Wasaarada Howlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guryaynta KGS

Wasaarada Howlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guryaynta KGS Pageka rasmiga ah ee Wasaarada Howlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guryaynta KGS

Baydhabo, 15 Agoosto 2026 — Waxaa magaalada Baydhabo maalintii saddexaad ka soconaya tababar farsamo oo ku saabsan “Cobb...
15/08/2026

Baydhabo, 15 Agoosto 2026 — Waxaa magaalada Baydhabo maalintii saddexaad ka soconaya tababar farsamo oo ku saabsan “Cobblestone Paving Technology”, kaas oo loogu talagalay shaqaalaha farsamada iyo injineerrada Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saarayaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha farsamo ee injineerrada iyo shaqaalaha Wasaaradda, gaar ahaan habka loo hirgeliyo waddooyinka iyo goobaha lagu dhisayo dhagxaanta Cobblestone.
Maalintan saddexaad, ka-qaybgalayaasha ayaa helaya tababar toos ah iyo tababar ku saleysan shaqo-gacmeed (practical demonstration), iyadoo lagu baranayo habka saxda ah ee diyaarinta dhulka, dhigista iyo habeynta dhagxaanta Cobblestone, si loo hubiyo in mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha loo fuliyo si tayo leh oo waarta.

Tababarka waxaa fulinaysa Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, iyadoo taageero farsamo laga helayo ILO-KfW.

Ujeeddada tababarkan ayaa ah in la xoojiyo awoodda farsamo ee shaqaalaha Wasaaradda, lana helo injineerro iyo shaqaale leh aqoon iyo xirfad ku filan oo kaalin muuqata ka qaata hirgelinta mashaariicda horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Baydhabo, 13 Agoosto 2026 — Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ...
13/08/2026

Baydhabo, 13 Agoosto 2026 — Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-Dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo si rasmi ah uga daah-furtay tababar soconaya muddo afar maalmood ah, kaas oo diiradda lagu saarayo “Cobblestone Paving Technology Training.”

Tababarka waxaa si rasmi ah u daah-furay Agaasimaha Wasaaradda, Mudane Abdiasis Abdirahman Mohamed, iyadoo ujeeddadu tahay in shaqaalaha Wasaaradda lagu xoojiyo aqoon iyo xirfado farsamo oo la xiriira dhismaha, rakibidda, dayactirka iyo hagaajinta waddooyinka Cobblestone.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha farsamo ee shaqaalaha, iyo sidoo kale xoojinta tayada kaabayaasha dhaqaalaha ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasaaradda ayaa ku dadaaleysa in la helo shaqaale leh aqoon iyo xirfad ku filan oo gacan ka geysta hirgelinta mashaariic horumarineed oo tayo leh, waara, isla markaana bulshada Koonfur Galbeed u horseeda adeegyo iyo kaabayaal wanaagsan.

Baydhabo, Aug , 5 , 2026; Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Dowladda Koonfur Galbeed oo Kormeer Shaqo ku Ta...
05/08/2026

Baydhabo, Aug , 5 , 2026; Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Dowladda Koonfur Galbeed oo Kormeer Shaqo ku Tagay Waddada Isku Xirta Garoonka Diyaaradaha Shaatigaduud iyo Magaalada Baydhabo.

Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Daaweye Cabdullaahi Arte, oo ay wehliyaan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud, Amniga iyo Gaadiidka iyo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Shaatigaduud ee Baydhabo, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay waddada muhiimka ah ee isku xirta Garoonka Diyaaradaha Shaatigaduud iyo Saldhigga Weyn ee magaalada Baydhabo.

Waddadan, oo uu dhowaan si wada jir u dhagax-dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hogaamiyaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Sheikh Adan Mohamed Nuur ayaa ka mid ah mashaariicda istaraatiijiga ah ee mudnaanta la siiyey si kor loogu qaado kaabeyaasha dhaqaalaha, bilicda magaalada, iyo isku socodka bulshada.

Ujeeddada kormeerka ayaa ahayd in si dhow loo qiimeeyo xaaladda waddada, isla markaana loo dardargeliyo hirgelinta mashruuca dib-u-dhiskeeda, kaas oo la filayo inuu door weyn ka qaato horumarinta isku xirka Garoonka Diyaaradaha Shaatigaduud iyo xarumaha muhiimka ah ee magaalada Baydhabo.

Intii uu socday kormeerka, Injineerrada Wasaaradda Howlaha Guud ayaa mas’uuliyiinta la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qorsheynta, naqshadeynta, iyo diyaar-garowga farsamo ee mashruuca. Waxay sidoo kale caddeeyeen in dhammaan hawlaha hordhaca ah ay marayaan heer wanaagsan, isla markaana la qorsheynayo in si degdeg ah loo bilaabo wejiyada xiga ee fulinta mashruuca.

