15/05/2026
Gudoomiyah dallada dhalinyarada mudane: osmaan mohamud ( Osmaan Ilgiir ) wuxuu hanbalyo udiryaa Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed – 15 May.
maalinta taariikhda leh ee lagu xasuusto halgankii SYL iyo geesiyadii u istaagay xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya.
Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed waxay ina baraysaa in dhalinyaradu yihiin xoogga, rajada iyo mustaqbalka ummadda.
Maanta waa maalin weyn oo qiimo badan u leh shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada, waana 15 May.
maalintii la aas aasay ururkii gobannimo doonka ahaa ee SYL ee 15 May waxay xasuus u tahay halgankii iyo dadaalkii dhalinyaro Soomaaliyeed oo geesinimo leh kuwaas oo u istaagay xorriyadda, midnimada iyo horumarka dalka Soomaaliyeed. Dhalinyaradii SYL waxay muujiyeen waddaniyad, isku duubni iyo aragti fog oo horseeday in Soomaaliya ay gaarto xorriyaddeeda.
Maanta dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa saaran masuuliyad weyn oo ah:
>ilaalinta midnimada,
>horumarinta bulshada,
>ka shaqeynta nabadda,
iyo dhismaha mustaqbal wanaagsan.
Dhalinyaradu waa laf dhabarta ummadda iyo rajada qaranka. Haddii aan yeelanno aqoon, akhlaaq iyo wadajir, waxaan gaari karnaa Soomaaliya horumarsan oo sharaf leh.
Ugu dambeyn, waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed munaasabadda 15 May.
Xafiska dallada dhalinyarada reer puntland ee dalka kenya.