Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS

Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah (DKGs)

Mas'uuliyiin uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Cabdiqaadir, ayaa maanta ...
23/07/2026

Mas'uuliyiin uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Cabdiqaadir, ayaa maanta booqasho dhiirrigelin iyo kormeer ah ku tegay fariisimaha Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ee ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo.

Booqashada ayaa waxaa ku weheliyay Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed, Wasiiru Dowlihii h**e ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka Baydhabo iyo Waajid.

Mas'uuliyiinta ayaa ciidamada ku bogaadiyey doorkooda ku aaddan sugidda amniga iyo difaaca deegaannada, iyagoo ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibbaaraan gudashada waajibaadkooda qaran.

Ciidamo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Laba Xiddigle Madkeer Xasan Maxamuud, Taliyaha Dugs...
21/07/2026

Ciidamo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, oo uu hoggaaminayo Laba Xiddigle Madkeer Xasan Maxamuud, Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidanka Asluubta ee Baydhabo, ayaa maanta soo gaaray furimaha h**e ee Halganka Dib-u-Xoreynta Koonfur Galbeed.

Ciidamadan ayaa ku soo biiray Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed, iyagoo xoojinaya dadaallada lagu difaacayo laguna xoreynayo deegaannada Koonfur Galbeed.

20/07/2026

Dowladda Koonfur Galbeed oo Maamuustay Naxriis Abdirahmaan oo ku soo biirey Ciidanka boliiska gaarka ah.

Naxriis Cabdiraxmaan, oo ka tirsanaa Ururka 46-aad ee Guutada 8-aad, Qaybta 60-aad, ayaa maanta ku soo biiray Ciidamada ...
20/07/2026

Naxriis Cabdiraxmaan, oo ka tirsanaa Ururka 46-aad ee Guutada 8-aad, Qaybta 60-aad, ayaa maanta ku soo biiray Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed iyo Halganka Dib-u-Xoreynta Koonfur Galbeed.

Naxriis ayaa la yimid laba qori oo kala ah BKM iyo AK-47, kuwaas oo uu kala soo baxay ciidankii uu h**e uga tirsanaa.

Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed, Ugaas Xasan, ayaa si rasmi ah u soo dhaweeyey, waxaana lagu guddoonsiiyey abaalmarin lacageed oo lagu maamuusay geesinimadiisa iyo hubkii uu la yimid.

DIGNIINTaliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed wuxuu bulshada uga digayaa bogag been abuur ah o...
19/07/2026

DIGNIIN

Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed wuxuu bulshada uga digayaa bogag been abuur ah oo faafinaya warar aan sal iyo raad lahayn, iyagoo adeegsanaya magac iyo astaan u eg tan rasmiga ah ee Taliska.

Taliska wuxuu caddeynayaa in bogaggaasi aysan wax xiriir ah la lahayn Taliska, wuxuuna bulshada ku boorrinayaa in lagu kalsoonaado oo keliya wararka iyo bayaannada ka soo baxa kanaallada rasmiga ah ee Taliska.

DIGINIIN AMNITaliska Ciidamada Booliska Gaarka ah ee dowlada Koonfur Galbeed wuxuu si adag ugu wargelinayaa dhammaan sha...
06/07/2026

DIGINIIN AMNI

Taliska Ciidamada Booliska Gaarka ah ee dowlada Koonfur Galbeed wuxuu si adag ugu wargelinayaa dhammaan shacabka ku dhaqan magaalada Baydhabo inay si degdeg ah uga fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka Salbalaar iyo Af-Balaar.

Taliska wuxuu mar kale ku celinayaa digniintan, isagoo shacabka ugu baaqaya inaysan u dhawaan ama ku sugnaan aagaggaas, maadaama ay yihiin bartilmaameedyada rasmiga ah ee ciidamada Booliska Gaarka ah.

Shacabka waxaa lagu adkeynayaa inay muujiyaan feejignaan iyo taxaddar, ayna ka fogaadaan goobaha lagu sheegay digniintan ilaa laga soo saarayo ogeysiis kale oo rasmi ah.

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga MudaneHassanAbdukadir, ayaa taliska ...
04/07/2026

Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Koonfur Galbeed, oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga MudaneHassanAbdukadir, ayaa taliska ku-meel-gaarka ah ee Howlgalka Dib-u-xoreynta Koonfur Galbeed ku soo dhaweeyey mas'uuliyiin sare oo ay ka mid yihiin Wasiirkii h**e ee Gaadiidka Koonfur Galbeed, Wasiiru-dowlihii h**e ee Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Guddoomiyaha Degmada Waajid.

Mas'uuliyiinta la soo dhaweeyey ayaa uga mahadceliyey taliska iyo madaxda soo dhoweynta diirran ee loo sameeyey, iyagoo bogaadiyey doorka talisku ka wado howlgalka dib-u-xoreynta, isla markaana muujiyey go'aankooda iyo garab istaaggooda howlgalkan.
Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS

27/06/2026

"Sababaha Baydhabo loogu soo duulay waxaa ka mid ahaa in la hor istaago horumarka KG, iyo in la la wareego ilaha ugu muhiimsan ee gobolka Shabeellaha Hoose," Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Xasan Cabdiqaadir.
Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS

Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee degmada Wanlaweyn ayaa maanta si rasmi ah u soo gaaray furimaha h**e, iyagoo ku soo bii...
27/06/2026

Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee degmada Wanlaweyn ayaa maanta si rasmi ah u soo gaaray furimaha h**e, iyagoo ku soo biiray halganka dib-u-xoreynta Koonfur Galbeed.

Ciidamadan oo uu hoggaaminayo Taliyaha Saldhigga Booliiska degmada Wanlaweyn, Xasan Ubaay, ayaa watay hub culus, waxaana furimaha ku soo dhaweeyey mas'uuliyiin sare oo ay ugu horreeyaan Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowladda Koonfur Galbeed, Afhayeenka Dowladda, Xildhibaan Cabdiwahaab iyo Afhayeenka Ciidamada.

Soo biiritaanka ciidamadan ayaa xoojinaya awoodda ciidamada ku sugan furimaha h**e iyo dadaallada lagu dardargelinayo halganka dib-u-xoreynta Koonfur Galbeed.
Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS

OgeysiisTaliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed wuxuu shacabka ku wargelinayaa in akoon Faceboo...
26/06/2026

Ogeysiis

Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed wuxuu shacabka ku wargelinayaa in akoon Facebook oo si been abuur ah loogu sameeyey magaca Taliska uusan wax xiriir ah la lahayn Ciidamada.

Kooxo ku howlan faafinta warar marin habaabin ah ayaa sameeyey akoonkan been abuurka ah. Sidaas darteed, shacabka waxaa laga codsanayaa in aysan ku kalsoonaan ama la macaamilin akoonkaas, isla markaana ay xogta rasmiga ah ka qaataan oo keliya warbaahinta iyo baraha rasmiga ah ee Taliska.

Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS

Address

Villa Kgs
Baydhabo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share