24/08/2026
KORMEERKA IYO BOOQASHADA DEEGAANKA GALGALA
Guddoomiyaha Gobolka Bari, Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax, ayaa hoggaamiyey wafdi heer sare ah oo booqasho shaqo ku gaaray deegaanka Galgala ee hoos yimaada Degmada Boosaaso, si ay ugu kuurgalaan xaaladda deegaanka, ula kulmaan bulshada, una qiimeeyaan baahiyaha jira iyo fursadaha horumarineed.
Guddoomiyaha waxaa safarka ku weheliyey Guddoomiyaha Degmada Boosaaso Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali, Taliye-ku-xigeenka Booliska Puntland Sareeye Guuto Caydiid Axmed Nuur, La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari Siciid Aadan Siciid, xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Boosaaso iyo masuuliyiin kale.
Markii wafdigu gaaray Galgala, waxaa halkaas ku qaabilay Xoghayaha Dowladda Hoose ee Degmada Boosaaso Maxamuud Cabdullaahi Axmed Kawte, saraakiil ciidan, masuuliyiinta deegaanka, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.
Kulamada ay madaxdu la yeesheen bulshada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda deegaanka iyo waxyaabaha mudnaanta u leh dadka ku nool Galgala. Bulshadu waxay wafdiga la wadaagtay baahiyaha la xiriira amniga, waddooyinka, adeegyada aasaasiga ah iyo mashaariicda horumarinta.
Guddoomiyaha Gobolka Bari iyo wafdigiisu waxay sidoo kale indha-indheeyeen xaaladda amni ee deegaanka. Galgala, oo sannado ka hor wajahday duruufo amni oo adag, ayaa maanta kasoo kabanaysa xaaladihii h**e, waxaana deegaanka ka muuqda deganaansho iyo dib-u-soo-nooleynta noloshii bulshada.
Xasilloonida ka jirta deegaanka ayaa abuurtay fursad ay dadka Galgala dib ugu xoojiyaan beeraha, wax-soo-saarka iyo ka faa'iidaysiga khayraadka dabiiciga ah, kuwaas oo deegaanka ka dhigaya meel leh fursado dhaqaale iyo horumar oo muhiim u ah Gobolka Bari.
Intii booqashadu socotay, waxaa la dhagax-dhigay Rugta Booliska Galgala, iyadoo sidoo kale la dardargelinayo qorshayaal kale oo lagu xoojinayo adeegyada bulshada iyo kaabeyaasha deegaanka.
Guddoomiyaha Gobolka Bari, Nabadoon Maxamed Ibraahim Xaaji Faarax, ayaa tilmaamay in nabadda maanta ka jirta Galgala ay muhiim tahay in lagu xoojiyo horumar muuqda iyo adeegyo bulshada gaara. Wuxuu hay'adaha dowladda iyo maamulka heerarka kala duwan ku boorriyey inay mudnaan siiyaan baahiyaha deegaanka.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Degmada Boosaaso Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cali ayaa muujiyey diyaar-garowga Dowladda Hoose ee ku aaddan taageeridda dadaallada bulshada, gaar ahaan qorshaha isku-tashiga ah ee lagu horumarinayo waddada Galgala iyo baahiyaha kale ee deegaanka.
Guddoomiyaha Gobolka Bari ayaa uga mahadceliyey bulshada Galgala kaalinta ay ka qaadanayaan ilaalinta xasilloonida iyo wada-shaqaynta hay'adaha dowladda, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii xoojiyaan wadajirka, isku-tashiga iyo ka qaybgalka horumarinta deegaankooda.
Maamulka Gobolka Bari wuxuu mudnaan siinayaa in xasilloonida laga hirgeliyey Galgala ay horseeddo horumar waara, adeegyo bulsho iyo koboc dhaqaale, si deegaanka looga faa'iidaysto awooddiisa dhinacyada beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah.
Galgala waxay maanta haysataa fursad cusub oo ay kaga gudubto duruufihii h**e, uguna tallaabsato mustaqbal ku dhisan nabad, wax-soo-saar iyo horumar.