12/08/2026
Duqa Degmadda Burco Mustafe Maxamed Muuse (Calas), ayaa ka Qayb-galay Shirka Guddida farsamada ee mashruuca SINAAN.
Kulankan ayaa ka qabsoomay Hotel Ambassador, waxaana Furay Wasiirka Wasaarada Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Magaalooyinka JSL, iyadoona uu ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada JSL, Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Wasaaradda Tamarta iyo macdanta, maayorada Hargeysa, iyo Tog-Wajaale, masuulinta Xafiiska British office, iyo masuulinta ugu sarraysa Hay'adda DT GLOBAL.
Kulankan ayaa lagu qiimaynayey horuumarka laga gaadhay mashruuca SINAAN iyo caqabadaha ka horyimi mudadii uu socdey.