Ahmed qaraami

Website

Ahmed qaraami No excuse for strangers and ignorance people (government administration)

Sheekh Shariif "Xoog laguma xallin karo xiisad siyaasadeed, hanjabaaduhuna ma abuuri karaan is-afgarad,  dowladna lagu d...
08/10/2026

Sheekh Shariif "Xoog laguma xallin karo xiisad siyaasadeed, hanjabaaduhuna ma abuuri karaan is-afgarad, dowladna lagu dhisi karo xukun la fara maroojiyo ee waxaa lagu dhisi karaa oo kaliya wadahadal, dastuur iyo is-afgarad qaran".

👀XOG;Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u yeeray Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Xuseen Qa...
07/10/2026

👀XOG;Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u yeeray Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Xuseen Qaasim Iidow, kadib warbixin laga siiyay xaaladda ka taagan Hay’adda oo ay hareeyeen khilaaf, is-qabqabsi iyo eedeymo musuq, iyadoo shaqadii Hay’addu ay gaartay heer walaac laga muujiyo.

Xogaha laga helayo kulanka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu dareemay in Xuseen Iidow uusan si buuxda u maamulin Hay’adda, kadib markii warbixinno laga helay dhinacyo kale.

Warar kale ayaa tilmaamaya in Xuseen uu Madaxweynaha u sheegay inuu ku wareeray maamulka Hay’adda, isla markaana uu doonayo in loo daayo xildhibaanimadiisa. Arrintaas ayaa la sheegay in Madaxweynaha uu aqbalay, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Xuseen Iidow xilka laga qaadi karo saacadaha ama maalmaha soo socda, haddii uusan isbeddel dhicin.

07/10/2026

Eitrea ayaa ciidan & Saanad hubeed oo culus ku daabushay Dekeda Assab!

Ilo xog-ogaal ah oo ah kuwa diblomaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in MW Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaar...
06/10/2026

Ilo xog-ogaal ah oo ah kuwa diblomaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in MW Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay kulankoodii uga dambeeyay ku heshiiyeen dhowr qodob oo muhiim ah.

1. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya u muujiyay in isaga iyo shacabka Soomaaliyeed ay taageero dhinac walba ah la garab istaagi doonaan Abiy Axmed iyo shacabka Itoobiya.

2. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku dhiirrigeliyay hawlgallada uu Abiy Axmed ka wado gudaha dalka Itoobiya.

3. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa dhankiisa ballan qaaday inuu garab istaag muuqda u muujin doono Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo qorshayaashiisa siyaasadeed, gaar ahaan doorashooyinka qof iyo codka ah iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ilo diblomaasiyadeed ayaa sheegay in qodobadan ay qayb ka yihiin is-faham siyaasadeed oo dhex maray labada dhinac.

Waa Naag 40 jir ah o guuursaday wiil jiro 22 sano jcyl ayay isku qaadeyn lkn familka wiilka ayaa diiday  una sheegay in ...
06/10/2026

Waa Naag 40 jir ah o guuursaday wiil jiro 22 sano jcyl ayay isku qaadeyn lkn familka wiilka ayaa diiday una sheegay in ay thy habar weyn kadib gaon ayay qaateyn ilaa ay isla baxsadan ugu danbeyn waa is guursadeyn

3 maalin kahor iyago suuqa ka adeeganaya aya waxa qabtay dadki magalada o rabay in ay garaacan naagta iyago dhahayo waad ka weyn thy wiilka lkn wiilka ayay isku duubtay waxayna dhahday k**a tagayo wan jeclhy asagne wa ijecel yhy arinta aan layabaay aya ah marki oday wayeel ah gabar guursado waa wax caadi ah lkn gabar 40 jir ah marka nin yar guursado lama ogolo

sharciga hindia wa qaan gaar wiilka wayna is guursan karaan lkn dhibta jirta aya ah India gobol kasto dhaqan gooni ah ayu leyhy inta an dowlada lagarin shacacbka ayaba dhagax kugu dilaayo hada naagtas nafteeda halis ayay ku jirtaa

Muqaalka lagu weeraray wadada qeybta hoose ka daawo

🚨 WAR DEG-DEG AH: Kenya oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola BundibugyoKenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreey...
06/10/2026

🚨 WAR DEG-DEG AH: Kenya oo xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee Ebola Bundibugyo
Kenya ayaa xaqiijisay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola Bundibugyo. Sida lagu sheegay warbixinta, bukaanku wuxuu ahaa Kenyan muddo ku noolaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), waxaana uu dalka kasoo galay Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta (JKIA).
Bukaanka ayaa la sheegay inuu geeriyooday xalay isagoo daaweyn ku jiray.
⚠️ La soco NFD Media si aad u hesho wararka ugu dambeeya.

