Aroori- Livestock Centre of Excellence

Aroori- Livestock Centre of Excellence Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Aroori- Livestock Centre of Excellence, Government Organization, Burao, Burao.

Dhakhaatiirta Xarunta Seeraha Aroori ayaa tan iyo furitaankii xilli-deeqsimeedka Seeraha Aroori, daaweyn iyo nafaqayn jo...
14/03/2026

Dhakhaatiirta Xarunta Seeraha Aroori ayaa tan iyo furitaankii xilli-deeqsimeedka Seeraha Aroori, daaweyn iyo nafaqayn joogto ah uwaday xoolaha kala duwan ee soo galay daaqsinka Aroori. Helitaanka bada, biyo iyo dawo waa badbaadada xoolaheena.

05/03/2026

Xarunta Seeraha Aroori ayaa kalkii afraad la furay, si xoolo-dhaqatada Gobolka Togdheer iyo nawaaxigeedu ugu badbaadaan xaaladda abaar'eed ee jirta awgeed - saddex iyo labaatan cisho (23) ayaa xoolaha ka kala yimi deegaanada kala duwani ay daaqayaan maanta; iyagoo ay ka helayaan adeegyada waraabka/biyaha iyo caafimaadka.

Maareeyaha guud ee Xarunta daaqa iyo cilmi-baadhista ee Seeraha Aroori ๐ƒ๐ซ. ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฐ๐š๐ฅ๐ข ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ฎ๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข ayaa telefiishanka SAAB TV uga warbixiyey xaaladda daaqa, tirada xoolaha kujirta, iwm.

Seeraha Aroori iyo dhakhaatiirta daaweynta iyo nafaqaynta Xoolaha.
01/03/2026

Seeraha Aroori iyo dhakhaatiirta daaweynta iyo nafaqaynta Xoolaha.

Daaweynta iyo nafaqaynta Xoolaha kujira daaqsinka Seeraha Aroori.
28/02/2026

Daaweynta iyo nafaqaynta Xoolaha kujira daaqsinka Seeraha Aroori.

27/02/2026

Waa kalkii afraad ee xoolo-dhaqatada Gobolka Togdheer iyo nawaaxigeedu ku badbaadaan Xarunta daaqa ee Seeraha Aroori. Sanadadii ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“ iyo imika oo ah ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” ayaa loo furay xoolo-dhaqatada si wakhtiga adag ee abaarta ugu baxsadaan.

Wasaaradda Xanaannada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga JSL guud ahaan iyo gaar ahaan kooxda maamulka Xarunta Seeraha Aroori, dhiiri-gelin weyn ayay utahay hadalka ka faa'iddaystanahani.

Dhakhaatiirta Xarunta Seeraha Aroori ayaa labadii todobaad ee udambeeyey daaweyn iyo nafaqayn kuwada xoolaha soo galay d...
25/02/2026

Dhakhaatiirta Xarunta Seeraha Aroori ayaa labadii todobaad ee udambeeyey daaweyn iyo nafaqayn kuwada xoolaha soo galay daaqsinka Seeraha Aroori.

Dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaannada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga JSL qaybta Seeraha Aroori ayaa si maalinle ah uwad...
24/02/2026

Dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaannada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga JSL qaybta Seeraha Aroori ayaa si maalinle ah uwada ololaha daweynta iyo nafaqaynta Xoolaha ee soo galay daaqsinka Seeraha Aroori.

19/02/2026

Seeraha Aroori ayaa ku dhawaad laba todobaad ufuran xoolaha kala duwan ee G/Togdheer iyo guud ahaan nawaaxigeedaba.

Dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaannada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga JSL gaara ahaanna kuwa Xarunta Seeraha Aroori ayaa...
18/02/2026

Dhakhaatiirta Wasaaradda Xanaannada Xoolaha & Horumarinta Reer Miyiga JSL gaara ahaanna kuwa Xarunta Seeraha Aroori ayaa si baaxad leh ugu adeegaaya Xoolaha kala duwan ee kujira Seeraha Aroori.

