Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa KGS

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa KGS Bogga Rasmiga ah ee wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Koonfurgalbeed Soomaaliya.

Ceelberde: Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed ayaa bilihii June, July iyo August, ...
30/08/2026

Ceelberde: Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed ayaa bilihii June, July iyo August, oo hadda gabagabo ah, ololaha tallaalka iyo daaweynta xoolaha ka waday Degmada Ceelberde ee Gobolka Bakool.

Ololahan oo ah bilaash ayaa waxaa ka faa’iideystay qaar ka mid ah xoolo-dhaqatada ku nool deegaanada baadiyaha ee Degmada Ceelberde.

Ololahan waxaa maalgelinaya Bangiga Adduunka, iyadoo loo marayo Mashruuca SFSRP, waxaana lagu taageerayaa xoolo-dhaqatada ku dhaqan 9 degmo oo ka tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ee Dowladda Koonfur Galbeed.

Dhammaad-

Qansaxdheere: Ololaha Tallaalka iyo Daaweynta Xoolaha oo ay bilihii lasoo dhaafay waday Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, D...
29/08/2026

Qansaxdheere: Ololaha Tallaalka iyo Daaweynta Xoolaha oo ay bilihii lasoo dhaafay waday Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed, isla markaana heer gabagabo ah maraya, ayaa laga fuliyay Degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay.

Xoola-dhaqatada ku nool ku dhowaad 32 tuulo oo hoostaga Degmada Qansaxdheere ayaa ka faa’iideystay ololahan bilaashka ah, kaas oo socday bilaha June, July iyo Agoosto, iyadoo hadda uu marayo heer gabagabo ah.

Ololahan waxaa maalgelinaya Bangiga Adduunka (World Bank), iyadoo loo marayo Mashruuca SFSRP, waxaana la gaarsiiyay 9 degmo oo ka tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ee Koonfur Galbeed.

Dhamaad-

26/08/2026

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha oo Ololaha Talaalka iyo Daaweynta Xoolaha ka fulisay degmada Buur-Hakaba ee gobolka Baay.

Buur-Hakaba: Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed ayaa degmada Buur-Hakaba ee Gobolk...
26/08/2026

Buur-Hakaba: Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed ayaa degmada Buur-Hakaba ee Gobolka Baay ka fulisay olole bilaash ah oo isugu jira tallaalka iyo daaweynta xoolaha.

Ololahan ayaa qeyb ka ah qorshe ballaaran oo Wasaaraddu ka waddo gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, waxaana lagu bartilmaameedsanayaa 9 degmo, iyadoo ujeeddadu tahay ka hortagga iyo xakameynta cudurrada faafa ee xoolaha, iyo ilaalinta caafimaadkooda.

Mashruuca ayaa waxaa maalgelinaya Bangiga Adduunka (World Bank), iyadoo loo marayo Mashruuca SFSRP, waxaana fulinaysa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed.

Qaar ka mid ah xoolo-dhaqatada ku nool deegaannada baadiyaha ee Buur-Hakaba ayaa soo dhaweeyay ololahan, iyagoo sheegay inuu muhiim u yahay caafimaadka xoolaha iyo kor u qaadidda wax-soo-saarka xoolaha.

Dhamaad-

25/08/2026

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Dowladda Koonfur Galbeed oo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ka fulisay Ololaha Talaalka iyo Daaweynta Xoolaha.

Afgooye: Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed oo weli wadda ololaha tallaalka iyo da...
25/08/2026

Afgooye: Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed oo weli wadda ololaha tallaalka iyo daaweynta xoolaha ayaa maanta ololahaas ka fulisay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ololahan oo lacag la’aan ah ayaa ujeeddadiisu tahay ka hortagga cudurrada faafa ee ku dhaca xoolaha, waxaana loo qorsheeyay in laga hirgeliyo 9 degmo oo ka tirsan gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Ololahan waxaa fulinaysa Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed, waxaana maalgelinaya Bangiga Adduunka (World Bank) iyadoo loo marayo Mashruuca SFSRP.

Dhamaad-

Wasaaradda Xoolaha oo si guul leh u badbaadisay neef ari ahTaariikhdii 8/8/2026, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta i...
09/08/2026

Wasaaradda Xoolaha oo si guul leh u badbaadisay neef ari ah

Taariikhdii 8/8/2026, Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Koonfur Galbeed ayaa si guul leh u fulisay qalliin caafimaad lagu sameeyey neef ari ah oo caloosha ka soo gaartay dhaawac culus, kadib markii uu silig ku dhaawacmay.

Milkiilaha neefka ayaa si degdeg ah ula soo xiriiray Wasaaradda, isagoo ka codsaday gargaar caafimaad. Dhakhaatiirta xoolaha ee Wasaaradda ayaa si dhaqso leh uga jawaabay codsiga, waxaana si guul leh loo dhammeeyey qalliinka, iyadoo neefka la siiyey daryeelkii caafimaad ee lagama maarmaanka ahaa.

Qalliinka waxaa si guul leh u sameeyey Dr. Samow iyo kooxdiisa caafimaadka xoolaha, kuwaas oo dadaal iyo waqti gaar ah u huray badbaadinta neefka iyo daaweynta dhaawaciisa.

Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Koonfur Galbeed waxay had iyo jeer diyaar u tahay inay u adeegto bulshada iyo xoolo-dhaqatada, iyadoo ka go’an tahay bixinta adeegyo caafimaad oo tayo leh, ilaalinta caafimaadka xoolaha, iyo taageeridda dadka ku tiirsan xoolaha.

04/08/2026

Suldaano Geedi Aadan oo ka mid ah Xoolo-dhaqatada ka faa’iideystay Ololaha Talaalka iyo Daaweynta Xoolaha ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed ka wado 9 degmo ayaa ka mahadcelisay Shaqada loo qabtay.

04/08/2026

Aadan Ibrahim oo ka mid ahaa boqolaalka qof ee ka faa’iideystay Ololaha Talaalka iyo Daaweynta Xoolaha oo ay wado Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed ayaa sheegay in xili loo baahnaa Ololahan lasoo gaarsiiyey.

03/08/2026

Nishey Mursal Liibaan oo ka mid ah Xoolo-dhaqatada ku Nool Baadiyaha Degmada Baydhabo kana faa’iideystay Ololaha Talaalka iyo Daaweynta Xoolaha ayaa u mahadcelisay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa Dowladda Koonfur Galbeed.

Address

Main Office Located Near UNICEF Compound
Baydhabo
252

Telephone

+252618258303

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa KGS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa KGS:

Shortcuts

Share