đź‘€Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ilaalada qaar ee Mucaaradka loo ballanqaaday lacago iyo xilal, si ay dhinaca Dowladda...
06/10/2026

đź‘€Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ilaalada qaar ee Mucaaradka loo ballanqaaday lacago iyo xilal, si ay dhinaca Dowladda ugu soo biiraan.

Sidoo kale, wararka qaar ayaa tilmaamaya in baaritaanno hordhac ah laga bilaabay aagga ay degan yihiin Ra’iisul Wasaarihii h**e Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne h**e Shariif Sheekh Axmed.

Xogta arrintan weli si madax-bannaan looma xaqiijin.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo la hadlayay Al Jazeera ayaa sheegay in xariirka Somalia & UAE uusan go'in oo safaaradaha 2da ...
05/10/2026

Madaxweyne Xasan Sheikh oo la hadlayay Al Jazeera ayaa sheegay in xariirka Somalia & UAE uusan go'in oo safaaradaha 2da dhinacba furan yihiin, ayna dowladdiisu u aragto Imaaraatka dal aad muhiim u ah Soomaaliya, dhinaca kale wuxuu sheegay in ay Imaaraatka sidii dal ula macaamilaan Somaliland oo ay la leeyihiin iskaashig amni & Diblumaasiyadeed oo gaar ah, taas oo uu sheegay in aysan Muqdisho soo dhaweynin.

Xasan Sh ayaa sheegay in ay isku dayeen in ay Somaliland albaabkaas ka soo xiraan, laakiin ay ku guuldareysteen oo ay Imaaraatka sii wadeen la macaamilka Somaliland sidii dal oo ole-ole u galeen, taasna ay dhibsatay Muqdisho oo ay kaliftay in la baabi’iyay heshiisyadii labada dhinac, gaar ahaan kuwa amniga iyo difaaca.

UPDATE | BAYDHABO Wararka naga soo gaaraya Baydhabo ayaa sheegaya in uu socdo dadaal xooggan oo lagu soo afjarayo khilaa...
03/10/2026

UPDATE | BAYDHABO Wararka naga soo gaaraya Baydhabo ayaa sheegaya in uu socdo dadaal xooggan oo lagu soo afjarayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Shariif Xasan, Maxamed Aadan Farkeeti iyo Sheekh Aadan Madoobe.

Xildhibaano iyo Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa wada kulamo lagu doonayo in dhinacyada la isu soo dhoweeyo.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Shariif Xasan iyo Farkeeti maalmaha soo socda ay Baydhabo tagi karaan, halkaas oo la filayo inay kulan fool-ka-fool ah la yeeshaan Madaxweynaha KGS, Sheekh Aadan Madoobe.

Xaaladda Baydhabo ayaa si dhow loo sugayaa.

Eritrea ayaa si rasmi ah u shaacisay in kulanka AL-CALAMAYN-Masar ka dhacaya looga hadlayo amniga wadajirka ah, xasilloo...
03/10/2026

Eritrea ayaa si rasmi ah u shaacisay in kulanka AL-CALAMAYN-Masar ka dhacaya looga hadlayo amniga wadajirka ah, xasilloonida iyo iskaashiga gobolka, si gaar ah diirada loo saarayo amniga iyo iskaashiga Badda Cas, Gacanka Cadmeed, Gacanka Carabta iyo Biyaha wabiga Nile.

Afwerku ayaa kasoo duulay Asmara, isagoo ku wajahan Al-Calamayn shalay waxaa tagay Xasan Sheikh, isbahaysi dhexdiisa hadda kala shakisan.

Sawirkan oo kale mala arki doonaa markale?

Address

1234567
Nairobi
1212

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ahmed qaraami posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share