PMPF

PMPF We are the State's first line of defense. We accomplish what others cannot accomplish and go where others cannot go. Puntland Maritime Police Force (PMPF)

04/08/2026

Dhismaha Ciidanka PMPF, waa Guul ka Mid ah Guulaha Waaweyn ee Puntland ku Tallaabsatay 28-kii Sano kadib, kuwaas oo tiir dhexaad u difaaca shacabka, sharciga iyo calanka Puntland.

๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ฟ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

01/08/2026

Ciidamada Badda iyo Barriga Puntland ee PMPF Dal-jirayaal Dayr u ah Dawladnimada Puntland. โš“๏ธ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ฑ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด๐Ÿซก.

Hambalyada Ciidamada PMPF ee Sanad-guurada 28-aad ee Aasaaska Dowladda PuntlandBismillaahi-Raxmaani-RaxiimGaroowe; 01, A...
01/08/2026

Hambalyada Ciidamada PMPF ee Sanad-guurada 28-aad ee Aasaaska Dowladda Puntland

Bismillaahi-Raxmaani-Raxiim

Garoowe; 01, August, 2026: Ciidamada Badda iyo Beriga Puntland ee PMPF waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan dhammaan shacabka Puntland ee ku nool gudaha iyo dibaddaba, Ciidamada Qalabka Sida iyo qoysaskooda, madaxda Dowladda Puntland, odayaasha dhaqanka, culimada, haweenka, dhallinyarada iyo guud ahaan shacabka Puntland, munaasabadda 28-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Dowladda Puntland ee 1-da Agoosto 1998 awgeed.

Siddeed iyo labaatan sano kahor, shacabka Puntland waxay doorteen midnimo, nabad iyo dowladnimo, iyagoo dhidibbada u taagay maamul ku dhisan wada-tashi, isku duubni, mabdaโ€™ iyo masโ€™uuliyad. Dowladda maanta la xusayo ma ahayn hadiyad la bixiyey, balse waxay ka dhalatay halgan, dulqaad iyo naf-hurnimo ay horseedeen halyeeyo taariikhda baal dahab ah kaga suntan oo u golongolay, godkana ugalay.

Puntland waxay soo martay waayo adag iyo imtixaano culus, hase yeeshee mar kasta waxay ku adkaysatay midnimo iyo isku duubni. Taasi waa casharka ugu weyn ee taariikhdeennu ina bartay; in dowlad la dhisaa ay ka dhib badan tahay dowlad la ilaaliyo, ilaalinteeduna ay tahay waajib saaran qof kasta.

Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Puntland inay ilaashadaan dowladnimadooda, mideeyaan fekerkooda, adkeeyaanna nabadda iyo wadajirka, maadaama ay yihiin tiirka ugu weyn ee lagu gaari karo horumar waara iyo mustaqbal ifaya.

Ciidamada PMPF waxay mar kale ku celinayaan ballanqaadkooda ah inay mar kasta diyaar u yihiin difaaca Diintooda, Dadkooda iyo Dalkooda, iyagoo u taagan ilaalinta amniga, xasilloonida iyo karaamada Puntland, kana soo dhalaalidoonaan waajibaadkooda si daacadnimo, geesinimo iyo sharaf leh.

Waxaan Alle uga baryeynaa Dowladda Puntland iyo shacabkeedaba sannado badan oo ay ku gaaraan nabad waarta, horumar ballaaran, caddaalad, midnimo iyo barwaaqo.

Ugu dambayn, waxaan si qoto dheer ugu ducaynaynaa halyeeyadii naftooda u huray difaaca Dowladda Puntland tan iyo aasaaskeedii. Alle ha u naxariisto dhammaan shuhadadaas geesiyaasha ah, jannatul Firdowsana haka waraabiyo. Intii dhaawacantay Alle ha caafimaadiyo, qoysaskii iyo ehelladii ay ka tageenna samir iyo iimaan haka siiyo.

Puntland ha jirto. Dadkeeduna ha mideysnaadaan. Ciidamadeeduna ha guuleystaan. Alle ha dhowro Puntland iyo shacabka Soomaaliyeed-ba Aamiin.

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Ciidanka Badda Puntland PMPF.
๐Ÿ“ง[email protected]
๐ŸŒ (https://www.pmpf.so)
๐Ÿ“ Bosaso, Puntland, Somalia

01/08/2026

Ciidamada Badda Puntland ee PMPF iyo dabaaldega 1-da August, Sanad-guurada 28-aad ee Aasaaskii Dowladda Puntland.

