Naadiga Akhristeyaasha ANFAC

Naadiga Akhristeyaasha ANFAC Gaboodka Akhriska , Qoraalka iyo Dhaqanka ANFAC, Ceerigaabo. Activities Implemented in this Year
1.

Established in 2009, ANFAC, a youth club based on the ‘Self-help Scheme’ approach, has been launched by a youth who adopt the revolution of reading and writing. With the purpose of inspiring the youth to pursue the knowledge and the modernization in order that they might deviate from the tribal-oriented mechanisms, the club engages on promoting civic education and democracy through mainstreaming o

f gender equity, providing that the principles and policies must be in conformity with the constitution of Somaliland State. Hence, we express our gratitude and thanks to the young intellectuals who could be attributed for the inauguration and the initiation of this crucial task. Exhibition of ten (10) text books, written in Somali, beneficial to the Somali literate youth;
2. Competition of Somali literature in terms of promoting peace and reducing the conflicts that the first won- four (4) persons gained prizes of money and honor certificates. This has been held for encouraging the youth to protect peace stability, Somali indigenous knowledge and cultural norms and traditions;
3. Training of Ceerigaabo Youth Associations on their traditional games;
4. Conduct of two days’ training for teachers who teach Somali Language with the award of Certificates to the participants. The Regional Governor of Sanaag was invited for the closure of the training.
5. Training on the effective skills of writing procedures for the Youth who are interested in reading and writing skills of the short stories.
6. Campaigns for writing and reading skills were implemented in ten (10) main schools in Ceerigaabo, Maydh, and Yufle.
7. Participation in an anniversary day for commemoration of the Somali Scripts.
8. With the proposal of ANFAC Ceerigaabo, an umbrella of such similar clubs was set up in Burco, the focus point of the convocation.
9. Convocation for competition among football teams from the six districts of Sanaag Region
10. Convocation and hosting of Boorama Readers Club gust, poet such as Maxamed Ibraahin Warsame Hadraawi, Cabdiwaaxid Gama’diid, Yaxye Yeebaash, from Hargeysa, Faarax Biniin Boos from Bosaaso and resourced persons such as Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan, Jaamac Muuse Jaamac invited from all areas by ANFAC in Ceerigaabo.
11. Mobilization campaign for reading and writing, citizenship and protection of public interest and infrastructure in Ceerigaabo town targeted fifteen primary and secondary schools (10,000 students). ANFAC LIBRARY BENEFICIARIES
Situated in the mid of the town and with two thousand (2000) books, the library promote the tendency for reading and writing, where thirty (30) members usually adopt such tendency. We expect this trend of library adoption should promote the capacity building of the youth towards the development and help them to make researches and initiatives conducive to the improvement of their socio-economic status in the future.

Qoraa; Nuura Axmed Faarax ayaa ku wareejisay maamulka Maktabadda Anfac, 50 nuqul(buug) oo ka mid ah Buuggeeda "Cawayska ...
08/07/2026

Qoraa; Nuura Axmed Faarax ayaa ku wareejisay maamulka Maktabadda Anfac, 50 nuqul(buug) oo ka mid ah Buuggeeda "Cawayska Caruurta" buugtaas oo uu u iibiyay uguna deeqay Maktabadda aqoonyahan Fahad Xasan Dankali, oo ka mid ah aqoonyahanka magaalada ceerigaabo haddana jooga waddanka maraykanka.

Maamulka Maktabadda ayaa uga mahad naqay aqoonyahan fahad, buugta uu ugu deeqay maktabadda, waxaana ay tilmaameen in bulshadu, siiba caruurta iyo waalidka uu buuggani Anfaci doono uuna u noqon doono tilmaame wanaagsan.

Ugu dambayn, waxay maktabaddu ku wargelinay akhristayaasha iyo bulshada magaalada ceerigaabo ba, in buugga ay ka heli doonaan Maktabadda.

