22/08/2025
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa dhagax dhigay Dhismaha cusub ee loo binayn doono Jeelka-weyn ee Magaalada Oodweyne.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro iyo wefgigii ballaadhnaa ee uu hogaaminaayey oo galay maalintii 4-aad ee Safarka shaqo ee ku joogay Gobolka Togdheer ayaa saaka Subaxii h**e tagay magaalada Oodweyne ee gobolka Daad-madheedh.
Madaxweynaha waxa si ballaadhan oo farxad leh halkaa ugu soo dhaweeyay Shacabka reer Oodweyne iyo masuuliyiinta heer gobol iyo heer degmo.
Intii uu ku sugnaa magaalada Oodweyne, Madaxweynuhu waxa uu dhagax-dhigay Mashaariic horumarineed oo muhiim u ah bulshada deegaanka. Mashaariicda uu Madaxweynuhu dhagax dhigay, isaga oo uu wehelinayo Wasiirka Caddaaladda, waxa ka mid ahaa dhismaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Oodweyne.
Xabsigan isaga ah waxa uu noqon doonaa xarun casri ah oo loogu talagalay in uu ka qayb qaato hagaajinta nidaamka cadaaladda, tababarka xirfado kala duwan oo kor loogu qaadayo aqoonta maxaabiista iyo ilaalinta xuquuqda maxaabiista, isla markaana wax weyn ka tari doona baahida gobolka ee dhinaca adeegyada Garsoorka iyo amniga.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in dhismahan cusub uu qayb ka yahay qorshaha Xukuumadda ee ku wajahan kor u qaadista Hayโadaha โadaha Cadaaladda, sugidda nabadgelyada dalka iyo in maxaabiista la baro xirfado ay bulshada dib ugula noqdaan noloshoodana ku debaraan.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Asluubta Gobolka Togdheer Burco