11/07/2026
Hambalyo iyo Bogaadin,
Dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Hormarinta Reer Miyiga iyo Adkaysiga DKGS waxay hambalyo iyo bogaadin kal iyo laab ah u dirayaan Wasiirka cusub ee Wasaaradda Hormarinta Reer Miyiga iyo Adkaysiga,
Mudane Abdirashid Ahmed Hassan, iyagoo ugu hambalyeynaya kalsoonida loo muujiyey iyo magacaabistiisa hoggaanka Wasaaradda.
Waxaan Alle SWT uga baryeynaa inuu ku garab galo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, siiyana, xigmad, daacadnimo, iyo karti hoggaamineed oo uu ku xaqiijiyo himilooyinka wasaaradda.
Waxaan kaloo u rajaynaynaa inuu horseedo horumar la taaban karo oo lagu xoojinayo hormarinta reer miyga iyo adkaysiga, kaasoo kor loogu qaadayo tayada adeegyada la gaarsiiyo shacabka ku miyga , lana xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, bah-wadaagta horumarinta, iyo adkaysiga, si loo gaaro hormar fiican, loo siman yahay, isla markaana waara.
Illaahay ha ka dhigo xilkiisa mid ku astaysan guul, caddaalad, daacadnimo, iyo waxqabad shacabka reer Koonfur Galbeed ay ku diirsadaan inshaa Allah.
Hambalyo iyo guul ayaan kuu rajaynaynaa, Mudane Wasiir.