noogu qabsoomay daah-furka Barnaamijka Tabarucaadka, iyadoo munaasabadda lagu daah-furay olole dhir-beeris.

Tr:19/10/2018 T.IMaanta waxaa Degmada Ceelkari ka qabsoomay Kal-fadhigii 22-aad ee Golaha Baarlamaanka Degmada.Kal-fadhi...
26/06/2026

Tr:19/10/2018 T.I
Maanta waxaa Degmada Ceelkari ka qabsoomay Kal-fadhigii 22-aad ee Golaha Baarlamaanka Degmada.

Kal-fadhigan waxaa shir-guddoominayay Afhayeenka Golaha Baarlamaanka Degmada Ceelkari, Mudane Sheekh Baaruud Cabdi Daaye.

Kulanka ayaa lagu dhagaystay laguna falanqeeyay warbixinta waxqabadka 12-ka bilood ee sanad-miisaaniyeedka 2018 T.I. Xubnaha Golaha Baarlamaanku waxay ka dhiibteen su'aalo, talooyin iyo aragtiyo ku saabsan waxqabadka degmada iyo qorshayaasha horumarineed. Dood iyo falanqayn kaddib, goluhu wuxuu warbixinta ku ansixiyay cod buuxa.
Kal-fadhigan ayaa xoojinaya isla xisaabtanka, daahfurnaanta iyo wada-shaqaynta lagu horumarinayo maamulka iyo adeegyada bulshada ee Degmada Ceelkari.

W/Q: Xafiiska Xisbiga Barwaaqo – Laanta Degmada Ceelkari

Tr: 18/10/2018 T.I.Waxaa si guul leh loo dhameystiray dayactirka iyo dib-u-habaynta xafiiska maamulka degmada Ceelkari, ...
25/06/2026

Tr: 18/10/2018 T.I.
Waxaa si guul leh loo dhameystiray dayactirka iyo dib-u-habaynta xafiiska maamulka degmada Ceelkari, iyadoo maanta si rasmi ah dib loogu bilaabay adeeg bixinta bulshada.

Dayactirkan ayaa lagu sameeyay xafiiska si loo hagaajiyo jawiga shaqada, kor loogu qaado tayada adeegyada la siiyo shacabka, loona abuuro xarun maamul oo hufan, qurux badan, isla markaana ka jawaabta baahiyaha bulshada

Qiimeynta Waxqabadka 12-ka Bilood ee       Degmada CeelkariMaanta oo taariikhdu tahay *18/10/2018 T.I* waxaa Degmada Cee...
25/06/2026

Qiimeynta Waxqabadka 12-ka Bilood ee Degmada Ceelkari
Maanta oo taariikhdu tahay *18/10/2018 T.I* waxaa Degmada Ceelkari noogu qabsoomay qiimeynta warbixinta waxqabadka 12-ka bilood ee sanad-miisaaniyeedka 2018 T.I.
Qiimeyntan ayaa lagu falanqeeyay heerka fulinta qorshayaashii degmada, adeegyada bulshada, dakhliga, nabadgalyada, waxbarashada, caafimaadka, beeraha, maamulka suuban, maareynta miisaaniyadda iyo arrimaha xisbiga.
Intii ay socotay qiimeyntu, waxaa si qoto dheer loo qiimeeyay guulihii la gaaray, caqabadihii la soo maray iyo casharradii laga bartay waxqabadkii sanadkan. Sidoo kale, waxaa la isla qaatay talooyin iyo jihooyin lagu sii xoojinayo adeegyada bulshada, kor u qaadista dakhliga, ilaalinta nabadgalyada iyo horumarinta maamulka suuban.

Kulankii Lagu Qiimaynayay Warbixinta Sanadlaha ah ee Mashruuca Maaraynta iskudhafka ah ee Nafaqadarada (Annual Review Me...
12/06/2026

Kulankii Lagu Qiimaynayay Warbixinta Sanadlaha ah ee Mashruuca Maaraynta iskudhafka ah ee Nafaqadarada (Annual Review Meeting of the IMAM Program) Laguna Wareejinayo Agabka Kala Duwan ee Caafimaadka oo Jigjiga Kasocoday ayaa Lasoo Afmeeray.

Mashruucan (IMAM) oo ka hawl gala 23 degmo ayaa lagu dhagaysanayay wax-qabadka iyo guulihii lagu talaabsaday sanadkan si dhamanayaa waxaana lagu qimeeyay degmooyinka xaqijiyay hawlihii shaqo ee Mashruuca taasi oo sare loo qaday.