31/07/2026

Ciidamada Difaaca Puntland โ€” 28 sano oo Qab, Quwad iyo Qiyam-dhowr ah; awooddoodu waxay u taagan tahay difaaca shacabka, Calanka, Sharciga iyo horumarka Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

๐Ÿ‡บ๐Ÿ‡ฟ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Boosaaso; 23, Luulyo, 2026: Taliye Xigeenka Ciidamada PMPF, G/Sare Maxamuud A-Leewar, ayaa si rasmi ah tababar ugu furay...
23/07/2026

Boosaaso; 23, Luulyo, 2026: Taliye Xigeenka Ciidamada PMPF, G/Sare Maxamuud A-Leewar, ayaa si rasmi ah tababar ugu furay Ururka 3-aad ee Kumaandooska PMPF. Ciidamadan ayaa door muuqda ka qaatay Hawlgalkii Hillaac, oo lagu beegsaday kooxda Khawaariijta Daacish, iyagoo muujiyey geesinimo iyo karti.

Tababarka ayaa diiradda lagu saarayaa kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ciidanka, waxaana lagu baridoonaa xeeladaha casriga ah ee hawlgallada gaarka ah, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, hoggaaminta, isku-duwidda ciidamada, ilaalinta amniga iyo u diyaar-garowga hawlgallada mustaqbalka.

Furitaanka tababarka waxaa kasoo qayb-galay saraakiil sare, saraakiil xigeenno iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan PMPF, kuwaas oo bogaadiyey doorka ciidanka iyo muhiimadda tababarrada joogtada ah ee lagu xoojinayo tayada, kartida iyo diyaar-garowga ciidamada, si loo adkeeyo amniga Puntland.

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Ciidanka Badda Puntland PMPF.
๐Ÿ“ง[email protected]
๐ŸŒ (https://www.pmpf.so)
๐Ÿ“ Bosaso, Puntland, Somalia

30/06/2026

Agaasimaha Guud ee Ciidamada PMPF Gen. Abdulrab Nour oo Garoowe kaga qayb galay munaasabadda Xuska Sannad Guurada 66-aad ee Xorriyada Gobollada Koonfureed iyo Midowgii Ummadda Soomaaliyeed 66-sano kadib 1960.๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Boosaaso-1-jul-2026: HAMBALYO MAALINTA QARAN EE O1-LUULYO, 66โ€“SANO KADIB 1960kii.๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ดCiidamada PMPF waxay shacabka Soomaal...
30/06/2026

Boosaaso-1-jul-2026: HAMBALYO MAALINTA QARAN EE O1-LUULYO, 66โ€“SANO KADIB 1960kii.๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Ciidamada PMPF waxay shacabka Soomaaliyeed iyo ciidamada qalabka sida ugu hambalyeynayaan munaasabadda qiimaha leh ee 1-da Luulyo, sanad-guurada 66-aad ee kasoo wareegtay 1960-kii, Xorriyadda Gobollada Koonfureed iyo Midowgii Ummadda Soomaaliyeed.

Waxaan xoojinaynaa qiimaha ay leeyihiin midnimada, xorriyadda, wadajirka, adkaysiga iyo dadaalka shacabka Soomaaliyeed ee ku aaddan horumarinta dalka.

Soomaaliya ha noolaato.
Guul, Gobanimo, Geesinimo ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Ciidanka Badda Puntland PMPF.
๐Ÿ“ง[email protected]
๐ŸŒ (https://www.pmpf.so)
๐Ÿ“ Bosaso, Puntland, Somalia

Boosaaso; 26 jun 2026 - Ciidamada PMPF waxa ay shacabka Soomaaliyeed meelkastay joogaanba ugu hambalyaynayaan 66-sano gu...
25/06/2026

Boosaaso; 26 jun 2026 - Ciidamada PMPF waxa ay shacabka Soomaaliyeed meelkastay joogaanba ugu hambalyaynayaan 66-sano guurada kasoo wareegatay hanashaddii gobanimada iyo xuriyadda dalkeena Hooyo 26-Jun-1960, markii ugu horaysey oo Calan Soomaaliyeed laga taago dhul Soomaaliyeed.

-DHAMAAD-
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyigelinta
Ciidanka Badda Puntland PMPF.
๐Ÿ“ง[email protected]
๐ŸŒ (https://www.pmpf.so)
๐Ÿ“ Bosaso, Puntland, Somalia

Address

Bosaso
Bosaso

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when PMPF posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share