22/08/2026
Guddoomiyaha Gobolka Dawa Mudane Abshir Hassan ayaa kormeer shaqo ku Marey Qabaleelaha Ceeldheer ee hoos taga Degmada Qadaduma halkaas oo bulshada deegaanka lagu soo kordhiyey adeegga isgaarsiinta 4G
Hirgelinta adeeggan ayaa ah tallaabo muhiim ah oo kor u qaadaysa isku-xirka bulshada, fududaynaysa helitaanka adeegyada isgaarsiinta, isla markaana fursado cusub u abuuraysa bulshada deegaanka
Bulshada Qabalaha Ceeldheer ayaa si weyn u bogaadisay godomiyaha gobolka iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay hirgelinta adeeggan iyagoo muujiyey in horumarka dhabta ahi yahay mid bulshada gaadha oo nolosheeda wax ka beddela
Xafiiska Xisbiga Barwaaqo Lanta Gobolka Dawa የብልጽግና ፓርቲ የዳዋ ዞን ቅርንጫፍ