๐ƒ๐ก๐š๐ค๐ก๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐—๐จ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐ž๐ž๐ซ๐š๐ก๐š ๐€๐ซ๐จ๐จ๐ซ๐ข ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ข๐ข ๐ฌ๐ก๐š๐ง๐š๐š๐ (๐Ÿ“) ๐๐š๐š๐ฐ๐š๐ฒ๐ง๐š๐š๐ฒ๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฌ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข ๐๐š๐š๐ช...
15/02/2026

๐ƒ๐ก๐š๐ค๐ก๐š๐š๐ญ๐ข๐ข๐ซ๐ญ๐š ๐๐š๐š๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ญ๐š ๐—๐จ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐’๐ž๐ž๐ซ๐š๐ก๐š ๐€๐ซ๐จ๐จ๐ซ๐ข ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ข๐ข ๐ฌ๐ก๐š๐ง๐š๐š๐ (๐Ÿ“) ๐๐š๐š๐ฐ๐š๐ฒ๐ง๐š๐š๐ฒ๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐ข๐ฌ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข ๐๐š๐š๐ช๐ฌ๐ข๐ง๐ค๐š ๐€๐ซ๐จ๐จ๐ซ๐ข.

11/02/2026

Wasiir kuxigeenka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga, Maareeyaha Xarunta seeraha Aroori, Isuduwaha wasaaradda Xanaanada Xoolaha ee gobolka Togdheer, Badhasaab kuxigeenka iyo Taliyaha qaybta booliska G/Togdheer ayaa maanta oo taariikhdu tahay ๐Ÿ๐Ÿ-๐…๐ž๐›-๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ” si wada-jir ah ufuray kalkii-afraad ee xilli-daaqsimeedka seeraha Aroori.

Madaxdani waxay bulshadda xoolo-dhaqatada ah ee ka faa'idaysanaysa ku wacyi-geliyeen in laga fogaado waxkasta oo dhibaato ukeenaaya baadka/caws iyo amniga seeraha'ba.

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer waxay kaga qayb-gelaysaa furitaanka seeraha xaaladda abaar'eed ee muddooyinkii dambe soo foodsaartay bulshadda xoolo-dhaqatada ah.
Sidoo kale waxa seeraha Aroori ku diyaarisan adeegyada biyaha iyo daaweynta xoolaha.

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane ๐‚๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ ๐’๐ก๐ฎ๐œ๐š๐ฒ๐› ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ iyo Maamulaha Seerah...
15/01/2026

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Reer Miyiga JSL, Mudane ๐‚๐ฎ๐ฆ๐š๐ซ ๐’๐ก๐ฎ๐œ๐š๐ฒ๐› ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ž๐ iyo Maamulaha Seeraha Aroori ๐ƒ๐ซ. ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฐ๐š๐ฅ๐ข ๐Œ๐š๐ฑ๐š๐ฆ๐ฎ๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข ayaa booqday Iskaashatada ๐€๐ ๐ฐ๐ข๐ฅ๐ ๐‚๐จ๐จ๐ฉ๐ž๐ซ๐š๐ญ๐ข๐ฏ๐ž iyo kawaankooda hilibka ee ๐–๐ž๐ฅ๐ฅ ๐‡๐ฎ๐ง๐  ๐๐ฎ๐ญ๐œ๐ก๐ž๐ซ (๐–๐‡๐) ee gobolka Laikipia, Kenya.

Iskaashatadan ayaa alliftay hab casri ah oo dhamaystiran; beertii daaqa, xoolihii, kawaankii hilibka iyo suuqyadii lagu iibinaayey hilibka.

Address

Burao
Burao

Telephone

+252638063313

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Aroori- Livestock Centre of Excellence posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Aroori- Livestock Centre of Excellence:

Shortcuts

Share