Waxaana xidhitaanka kulankan kasoo qabagalay Wasiir kuxigeenka xafiiska caafimaadka Mudane Maxamuud Maxamed Abdi isaga oo ka qayb galayaasha kulankan kula dardarmay inay si xoojiyaan kashaqaynta mashruucan (IMAM) kaasi oo kashaqeeya maraynta isku dhafka ah ee nafaqo darada.

Ugu danabayn waxaa halkaasi lagu abal mariyay degmooyinkii shaqooyinka muuqada ka qabatay mashruucan ee la yimid dadalada dheeradka ah.

Xafiiska Caafimaadka DDS
June 12, 2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 24/09/2018 T.I, saacaduna tahay 12:00 subaxnimo, waxaa si rasmi ah uga bilaabmay goobaha c...
01/06/2026

Maanta oo ay taariikhdu tahay 24/09/2018 T.I, saacaduna tahay 12:00 subaxnimo, waxaa si rasmi ah uga bilaabmay goobaha cod bixinta ee degmada Ceelkari howlaha doorashada, iyadoo shacabka degmada ay si weyn ugu dareereen goobaha cod bixinta si ay u gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah.
Bulshada degmada Ceelkari ayaa muujisay ka qeybgal ballaaran, dowladnimo jacayl iyo masuuliyad, iyagoo si nabadgelyo iyo nidaam leh uga qeyb qaadanaya hanaanka doorashada.
Waxaan rajeynaynaa in doorashadu ku dhacdo jawi xasilloon, hufan, iyo wadajir ku dhisan, si loo xaqiijiyo rabitaanka shacabka iyo horumarka dimuqraadiyadeed ee degmada Ceelkari

“Hal dhinac waxaa yaalla gaadiid ku rogmanaya waddooyin burbursan iyo safarro halis gelinaya nolosha shacabka, halka dhi...
17/05/2026

“Hal dhinac waxaa yaalla gaadiid ku rogmanaya waddooyin burbursan iyo safarro halis gelinaya nolosha shacabka, halka dhinaca kale ay socdaan dadaallo lagu dhagax dhigayo jid cusub oo bulshada u horseedi doona isku socod ammaan ah, adeeg fudud, iyo horumar dhaqaale oo waara.”

Hogaaminta heer deegaan iyo Musharixiinta Xisbiga Barwaaqo ee gobolka Afdheer ayaa dhagaxdhigay dhismaha jidka jayga ah ...
17/05/2026

Hogaaminta heer deegaan iyo Musharixiinta Xisbiga Barwaaqo ee gobolka Afdheer ayaa dhagaxdhigay dhismaha jidka jayga ah ee isku xidhaya magaalada Ceelkari iyo tuulada Unka ee degmaga Ceelkari ee gobolka Afdheer.

Masuuliyiinta deegaanka iyo Musharixiinta Xisbiga Barwaaqo uga sharaxan degmooyinka gobolka Afdheer oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Xafiiska Maaliyada DDS Mudane Dayib Axmednuur iyo Wasiirka Xafiiska Jidadka Deegaanka Mudane Idiris Muuse Cabdi ayna weheliyaan wasiiro, wasiir kuxigeeno, musharaxiinta Xisbiga Barwaaqo, maamulka gobolka Afdheer iyo kuwa degmada Ceelkari ayaa dhagaxdhigay jid jay ah oo isku xidhaya xarunta degmada Ceelkari iyo tuulada Unka oo ka tirsan degmada Ceelkari ee gobolka Afdheer.

Jidkan jayga ah oo dherarkiisu yahay 25km Lot-1 kuna baxayso lacag dhan 110 milyan oo birr wax wayna ka tari doona baahidii isu socod ee ay bulshadu qabtay ayaa lagu soo gabo'gabayn doonaa mudo 8 bilood ah sida uu sheegay Wasiirka Xafiiska Jidadka DDS Mudane Idiris Muuse Cabdi. Musharixiinta Xisbiga Barwaaqo ayaa sidoo kale bulshada ka codsaday in ay codkooda siiyaan si ay shanta sano ee soo socota uhirgaliyaan mashaariico waxtar uleh bulshada una dhamaystiraan mashaariicaha socda si bulshadu uhesho adeeg dhamaystiran iyo korodh dhaqaale.

