28/01/2025
Garsoorka KGS oo Kormeerey Dhismaha Cusub ee Wasaaradda Cadaaladda DKGS
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Garsoorka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya (KGS) ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagey dhismaha cusub ee Wasaaradda Cadaaladda DKGS. Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyey howlaha dhismaha, isagoo qiimeyn ku sameeyey horumarka iyo tayada shaqada socota.
Intii kormeerku socday, Wasiirka ayaa bogaadiyey dedaallada lagu horumarinayo adeegyada garsoorka iyo cadaaladda, isagoo tilmaamay in dhismaha cusub uu yahay tallaabo muhiim ah oo kor u qaadi doonta hanaanka adeeg bixinta iyo helitaanka cadaalad hufan. Wasiirka ayaa sidoo kale ku dhiirrigeliyey shaqaalaha iyo injineerada dhismaha inay ku dedaalaan tayada iyo dhammeystirka shaqada waqtigeeda.
Dhismaha cusub ee Wasaaradda Cadaaladda DKGS ayaa ah mid casri ah, oo loo qorsheeyey in uu daboolo baahiyaha bulshada, kana turjumaaya ballanqaadka Dowlad Goboleedka KGS ee ah in la hagaajiyo nidaamka garsoorka iyo cadaaladda dalka.
Wasaaradda Cadaaladda DKGS ayaa weli sii wadda dadaalladeeda ku aaddan horumarinta adeegyada sharci iyo xaqiijinta caddaaladda loogu adeego bulshada si cadaalad iyo sinnaan leh.