Hamse Gelqaad

Hamse Gelqaad A somali journalist who brings you news and stories from somalia and the world. Contact :+252907704503

08/08/2026

Daawo ||.Hooyooyin Caanaha ka ganacsada oo Xabsiga loo taxaabay Magaalada Burco..

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa mar kale xilka u soo celiyey xoghayihii h**e ee degmada Xingalool, kaas oo xilk...
08/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa mar kale xilka u soo celiyey xoghayihii h**e ee degmada Xingalool, kaas oo xilkaas ka maqnaa muddo afar bilood ah.

08/08/2026

DEG~DEG Puntland ayaa la wareegtay xarun ciidan oo ku taallay degmada Carmo, taas oo ay deggenaayeen ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya . Walow wararka qaar sheegayaan in ciidamadii deggenaa xarunta ay xalay ka Guureeyeen, iyagoo aaday dhanka Duurka gobolka Bari.

Booliiska Puntland oo war ka soo saaray arrintan ayaa yiri:-“Dowladda Puntland ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay talis ciidan oo ku yaalla magaalada Carmo, kaas oo ay h**e u deggenaayeen maleeshiyaad hubaysan oo deegaannada Puntland ka waday falal lagu khal-khal gelinayay amniga iyo xasilloonida bulshada.

La wareegista taliska ayaa qayb ka ah tallaabooyinka ay Dowladda Puntland ku xaqiijinayso amniga, kala dambeynta iyo awoodda hay’adaha dowliga ah ee deegaannada Puntland.

Ciidamada Puntland ayaa si buuxda ula wareegay xarunta, waxaana la xaqiijiyay amnigeeda iyo maamulka goobta, iyadoo la faray dhammaan dhinacyada hubaysan inay u hoggaansamaan hay’adaha sharciga ah ee Dowladda Puntland.

Dowladda Puntland waxay caddeynaysaa inay sii wadi doonto tallaabooyinka lagu xoojinayo amniga iyo ilaalinta shacabka, iyadoo dhammaan hawlgallada lagu fulinayo si waafaqsan sharciga iyo Dastuurka Puntland.”

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ballan qaaday inuu si buuxd...
07/08/2026

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ballan qaaday inuu si buuxda u maalgelinayo dhismaha iyo dib-u-habaynta Garoonka Kubadda Cagta Cabdi Bile Cabdi ee magaalada Laascaanood.

Wasiirka ayaa sheegay inuu bixin doono dhammaan kharashaadka ku baxaya mashruuca, kaas oo wax weyn ka tari doona horumarinta ciyaaraha iyo dhiirrigelinta dhalinyarada magaalada waqoye bari

🎉 WAA LA FURAYAA! UBAX PRIMARY & KINDERGARTEN SCHOOL 🎉War wanaagsan oo ku socda dhammaan waalidiinta ku nool Xingalool!U...
07/08/2026

🎉 WAA LA FURAYAA! UBAX PRIMARY & KINDERGARTEN SCHOOL 🎉

War wanaagsan oo ku socda dhammaan waalidiinta ku nool Xingalool!

Ubax Primary & Kindergarten School waxaa si rasmi ah looga furayaa Xaafadda Horseed, agagaarka Masjid Shire, kuna yaal wadada weyn ee aadda Guriga Degmada.

🌟 Dugsigu wuxuu bixinayaa:
• Waxbarasho tayo leh
• Macallimiin aqoon iyo waayo-aragnimo leh
• Deegaan nadiif ah oo ammaan ah
• Barbaarin iyo tarbiyad wanaagsan carruurta

📝 Is-diiwaangelintu hadda way socotaa!

Ha seegin fursadda aad ilmahaaga ugu diiwaangelin lahayd dugsi mudnaanta siiya waxbarashada iyo horumarka carruurta.

Ku soo dhowaada Ubax Primary & Kindergarten School – halka aqoontu ka bilaabato, mustaqbalkuna ka iftiimo!

07/08/2026

:Odayaasha dhaqanka Beesha Aadan Siciid oo Baaq diray.

06/08/2026

Puntland ayaa si rasmi u joojisay Ilaalada Hubaysan oo ay wataan Siyaasiyiinta Mucaaradka ah, Sido kalena sheegtay in aan la aqbali karin Ciidamada beelaha kuwa hadda jirana la qaramayn Doono.

Dhanka kale Puntland ayaa wararku sheegayaan in ay waaran u jari doonto Maxkamadna Soo taagi doonto Saraakiil iyo Siyaasiyiin loo haysto in ay Sameeyeen Ciidamada Dowlada federaalka ah ee ku sugan Gudaha Deegaanada Puntland.

Go'aankan ayaa imaanaya Xili Dowlada Puntland ay Dagaal kula wareegtay Xerada Ciidamada PSF ee Gaalkacayo halka Midii Bosaso ay kula wareegtay Si nabad ah, Iyadoona Ciidamadii Barda-dheere ay u guureen Dowlad-goboleedka Galmudug.

W/Q Xildhibaan maxamed farah Gabyow Bismillaahi Raxmaani RaxiimMuddooyinkii u dambeeyey waxaan kulamo iyo wada-tashiyo m...
06/08/2026

W/Q Xildhibaan maxamed farah Gabyow

Bismillaahi Raxmaani Raxiim

Muddooyinkii u dambeeyey waxaan kulamo iyo wada-tashiyo miro-dhal ah la yeeshay qaybaha kala duwan ee bulshada, anigoo kala hadlay sidii xal waara loogu heli lahaa colaadaha soo noqnoqday ee muddooyinkan ka jiray Gobolka Sanaag, loona soo afjari lahaa dirirta iyo shaqaaqooyinka u dhexeeya beelaha walaalaha ah.

Intii ay wada-hadalladu socdeen, waxaa si weyn diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay nabaddu, wadajirka bulshada, is-afgaradka iyo in la xoojiyo doorka odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada iyo dhammaan waxgaradka bulshada ee ku aaddan dib u heshiisiinta.

Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in bulshada ay door muuqda oo wax-ku-ool ah ka qaadato Shirka Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka ee ka furmaya Deg: Ceelbuh, kaas oo uu hoggaaminayo Suldaanka Guud ee harti, Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan. Shirkaasi wuxuu fursad muhiim ah u yahay adkaynta nabadda, xoojinta walaaltinimada iyo dejinta aasaas waara oo lagu dhammeeyo khilaafaadka soo jiitamayay.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan qaybaha bulshada inay si niyad-sami, masuuliyad iyo wadajir leh uga qayb qaataan dadaallada nabadeed, maadaama nabaddu ay tahay saldhigga horumarka, midnimada iyo mustaqbalka wanaagsan ee Gobolka Sanaag iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed.

Allaa Mahad leh

Hogaamiyaha Dowlad Gobaleedka waqooyi bari: "Nabada diyaar baanu u nahay laakiin hoos eegi mayno hadii Dadkayaga lagu Ed...
05/08/2026

Hogaamiyaha Dowlad Gobaleedka waqooyi bari: "Nabada diyaar baanu u nahay laakiin hoos eegi mayno hadii Dadkayaga lagu Edyadoonayo, Cidii isku dayda Kala qaybanita bulshada waxaanu leenahay ka jooga Waxaan lagu ciyaarin baad ku ciyaaraysaane

05/08/2026

Ciidamo ka tirsan Kuwa PSF oo wata 9 gaari oo wayadaan ku sugnaa Duleedka Magaalada qardho ayaa hadda Gaaray Magaalada sarmaayo ee Gobolka sool.

Address

Badhan

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hamse Gelqaad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hamse Gelqaad:

Shortcuts

Share

Category