Bandhigga Buugga "Cawayska Caruurta" ayaa ka qabsoonay Magaalada ceerigaabo, kaas oo qoraagu soo bandhigay kagana warbix...
08/07/2026

Bandhigga Buugga "Cawayska Caruurta" ayaa ka qabsoonay Magaalada ceerigaabo, kaas oo qoraagu soo bandhigay kagana warbixiyay Muhiimadda buugga, iyo fariimaha uu xambaarsan yahay, sida: barbaarinta wanaagsan ee caruurta,kobconta akhlaaqdooda,iyo doorka qoyska ee dhismaha jiilka.

Buuggan ayaa noqonaya kii ugu h**eeyay ee caruurta laga qoro dhowaanahan dalkana lagu soo bandhigo, ugu dambaynna madasha ayaa kusoo dhammaatay si qurux badan iyadoo kasoo qaybgalayaashuna nuqulo buuggii ka mid ah ay halkaas ku iibsadeen.

Bandhigga waxaa soo qaban-qaabiyay Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Anfac.

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Anfac waxa uu si sharaf leh kuugu martiqaadayaa inaad kasoo qayb gasho bandhigga buugga...
06/07/2026

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka ee Anfac waxa uu si sharaf leh kuugu martiqaadayaa inaad kasoo qayb gasho bandhigga buugga “Cawayska Caruurta”, kaas oo ay soo bandhigayso Qoraa: Nuura Axmed Faarax.

Bandhigga buugga Cawayska Caruurtu waxa uu ka hadlaya barbaarinta wanaagsan ee carruurta, kobcinta akhlaaqdooda, iyo doorka qoyska ee dhismaha jiilka mustaqbalka. Kaalay oo ka qayb noqo madal aqooneed oo lagu falanqaynayo fikradaha qiimaha leh ee buuggan.

Goobta: Istaanbul hool.
Goorta: 06/07/2026
6:30pm, habeenka Isniintu sii badayso.

Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Anfac, waxa uu ka mid ahaa qaban qaabiyayaasha Bandhigga Buugga "Maaraynta Dhaqaalaha" oo ...
28/06/2026

Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Anfac, waxa uu ka mid ahaa qaban qaabiyayaasha Bandhigga Buugga "Maaraynta Dhaqaalaha" oo uu qoray :Dr Xamse Xabiib Xuseen, kaas oo ka hadlaaya sida, loo maareeyo dhaqaalaha.

Munaasibaddan ayaa kulmisay Mudan iyo Marwoba, Aqoon-yahan, Culimo,Mas'uuliyiin,Ganacsato, iyo labeentii Magaalada ceerigaabo.

Ugu dambayn, munaasibadda ayaa kusoo dhammaatay, jawi qurux badan, iyadoona ay iibsadeen kasoo qaybgalayaashu Buugtii uu Qoraagu kusoo bandhigay goobta.

Naadiga Akhriska iyo Qoraalku mar walba wuxuu u taagan yahay Kobcinta Akhriska, iyo ka shaqaynta kor u qaadista Qoraalka iyadoo qorayaashana uu kala shaqeeyo sidii uu qoraalkoodu u gaadhi lahaa Bulshada.

Naadigu wuxuu u mahadnaqayaa, Maayir ku xigeenka Degmada Ceerigaabo Cabdiraxmaan Maxamuud oo ugu deeqay Buug Maktabadda Anfac ee uu Naadiga Akhrisku gacanta ku hayo, iyo Xildhibaan Yaasiin Xasan Dhaayane, oo 10 Buug isaguna ugu deeqay Maktabadda.

F.G. Ciddii u baahan in ay akhrisato Buuggan, waxa ay ka helaysaa Maktabadda Anfac.