SRTV

Xafiiska Beeraha Degmada Ceelkari oo Hawlgaliyay DA-yada – Ol’ole Buufin BeerahaXafiiska Beeraha ee Degmada Ceelkari aya...
08/05/2026

Xafiiska Beeraha Degmada Ceelkari oo Hawlgaliyay DA-yada – Ol’ole Buufin Beeraha
Xafiiska Beeraha ee Degmada Ceelkari ayaa si habsami leh u hawlgaliyay DAs (Development Agents), si ay uga qayb qaataan ol’ole ballaaran oo lagu buufinayo beeraha degmada, kaasi oo lagu xoojinayo ilaalinta dalagyada iyo kordhinta wax-soo-saarka beeraha.

Ol’olahaan ayaa yimid kadib markii la arkay in wax-soo-saarka degmada Ceelkari uu aad u badan yahay, taas oo keentay baahi loo qabo ilaalin xooggan oo ka dhan ah cayayaanka iyo cudurrada dhirta.

DA-yada ayaa loo diray dhammaan tuulooyinka iyo beeraha muhiimka ah, iyagoo adeegsanaya buufin iyo dawooyin lagu xakameeyo cayayaanka waxyeelleeya dalagyada kala duwan.
Xafiiska Beeraha ayaa sheegay in ujeeddada ol’olahani tahay:
Ilaalinta dalagyada beeraha 🌾
Yaraynta khasaaraha ka dhasha cayayaanka 🐛
Kordhinta tayada iyo tirada wax-soo-saarka 🌱
Taageeridda beeraleyda degmada Ceelkari 👨‍🌾
Sidoo kale, beeraleyda ayaa lagu booriyay inay si dhow ula shaqeeyaan DA-yada isla markaana ay raacaan tilmaamaha lagu siiyo isticmaalka buufinta si ammaan ah.

🌄 DEGMADA CEELKARI IYO KHEYRAADKA     DALXIISKA EE DABIICIGA AH 🌄Degmada Ceelkari, oo ka tirsan gobolka Afdheer, waa dee...
08/05/2026

🌄 DEGMADA CEELKARI IYO KHEYRAADKA DALXIISKA EE DABIICIGA AH 🌄

Degmada Ceelkari, oo ka tirsan gobolka Afdheer, waa deegaan Alle ku manaystay qurux dabiici ah ,Waa dhul buuraley ah oo leh cimilo qabow, muuqaal soo jiidasho leh, iyo jawi deggan oo ku habboon dalxiis, nasasho iyo maalgashi mustaqbal leh.

🌿 KHEYRAADKA DABIICIGA AH EE CEELKARI
Degmadu waxay leedahay goobo dabiici ah oo aad u muhiim ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin:
🏔️ Buuro joog sare leh oo leh cimilo qabow iyo hawo nadiif ah
🌾 Dhul daaqsimeed ballaaran iyo dooxooyin qurux badan
📸 Muuqaal dabiici ah oo sawir-qaadis iyo dalxiis ku habboon
🤝 Deegaan nabdoon oo martida soo jiita

💡 FURSADAHA DALXIISKA
Haddii si xeel dheer loo qorsheeyo loona maalgeliyo, Ceelkari waxay noqon kartaa xarun dalxiis oo muhiim ah oo heer gobol iyo heer qaranba gaarta. Waxay abuuri kartaa:
👷 Shaqooyin cusub oo dhalinyarada ah
📈 Koboc dhaqaale iyo ganacsi
🏗️ Horumar kaabayaal adeegyo (roads, hotels, services)
🌍 Kor u qaadista sumcadda gobolka Afdheer

🏛️ DOORKA HORUMARINTA
Dowladda iyo Xisbiga Barwaaqo waxay si joogto ah u dhiirrigeliyaan horumarinta dalxiiska iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, taasoo Ceelkari ka dhigaysa fursad dahabi ah oo horumar degdeg ah lagu gaari karo.

🌟
Ceelkari waa hanti dabiici ah oo qarsoon, una baahan qorshe, maalgashi iyo ka faa’iidaysi dhab ah. Haddii la horumariyo, waxay noqon kartaa mid ka mid ah meelaha dalxiiska ee ugu soo jiidashada badan gobolka Afdheer iyo guud ahaan Itoobiya.
🌿🏔️ Ceelkari = Qurux Dabiici ah + Fursad Horumar 🌄

Address

Af-der Elkere

Opening Hours

Saturday 06:00 - 12:00
Sunday 06:00 - 12:00

Telephone

+251924914855

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Laantiisa Degmada Ceelkari ብልጽግና ፓርቲ posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

  • Want your organization to be the top-listed Government Service?

Share