Saldhiga Booliska Bacadweyn

Saldhiga Booliska Bacadweyn Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Saldhiga Booliska Bacadweyn, Police station, Opposite bacadweyn intermediate school, Bacaadweyn.

Maamulka degsiimada bacaadweyn Mudane Jamaal abdirashiid iyo Mudane cabdirixmaan boone  waa maamul mudan in la garab ist...
15/09/2026

Maamulka degsiimada bacaadweyn
Mudane Jamaal abdirashiid iyo Mudane cabdirixmaan boone waa maamul mudan in la garab istaago, maadaama uu bulshada u hayo shaqo wanaagsan oo muuqata.

Waxaa jira dadaallo lagu wiiqayo ama lagu ridayo maamulka, balse annaga oo ah ciidanka iyo shacabka garabkooda ah, waxaan aaminsanahay in xasilloonida, wadajirka iyo horumarka deegaanka la ilaashado.

Ma doonayno in maamulkan uu dhaco; waxaan rabnaa in uu sii wato shaqada wanaagsan ee uu bulshada u hayo. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan bulshada Bacadweyn inay ilaashadaan midnimadooda, nabadgelyadooda iyo jiritaanka maamulkooda.

Bacadweyn waxay u baahan tahay maamul shaqaynaya, bulsho mideysan iyo ciidan u taagan nabadgelyada iyo danta shacabka.

Maamulka Bacadweyn ha sii jiro, hana sii shaqeeyo.

21/08/2026

Taliska saldhigga Booliiska Magalada Bacaadweyn ayaa fuliyay Xukun lagu wareejinayey dhul kaas oo si toos ah loogu wareejiyay muwaadiniintii lahaa si nabad iyo heshiis ah.

Xafiiska warfaafinta amniga magaalada bacaadweyn

WAR-SAXAAFADEEDGaalkacyo, Agoosto 05, 2026: Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si guul leh u soo gabagabeeyey hawlgal...
05/08/2026

WAR-SAXAAFADEED

Gaalkacyo, Agoosto 05, 2026: Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si guul leh u soo gabagabeeyey hawlgal amni oo qorshaysnaa kana dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo hubaysan oo ku sugnaa magaalada, kuwaas oo falalkoodu khatar ku ahaa amniga iyo kala dambeynta.

Hawlgalka ayaa lagu soo qabtay saraakiishii hoggaaminaysay kooxaha hubaysan, waxaana ka mid ah Giijaale Cabdi Baydhabo, Taliyihii maleeshiyaadka Gaalkacyo. Baariyoow, ku-xigeenkiisii Mahad Mowliid, iyo shakhsigii u qaabilsanaa maamulka xogta (Database) ee Booliska Soomaaliyeed.

Hawlgalka waxaa lagu soo qabtay 101 eedeysane, halka sidoo kale gacanta lagu dhigay 60 qof oo dhaawac ah. Marka laga reebo saraakiisha iyo shaqsiyaadka loo haysto dambiyada culus, ehellada dadka dhaawaca ah waxay la wareegi karaan iyagoo raacaya habraacyada ay dejinayaan hay'adaha amniga iyo garsoorka.

Hawlgalka waxaa sidoo kale lagu qabtay hub, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin tuutayaal Boolis, qoryo, rasaas, jeebbooyinka gacanta lagu xiro (handcuffs), kabaha Booliska iyo agab kale oo ay ku jiraan qalab ka mid ah deeqihii Dawladda Shiinaha ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidanka Difaaca Puntland waxay uga digayaan dhammaan shaqsiyaadka iyo kooxaha hubaysan ee weli ku sugan deegaannada kala duwan inay si degdeg ah isugu dhiibaan Dawladda Puntland, kuna soo laabtaan dariiqa sharciga.

Ciddii diidda inay u hoggaansanto awaamiirta hay'adaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga, waxaana laga fulin doonaa hawlgallo sharciyeysan oo lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta dalka.

- DHAMMAAD -

Saldhigga Booliska Bacaadweyn waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan shacabka Puntland, gaar ahaan reer Bacadwey...
03/08/2026

Saldhigga Booliska Bacaadweyn waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan shacabka Puntland, gaar ahaan reer Bacadweyn, si gaar ahna shacabka reer Bacaadweyn iyo ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo dhammaan dadkii uu ka baxay Alle ha u naxariistee Muuse Diibeeye.

Marxuum Muuse Diibeeye wuxuu ka mid ahaa haldooradii door muuqda ku lahaa aas-aaskii Dowladda Puntland, isagoo dhaqaalihiisa iyo dadaalkiisaba ku garab istaagay xilli ay Puntland weli ahayd fikrad la unkayey, ka hor intii aysan noqon dowlad dhisan. Waxqabadkiisii iyo kaalintii uu ka qaatay horumarka bulshada waxay ahaan doonaan kuwo lagu xusuusan doono.

Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, qabrigiisana u waasiciyo, kana dhigo b**r ka mid ah b**raha Jannada.
Ehelkii, qaraabadii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodayna waxaan Alle uga baryeynaa samir iyo iimaan.

Alle ha u naxariisto Muuse Diibeeye.
Aamiin.