Mas’uuliyiintii kormeerka ka qayb-gashay ayaa bogaadiyey dadaallada socda, iyagoo adkeeyey muhiimadda ay waddadani u leedahay isku socodka, amniga, iyo koboca dhaqaalaha magaalada Baydhabo. Waxay sidoo kale ku baaqeen in mashruuca lagu dhammeeyo waqtigii loo qorsheeyey iyo iyadoo la ilaalinayo tayada shaqada.

_DHAMAAD_

‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta Dowlada Koonfur galbeed .

28/07/2026
28/07/2026

Wadada Isku Xirta Airportka iyo magaalada Barawe ee dhowaan wasaarada dhistay oo loo furay bulshada taasoo durba shacabka soo dhoweeyeen.

26/07/2026

‎Baydhabo, July, 26, 2026; Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Dowladda Koonfur Galbeed oo Kulan Muhiim ah la Qaatay Madaxda Mashruuca NAGAAD, Kana War Helay Horumarka Dhismaha Waddooyinka Baydhabo

‎Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Dr. Daweeye Cabdullaahi, oo uu wehelinayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdicasiis Cabdiraxmaan, iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada iyo Injineerrada Wasaaradda, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay madaxda Mashruuca NAGAAD ee heer Federaalka iyo heer Dowlad Goboleed, kuwaas oo ka shaqeeya hirgelinta iyo tayeynta waddooyinka waaweyn ee magaalada Baydhabo.

‎Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha dhismaha waddooyinka, caqabadaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, iyadoo si gaar ah looga hadlay horumarka laga sameeyay waddada halbowlaha u ah magaalada Baydhabo oo muhiim u ah isku socodka bulshada iyo gaadiidka.

‎Wasiirka iyo madaxda Wasaaradda ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in shaqooyinka socda lagu soo gabagabeeyo waqtigii loo qorsheeyay, iyagoo faray hay'adaha fulinaya mashruuca in la dedejiyo dhismaha waddooyinka isla markaana la xaqiijiyo in bulshada loo fududeeyo isu socodka inta ay shaqooyinku socdaan.

‎Ugu dambeyn, Wasiirka, Agaasimaha Guud iyo madaxda Mashruuca NAGAAD ayaa kormeer ku tagay goobaha ay ka socdaan dhismaha waddooyinka, halkaas oo ay indhahooda ku soo arkeen heerka uu marayo mashruucu, kana dhageysteen Injineerrada warbixin ku saabsan horumarka iyo qorshaha lagu dhammeystirayo shaqooyinka harsan.

‎Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Dowladda Koonfur Galbeed waxay sii xoojin doontaa dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, iyadoo mudnaan gaar ah siinaysa dhismaha iyo tayeynta waddooyinka si kor loogu qaado adeegyada bulshada iyo kobaca magaalada Baydhabo.

‎ _____DHAMAAD______

‎Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Bulshada Wasaaradda howlaha guud iyo guryeynta Dowlada Koonfur galbeed .

‎Baydhabo, July, 26, 2026; Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Guryeynta Dowladda Koonfur Galbeed oo Kulan Muhiim ah la...

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Howlaha guud, dib udhiska & Guryaynta KGS Mudane Abdiaziz Abdirahman Mohamed ayaa xafiiska...
22/07/2026

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Howlaha guud, dib udhiska & Guryaynta KGS Mudane Abdiaziz Abdirahman Mohamed ayaa xafiiska wasaaradda ku qaabilay Madax ka socotay hay'ada UNOPS oo wasaarada kala shaqaynaysa dhismaha Wadooyinka isku xira Barawe-Bulamareer & Afgoye-Buulamareer.

Wasaaradda Howlaha Guud, Dib udhiska & Guryaynta KGS ayaa dhamaystirtay dhismaha Jidka isku xira Airportka magaalada Bar...
21/07/2026

Wasaaradda Howlaha Guud, Dib udhiska & Guryaynta KGS ayaa dhamaystirtay dhismaha Jidka isku xira Airportka magaalada Barawe iyo magaalada Barawe gudaheeda.

Jidkan oo ay udhamaystiran tahay dhamaan qaybaha muhiimka u ah jidadka dhismahooda sida:
1-Biya mareenada
2-Curbs
3-Buundooyinka biyaha gudbiya (Cross culverts)

Wasaarada howlaha guud ayaa juhdi badan gelisay sidii loo dhamaystiri lahaa dhismaha jidkan.

19/07/2026

Wasiir Daaweeye Abdullahi Arte ayaa Maanta si rasmi ah ula wareegey xilka Wasaaradda Howlaha Guud Dowladda Koonfur Galbeed,

Address

South West State
Baydhabo

Telephone

+252618068630

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaarada Howlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guryaynta KGS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaarada Howlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guryaynta KGS:

Shortcuts

Share