09/01/2026
Ma ogtahay in Salaaddii Jimcaha ee ugu horreysay taariikhda Islaamka uusan tujin Rasuulku (SCW), islamarkaana aysan xitaa ka dhicin Makka?
Haa, xaqiiqadan laga yaabo inay dad badan ka qarsoon tahay waxayna ka dhacday magaalada Yaatrib oo markii dambe noqotay Madiina, waana ka hor inta uusan Xabiibkeena (SCW) usoo hijroonin..
Qisadu waxay bilaabatay markii ay reer Madiina ee Ansaarta eegeen dadkii kale ee la deganaa, waxayna is weydiiyeen su’aal muhiim ah: Ummadaha kale waxay leeyihiin maalin gaar ah oo ay kulmaan, ee maxaa diidaya in innaguna aan yeelanno maalin aan ku kulanno, oo aan Alle ku xusno?..
Halkaas waxaa kasoo dhex muuqday Saxaabiga geesiga ah ee Asacad Binu Zuraara (RC). Muu sugin, ee tallaabo ayuu qaaday. Wuxuu isugu yeeray 40 nin oo kaliya oo Ansaar ah, goobta loo yaqaan Diyaar Bani Saalim..
Halkaas, oo ahayd meel furan, ayuu khudbad u jeediyay, wuxuuna tujiyay Salaaddii Jimcaha ee ugu horreysay abid, isagoo fasax ka haysta Nabiga ﷺ. Sidaas ayayna daqiiqadaas fudud ku noqotay bilowgii maalinta qiimaha badan ee Jimcaha ee aan maanta naqaano..
Markii dambe ee uu Nabigu (SCW) soo gaaray Madiina, wuxuu Salaaddii Jimcaha ee rasmiga ahayd ku tukaday Waadi Ranuunaa, si uu nuurku u dhameystirmo.
Bal ila eeg walaal .. Waxay ku bilaabatay 40 nin oo kaliya oo saxare taagan, maantana milliyaaro Muslimiin ah ayaa daafaha dunida iskugu yimaada hal dhawaaq..
Ilaahayow, sidaad afartankaas nin ugu kulmisay daacaddaada, annagana nagu kulmi Jannadaada Aamin.. 🤲❤️
Ugu dambayntii aqyaarta Jimco Wanaagsan, hana iloobina Salliga Nabiga iyo akhrinta Suuratul Kahf..