Maamulka Degmada Buur-Hakaba

Maamulka Degmada Buur-Hakaba Page-ka Rasmiga Ah Ee Maamulka Buur-hakaba.

25/08/2026

Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Ibrahim Mohamed Ibrahim Leysaamow Oo weheliya Gadomiyaha Arimaha Bulshada Degmada Siidow Cabdi Maxamed Ayaa Maanta Goob Joog Ka Ahaa Gar Gaar Ay bixineysay Hay'ada Wardi.

Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Ibrahim Mohamed Ibrahim Leysaamow Oo weheliya Gadomiyaha Arimaha Bulshada Degmad...
25/08/2026

Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Ibrahim Mohamed Ibrahim Leysaamow Oo weheliya Gadomiyaha Arimaha Bulshada Degmada Siidow Cabdi Maxamed Ayaa Maanta Goob Joog Ka Ahaa Gar Gaar Ay bixineysay Hay'ada Wardi.,

Hay’adda WARDI ayaa raashin gargaar ah u qaybisay 863 qoys oo danyar ah, kuwaas oo ka kala yimid tuulooyinka Mayfurey, Gedisoy, Barabule iyo Shid Edi.

Qoysaska ayaa ka faa’iideystay gargaarka raashinka, kaas oo loogu talagalay in lagu yareeyo saameynta ay bulshada deegaanka ku yeelatay xaaladda adag ee nololeed.

Gargaarkan ayaa muhiim u ah qoysaska nugul ee u baahan taageero, gaar ahaan xilligan ay bulshada deegaanka wajahayaan baahiyo bani’aadamnimo.

Ugu Dambeyn Gadomiye Leysaamow ayaa umahadceliyey Hay'ada Wardi Taageerida iyo Garab istaaga Joogtada Ay U Hayso Dadka Danyarta Ah Ee Ku nool Buur-hakaba iyo Deegaanada Hoos yimaada.

__DHAMAAD __

BUUR-HAKABA:- isniin 24/8/2026,Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Ibrahim Mohamed Ibrahim Leysaamow Ayaa Maanta Buu...
24/08/2026

BUUR-HAKABA:- isniin 24/8/2026,

Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Ibrahim Mohamed Ibrahim Leysaamow Ayaa Maanta Buur-hakaba ku Daahfurey Gar Gaarka La Gaarsiin Doona 1,100 Qoys Oo Dan yar ah Oo ku nool Tuuloyin Hoos yimaada Buur-hakaba hay’ada Somali Relief and Development Society (SORDES) ayaa maanta Si Rasmi Ah ubilowday qaybinta gargaar loogu talagalay qoysaska nugul ee ay saameeyeen xaalada abaaraha.,

Gargaarkan oo ay maalgelinayso Sanduuqa Gargaarka Bani’aadantinimo ee Soomaaliya (SHF), waxaa guud ahaan ka faa’iideysan doona 1,100 qoys oo danyar ah, iyadoo 500 qoys ay maanta heleen gargaarkooda.

Hawshan ayaa socon doonta muddo afar bilood ah, iyadoo SORDES ay ka shaqaynayso sidii loo taageeri lahaa qoysaska nugul ee ay abaartu saameysay, loona yareyn lahaa saameynta bani’aadantinimo ee ka dhalatay xaaladaha abaarta ee deegaanka.,

Gadomiye Leysaamow Ayaa ugu mahadceliyey Hay'ada SORDES Taageerida iyo Ka jawaabista Xaalada Bani’aadanimada Ee ka jirta Deegaanada.,

__DHAMAAD__

21/08/2026

Buur-hakaba, Gobolka Bay — Maamulka Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Bay ayaa mamnuucay in Gadiidka ay magaalada ku dhex socdaan xilliyada habeenkii,

Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Ibrahim Mohamed Ibrahim Leysaamow Ayaa shacabka degmada Buur-hakaba ugu Baaqey in Ay Muujiyaan Deganaansho.,

iyadoo tallaabadan lagu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo kala dambeynta magaalada.
Maamulka ayaa shacabka iyo wadayaasha gaadiidka ugu baaqay inay u hogaansamaan amarka, isla markaana ay muujiyaan deganaansho iyo wada-shaqeyn.

DHAMAAD.

