Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Baay

Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Baay Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Baay, Government Official, Baydhabo.

G/Sare Mukhtaar Ibraahim Maxamed ayaa ka qeyb galay shirka shirka amniga ee uu shir gudoominayey hogaamiyaha Dowladda Ko...
01/08/2026

G/Sare Mukhtaar Ibraahim Maxamed ayaa ka qeyb galay shirka shirka amniga ee uu shir gudoominayey hogaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray adkaynta amniga guud, dardargelinta wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo sare u qaadidda xasilloonida deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Amniga, Gudoomiyaha Gobolka Baay, kan Degmada Baydhabo iyo saraakiisha kala duwan ee ciidamada, kuwaas oo si qoto dheer uga wada hadlay xaaladda amni ee deegaannada Koonfur Galbeed, guulaha laga gaaray sugidda amniga iyo qorshayaasha lagu sii xoojinayo nabadda iyo kala dambeynta.

Taliyaha Qeybta booliska Gobolka Baay.G/Sare- Mukhtaar Ibraahim Maxamed ayaa shir jaraa,id ku qabtey qeybta booliiska go...
30/07/2026

Taliyaha Qeybta booliska Gobolka Baay.
G/Sare- Mukhtaar Ibraahim Maxamed ayaa shir jaraa,id ku qabtey qeybta booliiska gobolka baay,

Shirkaas oo inta badan lagu qabtaa maalinta khamiis qeybta booliska gobolka baay ayaa waxaa Diirada lagu saarey sidii loo xoojin lahaa ammaanka deeganada konfur galbeed somaaliya Gaar ahaan gobolka baay,

Taliyaha ayaa ku amrey saraakiisha kasoo qeyb Galey shirka in dedaalada ay wadaan ay sii laba Jibaaraan dardargelinta amni ee deegaanada Konfur galbeed gaar ahaan gobolka baay,

Shirka ayaa la isla gartey in sidii loo xoojin lahaa Amniga iyo xasiloonida gobolka baay ay ku Shaqeyn doonaan ayna sii laba jibaaraan amniga deegaanada kofur galbeed soomaaliya,

Sidoo kale taliyaha ayaa si kulul uga hadley in Ammaanka deegaanadan ay xooga saaraari Doonaan si ay u helaan nabadgeliyo iyo xasilooni Shacabka ku dhaqan konfur galbeed soomaaliya Gaar ahaan gobolka baay,

Taliyaha ayaa sheegey in ay shirarka ay ka dhigi Doonaan joogto si ay loo helo wixii ku soo siyaado Degaanada konfur galbeed soomaaliya,

DHAMAAD

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Baay, Gaashanle sare-Mukhtaar Ibraahim maxamed (Dugudow), ayaa ka qayb galay Shirka Am...
29/07/2026

Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Baay, Gaashanle sare-Mukhtaar Ibraahim maxamed (Dugudow), ayaa ka qayb galay Shirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya oo uu shir guddoomiyey Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Isaag Maxamed Isaag (Korsaar).

Shirka ayaa diiradda lagu saaray adkaynta amniga guud, xoojinta wada-shaqeynta hay'adaha amniga, iyo dardargelinta qorshayaasha lagu xaqiijinayo nabadda, xasilloonida, iyo kala dambeynta deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga arrinsaday xaaladda amni ee ka jirta deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha wax looga qabanayo khataraha amni, iyadoo la isla gartay in la xoojiyo isku-duwidda howlaha amniga iyo wada-shaqeynta hay'adaha kala duwan.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Isaag Maxamed Isaag (Korsaar), ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay dowladdu siinayso sugidda amniga shacabka, isagoo ku baaqay in la laba jibbaaro dadaallada lagu xaqiijinayo amniga magaalooyinka iyo deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Dhankiisa, Taliyaha Qeybta Booliiska Gobolka Baay, Gaashanle sare-Mukhtaar Ibraahim maxamed (Dugudow), ayaa sheegay in Ciidanka Booliiska Gobolka Baay ay ka go'an tahay xoojinta amniga, ilaalinta shacabka, iyo sii adkaynta wada-shaqeynta ay la leeyihiin hay'adaha amniga, si loo xaqiijiyo nabad waarta, loona xoojiyo kala dambeynta iyo sharciga.

Sidoo kale, Taliyuhu waxa uu adkeeyey in Ciidanka Booliiska Gobolka Baay ay sii laba jibbaari doonaan dadaallada ay ugu jiraan ka hortagga falalka lidka ku ah amniga, isla markaana ay si dhow ula shaqeyn doonaan bulshada iyo hay'adaha kale ee amniga si loo helo deegaanno nabdoon oo xasilloon.

Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ku xoojinayso wada-shaqeynta hay'adaha amniga, korna loogu qaadayo isku-duwidda howlaha lagu sugayo amniga, nabadda, iyo xasilloonida guud ee deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
DHAMAAAD

Address

Baydhabo
BAYDHABO

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Baay posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share