Saldhigga Booliska Bacaadweyn

🚨 KULAN AMNI OO KHAMIISELE AH OO KA DHACAY BACAADWEYNBacaadweyn: Kulan amni oo Khamiisle ah ayaa maanta ka qabsoomay Xaf...
30/07/2026

🚨 KULAN AMNI OO KHAMIISELE AH OO KA DHACAY BACAADWEYN

Bacaadweyn: Kulan amni oo Khamiisle ah ayaa maanta ka qabsoomay Xafiiska Maamulka Magaalada Bacaadweyn, waxaana ka qayb galay Guddoomiyaha Magaalada Bacaadweyn, Taliyaha Saldhigga Booliska Bacaadweyn iyo Guddiyada Xaafadaha Magaalada.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta amniga magaalada, ka hortagga iyo la dagaallanka falalka amni-darrada, iyo sidii loo adkeyn lahaa wada-shaqaynta bulshada iyo laamaha amniga.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu soo qaaday mamnuucidda iyo ciribtirka ganacsiga Bir-libaaxda, iyo joojinta jarista dhirta, oo saamayn ku leh deegaanka, bilicda iyo nolosha bulshada.

Mas’uuliyiinta iyo Guddiyada Xaafadaha ayaa isku raacay in la xoojiyo wada-shaqaynta bulshada iyo laamaha amniga, si loo xaqiijiyo amniga waara, ilaalinta deegaanka iyo xasilloonida Magaalada Bacaadweyn.

👮‍♂️ Saldhigga Booliska Magaalada Bacaadweyn.

🚨WARBIXIN SHIL GAARIMaanta waxaa deegaanka Bacaadweyn ka dhacay shil gaari oo u dhexeeyay laba gaari oo nooca Borobox ah...
25/07/2026

🚨WARBIXIN SHIL GAARI

Maanta waxaa deegaanka Bacaadweyn ka dhacay shil gaari oo u dhexeeyay laba gaari oo nooca Borobox ah, kuwaas oo isku dhacay kadib markii ay si fool ka fool ah iskaga hor yimaadeen.

Shilka ayaa sababay:
Khasaare nafeed: Dhaawac ayaa soo gaaray 5 ruux oo rakaab ahaa.
Khasaare hanti: Labada gaari ayaa soo gaaray burbur xooggan.

Markii uu shilku dhacay, goobta waxaa si degdeg ah u gaaray:
Guddoomiyaha Magalada Bacaadweyn
Ciidamada Booliiska Magalada Bacaadweyn, kuwaas oo sugay amniga goobta isla markaana bilaabay baaritaanka sababta shilka.

Dhammaan dadkii ku dhaawacmay shilka waxaa loo qaaday Isbitaalka Guud ee Magaalada Bacaadweyn, halkaas oo ay ka helayaan daryeel caafimaad.

Saldhigga Booliiska Degmada Bacaadweyn ayaa wada baaritaanka rasmiga ah ee ku saabsan sababta rasmiga ah ee keentay shilka, waxaana natiijada baaritaanka la wadaagi doonaa bulshada marka uu soo gabagaboobo.

— Saldhigga Booliiska Degmada Bacaadweyn Media

🚔 SALDHIGGA BOOLISKA DEGMADA BACAADWEYNHowlgal Lagu Ilaalinayo DeegaankaCiidanka Booliska Degmada Bacaadweyn ayaa maanta...
24/07/2026

🚔 SALDHIGGA BOOLISKA DEGMADA BACAADWEYN

Howlgal Lagu Ilaalinayo Deegaanka
Ciidanka Booliska Degmada Bacaadweyn ayaa maanta gacanta ku dhigay eedaysane lagu tuhunsan yahay xaalufinta deegaanka, kaddib markii lagu qabtay gaari sida qoryo la sheegay in laga soo jaray dhirta deegaanka.

Eedaysanaha iyo qoryihii la qabtay waxaa loo gudbiyey Saldhigga Booliska Bacaadweyn, halkaas oo baaritaan sharci ah uu ka socdo si loo xaqiijiyo dhacdada loogana qaado tallaabooyinka uu sharcigu dhigayo.

Saldhigga Booliska Degmada Bacaadweyn wuxuu bulshada ku boorrinayaa inay ka qayb qaataan ilaalinta deegaanka, kana warbixiyaan cid kasta oo ku lug leh falalka waxyeellada u geysta dhirta iyo khayraadka dabiiciga ah.

"Ilaalinta Deegaanku Waa Mas'uuliyad Wadajir ah." 🌳🚔

Caawa waxaan howlgal ka fulinay magalada waxaan Xaraynay dhammaan bajaajyada bilaa taarikada ah, annagoo xoojinayna amma...
02/04/2026

Caawa waxaan howlgal ka fulinay magalada waxaan Xaraynay dhammaan bajaajyada bilaa taarikada ah, annagoo xoojinayna ammaanka shicibka reer bacadweyn ee loo shaqaynayo.

◆ Taliyaha booliska bacadweyn.

19/03/2026

Bacadweyn Puntland Police

Address

Opposite Bacadweyn Intermediate School
Bacaadweyn

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Saldhiga Booliska Bacadweyn posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category