📢 𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 𝐌𝐔𝐇𝐈𝐈𝐌 𝐀𝐇𝐀𝐧𝐟𝐚𝐜 𝐏𝐮𝐛𝐥𝐢𝐜 𝐋𝐢𝐛𝐫𝐚𝐫𝐲 waxay idinku martiqaadaysaa muxaadaro muhiim ah oo ciwaankeedu yahay;“𝐅𝐮𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮...
18/06/2026

📢 𝐎𝐆𝐄𝐘𝐒𝐈𝐈𝐒 𝐌𝐔𝐇𝐈𝐈𝐌 𝐀𝐇

𝐀𝐧𝐟𝐚𝐜 𝐏𝐮𝐛𝐥𝐢𝐜 𝐋𝐢𝐛𝐫𝐚𝐫𝐲 waxay idinku martiqaadaysaa muxaadaro muhiim ah oo ciwaankeedu yahay;

“𝐅𝐮𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐦𝐭𝐢𝐱𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐡𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚: 𝐒𝐢𝐝𝐞𝐞 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐅𝐨𝐫𝐦 𝟒 𝐈𝐬𝐮𝐠𝐮 𝐃𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧 𝐊𝐚𝐫𝐚𝐚𝐧 𝐆𝐮𝐮𝐥 𝐤𝐚 𝐆𝐚𝐚𝐝𝐡𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐈𝐦𝐭𝐢𝐱𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐡𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐚𝐡?”

Muxaadaraddu waxay ardayda siin doontaa talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐦𝐭𝐢𝐱𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐦𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐰𝐚𝐤𝐡𝐭𝐢𝐠𝐚, 𝐢𝐲𝐨 𝐟𝐚𝐫𝐬𝐚𝐦𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐠𝐚𝐚𝐝𝐡𝐨 𝐧𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧 𝐬𝐚𝐫𝐞.
𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐅𝐨𝐫𝐦 𝟒 𝐬𝐢 𝐠𝐚𝐚𝐫 𝐚𝐡 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐦𝐚𝐫𝐭𝐢𝐪𝐚𝐚𝐝𝐚𝐲𝐚𝐚.

𝐈𝐦𝐭𝐢𝐱𝐚𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐚𝐡𝐚𝐚𝐝𝐢𝐠𝐮 𝐰𝐚𝐚 𝐟𝐮𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐦𝐮𝐬𝐭𝐚𝐪𝐛𝐚𝐥𝐤𝐚𝐚𝐠𝐚 — 𝐤𝐚𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐨𝐨 𝐛𝐚𝐫𝐨 𝐬𝐢𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐬𝐡𝐚 imtixaankaaga.

𝐒𝐨𝐨 𝐉𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐞: 𝐘𝐮𝐬𝐮𝐟 𝐀𝐡𝐦𝐞𝐝 𝐘𝐮𝐬𝐮𝐟
𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐂𝐒𝐈 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐂𝐞𝐞𝐫𝐢𝐠𝐚𝐚𝐛𝐨

📅 𝟏𝟗 𝐉𝐮𝐧𝐞 𝟐𝟎𝟐𝟔
🕕 𝟔:𝟎𝟎 𝐏𝐌
📍 𝐀𝐧𝐟𝐚𝐜 𝐏𝐮𝐛𝐥𝐢𝐜 𝐋𝐢𝐛𝐫𝐚𝐫𝐲

04/06/2026

Agaasimaha Naadiga Anfac M.ne Abdirashid Ahmed Yousef ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in Maktabadda Dadweynaha ee naadigu gacanta ku hayo aanay xidhmin, islamarkaana jidwalkeedii shaqo sidii h**e yahay. Cabdiraxmaan Cirro Hersi Ali H Hassan

"𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 d𝗮𝗱𝗸𝘂 u g𝗼’𝗮𝗮𝗺𝗶𝘆𝗮𝗮𝗻 n𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗲𝗲𝗻a i𝗻𝗻𝗮𝗴𝗮 o𝗼 a𝗮𝗻 d𝗮𝗿𝗲𝗲𝗺𝗶n."𝗖𝗮𝘀𝗵𝗮𝗿 𝗸𝘂 𝘀𝗮𝗮𝗯𝘀𝗮𝗻 𝗖𝗮𝗱𝗮𝗮𝗱𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗝𝗶𝗶𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗕𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮, ayaa ka ...
06/03/2026

"𝗦𝗶𝗱𝗲𝗲 d𝗮𝗱𝗸𝘂 u g𝗼’𝗮𝗮𝗺𝗶𝘆𝗮𝗮𝗻 n𝗼𝗹𝗼𝘀𝗵𝗲𝗲𝗻a i𝗻𝗻𝗮𝗴𝗮 o𝗼 a𝗮𝗻 d𝗮𝗿𝗲𝗲𝗺𝗶n."
𝗖𝗮𝘀𝗵𝗮𝗿 𝗸𝘂 𝘀𝗮𝗮𝗯𝘀𝗮𝗻 𝗖𝗮𝗱𝗮𝗮𝗱𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗝𝗶𝗶𝗹𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗕𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮, ayaa ka qabsoomay Maktabadda Anfac, kaas oo uu soo jeedinayay Usaame Faarax.

Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo Bismillaah, Soonqaad Wanaagsan. Maanta oo kale, 21-ka February, waa Maalinta Caalami...
20/02/2026

Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo

Bismillaah, Soonqaad Wanaagsan.

Maanta oo kale, 21-ka February, waa Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo la xuso, si la isu xasuusiyo isla markaana loo xoojiyo horumarinta iyo qiimaynta afafka hooyo ee dunida.

Afka hooyo waa aqoonsi, dhaqan, jiritaan ummadeed iyo tiirka ay ku dhisan yihiin taariikhda, suugaanta, hiddaha iyo dhaqanka bulshadu. Haddii afka la dayaco, waxa halis galaya dhaqankii iyo jiilashii mustaqbalka.

Af-Soomaaliga iyo Mas’uuliyaddeenna

Af-Soomaaligu waa Af hodan ku ah maahmaahyo, murti qoto dheer, gabayo, suugaan fac weyn, taariikh iyo dhaqan soo jireen ah, waana halka laga helo asalka iyo taariikhda umadnimo ee fog.

Waxa waajib inagu ah:
B. In aan ku hadalno oo ku faano Afka hooyo.
T. In aan carruurta barno akhriska iyo qorista afkooda hooyo.
J. In aan kobcino buugaagta, cilmi-baadhista iyo warbaahinta ku baxda Af-Soomaaliga
X. In aan ilaalinno saxnaanta higgaadda iyo naxwaha,
Kh. Iyo ugu danbayntii in aan taageerno goobaha lagu barto ama lagu horumariyo Afka oo ay ka mid yihiin naadiyada akhristeyaasha iyo rugaha laga helo kutubta Afka hooy.

Baaq

Aan ka wada shaqayno kor u qaadidda iyo adeegsiga afka hooyo ee dugsiyada iyo jaamacadaha, sidoo kale qabashada tartammo suugaan, akhris iyo qoraal, dhanka kale aan gacansiino hal-abuurka iyo qorayaasha Afka hooyo.

Hambalyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo bulshooyinka kale ee dunida ku nool ee qiimeeya afkooda hooyo.

Ramadaan Wanaagsan, Alle ha innaga yeelo kuwii ka faa’idaysta barwaaqada bishan.

Waxaa ka qabsoomay Maktabadda Anfac, mawduuc wacyigelin ah oo ku saabsan Xanuunka Macaanka oo uu soo jeediyey Dr. Mustaf...
14/01/2026

Waxaa ka qabsoomay Maktabadda Anfac, mawduuc wacyigelin ah oo ku saabsan Xanuunka Macaanka oo uu soo jeediyey Dr. Mustafe Aw-Muuse Axmed, Kulankaas oo ujeedadiisu ahayd in kor loo qaado wacyiga aqooneed ee bulshaddu u leedahay Xanuunka Macaanka.

Mawduuc lagaga hadlaayo "wacyigelin ku saabsan xanuunka Macaanka" ayaa ka qabsoomaya habeen dambe Maktabadda Anfac.Waxaa...
11/01/2026

Mawduuc lagaga hadlaayo "wacyigelin ku saabsan xanuunka Macaanka" ayaa ka qabsoomaya habeen dambe Maktabadda Anfac.

Waxaa soo jeedinaya Dr Mustafe aw Muuse Axmed.

Kasoo qayb gal wanaagsan.

Address

Jidka Xeela, Degmada Kulmiye, Caasimadda Gobolka Sanaag
Ceerigaabo
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Naadiga Akhristeyaasha ANFAC posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Naadiga Akhristeyaasha ANFAC:

Shortcuts

Share

Category