18/08/2026

Buur-hakaba Waxaa Maanta booqasho taariikhi Ah ku tagay Mr. Carl Skau, kusimaha Madaxa Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP) Oo weheliya Waziirka Wazaarada Gar Gaarka Iyo Maareynta Musiiboyinka KGS Abdinasir Abdi Arush waxaana Garoonka Diyaaradaha kuso Dhoweyey Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Ibrahim Mohamed Ibrahim Leysaamow iyo Maamulkiisa.,

Carl Skau oo Booqasho Taariikhi ah kuso Gaarey Magaalada Buur-hakaba.,BUURHAKABA – Mr. Carl Skau, Kusimaha Agaasimaha Fu...
18/08/2026

Carl Skau oo Booqasho Taariikhi ah kuso Gaarey Magaalada Buur-hakaba.,

BUURHAKABA – Mr. Carl Skau, Kusimaha Agaasimaha Fulinta ee Hay’adda Cuntada Adduunka (WFP), oo xarunteedu tahay magaalada Roma, ayaa booqasho taariikhi ah kuso Gaarey magaalada Buur-Hakaba Ee Gobolka Baay Waxaana Garoonka Diyaaradaha kuso Dhoweyey Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Ibrahim Mohamed Leysaamow iyo Maamulkiisa.,

Booqashadan ayaa muujinaysa muhiimadda ay magaalada Buur-Hakaba u leedahay dadaallada bani’aadannimo iyo gurmadka la xiriira sugnaanta cuntada. WFP ayaa si gaar ah uga shaqeysa taageerada dadka ay saameeyeen xaaladaha adag ee cunto-yarida iyo dhibaatooyinka bani’aadannimo.

Booqashada Mr. Skau waxay sidoo kale fursad u tahay in si dhow loo fahmo xaaladda bulshada deegaanka, baahiyaha jira iyo kaalinta ay hay’adaha samafalku ka qaadan karaan taageerada dadka nugul.

Maamulka Buur-hakaba waxay sii xoojinayaan kaalintooda muhiimka ah ee dadaallada bani’aadannimo iyo horumarinta bulshada.

DHAMAAD.,

16/08/2026

Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Ibrahim Mohamed Ibrahim Leysaamow Ayaa Maanta Buur-hakaba ku Qaabiley Madaxa Warbaahinta UNICEF Mr James.,

Madaxda Warbaahinta ee UNICEF, James, Oo maanta Soo Gaarey Buur-hakaba Ayaa kulan la qaatay Gadoomiyaha Maamulka Degmada...
16/08/2026

Madaxda Warbaahinta ee UNICEF, James, Oo maanta Soo Gaarey Buur-hakaba Ayaa kulan la qaatay Gadoomiyaha Maamulka Degmada Buur-Hakaba, Ibrahim Mohamed Ibrahim Leysaamow.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha adeegyada bulshada, horumarinta deegaanka iyo doorka warbaahinta ee wacyigelinta bulshada, gaar ahaan sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xog-is-dhaafsiga u dhexeeya maamulka degmada iyo hay’adaha ka shaqeeya adeegyada bulshada.

Waxayna sidoo kale booqasho ku tageen xaruunta Maamulka Degmada Buur-hakaba Oo Dhismo Ka Socta Taas Oo ay Maamulka Degmada Oo si Isxil Qaan ah Ku Bilaaben Dhismaheeda.,

UGU DAMBEYN Gadoomiye Leysaamow ayaa uga mahadceliyey UNICEF dadaallada ay ka wado Buur-hakaba isagoo adkeeyey muhiimada ay leedahay in la xoojiyo adeegyada bulshada iyo taageerada dadka deegaanka..,


DHAMAAD.,

10/08/2026

Maamulka Degmada Buur-hakaba waxa Uu Si Adag ubeeniyeyaa Wararka lagu faafiyey baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen degmada Buur-hakaba.

Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba ayaa sheegay in wararkaasi aysan waxba ka jirin, isla markaana bulshada looga baahan yahay in aysan rumaysan wararka aan laga soo xigan ilo rasmi ah Oo Maamulka Buur-hakaba ka tirsan iyo Hay'adaha Amniga.,

Ugu Dambeyn Gadomiye Leysaamow ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka degmada Buur-hakaba inay ka fogaadaan wararka been abuurka ah iyo xogaha marin-habaabinta ah ee lagu faafiyo baraha bulshada, isagoo xusay in maamulka degmada uu bulshada si joogto ah ula wadaagi doono xogaha iyo wararka rasmiga ah.

DHAMAAD.,

Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Ibrahim Mohamed Ibrahim Leysaamow Ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Mudane Cabd...
10/08/2026

Gadomiyaha Maamulka Degmada Buur-hakaba Ibrahim Mohamed Ibrahim Leysaamow Ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac, Gadomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib doorashadiisa xilkaas muhiimka ah.

Waxaan kuu rajaynayaa in Alle uu kuu fududeeyo masuuliyadda culus ee laguu igmaday, isla markaana uu kugu garab galo gudashada waajibaadka dastuuriga ah iyo hoggaaminta Golaha Shacabka.

Waxaan sidoo kale kuu rajaynayaa guul, horumar iyo in muddada aad xilka hayso aad ka shaqayso midnimada, nabadda, dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.
Hambalyo Guddoomiye, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.,

DHAMAAD.,

Address

Buur-Hakaba
Buurhakaba

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maamulka Degmada Buur-Hakaba posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share