13/10/2022
Kulan ku saabsanaa yareynta iyo kahortagga shilalka gaadiidka ayaa ka qabsoomay Xafiiska Ganacsiga iyo Gaadiidka DDS.
Kulankan ayaa waxaa wadayeeshay shaqaalaha iyo masuuliyiinta xafiiskaasi oo ay wehelinayeen ciidanka taraafikada ee ka hawlgala waddooyinka, waxaan la isla qaatay falanqayn dheer kaddib in la dhaqangeliyo qodobbadan hoos ku xusan:
1. In la dhaqangeliyo shuruucda gaadiidka iyo wadaha gaadiidka.
2. In la yareeyo shilalka deegaanka ee soo noqnoday.
3. In kor loo qaado wacyigelinta bulshada ee ku aaddan badbaadada jidadka.
4. In kor loo qaado wacyiga wadaha gaadiidka ee ku aaddan faa'iidada hirgelinta shuruucda wadaha.
Ugu dambayntii waxaa hoosta laga xarriiqay in si degdeg ah loo hirgeliyo qodobbadan tallaabana laga qaado cid kasto oo ku xadgudubta go’aannada uu xafiisku soo saaray.
SRTV Somali