25/08/2026
Waxaan dhammaan Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed, ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee dhalashada Nabi Muxammad (NNKH).
Munaasabaddani waa fursad aynu ku xusuusanno noloshii, akhlaaqdii iyo hannaankii wanaagsanaa ee uu inoo horseeday Rasuulkeennii Muxammad (NNKH), kaas oo ku suntanaa naxariis, dulqaad, caddaalad, aqoon iyo wanaag.
Waxaan bulshada Soomaaliyeed ugu baaqayaa in aynu ku dayanno akhlaaqda suubban ee Nabigeenna (NNKH), isla markaana aynu xoojinno qiimaha aqoonta, waxbarashada, walaaltinimada, is-ixtiraamka iyo nabadda.
Waxaan Alle SWT ka baryayaa inuu dalkeenna iyo dadkeenna ku mannaysto nabad, barwaaqo iyo horumar, carruurteenna iyo dhallinyaradeennana ka dhigo kuwo ku barbaara aqoon, akhlaaq iyo waddaniyad.
Mawliid Mubaarak dhammaan Ummadda Muslimiinta, gaar ahaan Ummadda Soomaaliyeed. 🤲🌙