22/08/2026
Baydhabo: Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Dowladaha Hoose Iyo Dib-U-Heshiisiinta KGS ayaa magaalada Baydhabo ku qabatay Aqoon-is-weydaarsiga Wadatashiga Dowladda-Goboleedka Koonfur Galbeed ee Dib-u-eegista Istaraatiijiyadda Qaran ee Xasilinta.
Aqoon-is-weydaarsiga ayaa lagu gorfeeyay muhiimadda ay leedahay dib-u-eegista Istaraatiijiyadda Qaran ee Xasilinta, iyadoo diiradda la saaray sidii loo xoojin lahaa nabadda, amniga, dowladnimada iyo dadaallada xasilinta ee ka socda deegaannada Koonfur Galbeed.
Waxaa ka qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano, Agaasimeyaal, Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Baydhabo, Taliyaha Saldhigga Degmada Baydhabo iyo masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Masuuliyiintii ka qeyb gashay kulanka ayaa khudbado ka jeediyay goobta, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda iyo bulshada ay si wadajir ah uga qeyb qaataan qorshayaasha lagu xoojinayo xasiloonida iyo nabadgelyada.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Isxaaq Maxamed Isxaaq (Korsaar), ayaa si rasmi ah u daahfuray aqoon-is-weydaarsiga, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadatashiga iyo iskaashiga hay’adaha dowladda si loo gaaro xasilooni waarta.
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, iyo sidii loo horumarin lahaa qorshayaasha xasilinta iyo nabadeynta dalka.