Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib -U- heshiisinta Galmudug

Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib -U- heshiisinta  Galmudug Wasaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib -U- heshiisinta Dowlad Goboleedka Galmudug

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Galmudug, Mudane Mohamed Alino...
19/08/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Galmudug, Mudane Mohamed Alinor (Dr. Shaakir), ayaa magaalada Muqdisho kaga qeyb galay aqoon-is-weydaarsi lagu soo bandhigayay waxyaabihii laga bartay hirgelinta Hannaanka Adeeg-bixinta Dowladaha Hoose (SDM) intii lagu jiray 2025.

Aqoon-is-weydaarsiga ayaa lagu falanqeeyay hannaanka adeeg-bixinta ee heerarka kala duwan ee Dowladda, gaar ahaan Dowladaha Hoose ee dalka, iyadoo diiradda lagu saaray waxyaabihii qabsoomay, caqabadihii lala kulmay iyo fursadaha jira ee lagu horumarin karo adeeg-bixinta bulshada.

Agaasime Shaakir oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Hannaanka Adeeg-bixinta Dowladaha Hoose uu muhiim u yahay horumarinta adeegyada bulshada iyo xoojinta awoodda Dowladaha Hoose, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga hay’adaha Dowladda si loo helo adeegyo hufan oo ka jawaaba baahiyaha bulshada.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), o...
18/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), oo uu weheliyo Guddoomiyaha Degmada Caabudwaaq, Muxiyadiin Aadan Wali, ayaa maanta kormeer ku tagay mashaariic kala duwan oo Dowladda Galmudug ay ka hirgelisay degmada Caabudwaaq iyo kuwo dhismahoodu uu weli socdo.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa u kuurgalay xaaladda iyo heerka ay marayaan mashaariicda muhiimka ah ee adeegyada bulshada, iyagoo kormeeray Saldhigga Booliiska, Maxjarka Xoolaha, Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka, iyo Xarunta Degmada Caabudwaaq oo uu dhismaheedu socdo.

Intii uu socday kormeerku, Wasiirku wuxuu warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiinta iyo howl-wadeennada goobaha uu booqday, isagoo qiimeeyay adeegyada ay bulshada u hayaan iyo baahiyaha jira ee u baahan in wax laga qabto.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Galmudug ayaa magaalada Afbarwaaqo ku qabatay kul...
26/07/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Galmudug ayaa magaalada Afbarwaaqo ku qabatay kulan wacyigelin ah oo lagu xoojinayo nabadda, wadajirka bulshada iyo ka hortagga colaadaha.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee Wasaaraddu ugu jirto adkeynta nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta wada noolaanshaha bulshada, iyadoo bulshada lagu dhiirrigeliyey inay door muuqda ka qaataan ilaalinta nabadda, xasilloonida iyo is-dhexgalka bulshada.

Kulankan wacyigelinta ah waxaa ka soo qayb galay Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Mudug, saraakiil ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Galmudug, maamulka Degmada Afbarwaaqo, Guddiga Nabadda iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD

Abdinasir Moalim Ahmed
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug

📧 Email: [email protected]
𝕏 Twitter:
🌐 Website: https://moifar.gm.so

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Galmudug waxay bulshada la wadaagaysaa liiska sax...
12/07/2026

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Galmudug waxay bulshada la wadaagaysaa liiska saxda ah ee hab-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada Dowladda Galmudug.

Abdinasir Moalim Ahmed
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug

📧 Email: [email protected]
𝕏 Twitter:
🌐 Website: https://moifar.gm.so

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Galmudug, Mudane Mohamed Alino...
23/06/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Dowladda Galmudug, Mudane Mohamed Alinor (Dr. Shakir), ayaa magaalada Muqdisho kaga qayb galay munaasabadda furitaanka kulanka asaasidda iyo hirgelinta Shabakadda Qaran ee Bahda Nabad-dhiska iyo Nabadoonnada Dalka.

Agaasimaha ayaa kulanka ka jeediyay hadal uu ku muujiyay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo nabad-dhiska, xasilloonida iyo dib-u-heshiisiinta dalka, isaga oo xusay doorka muhiimka ah ee bulshada iyo nabadoonnadu ku leeyihiin xoojinta nabadda iyo wadajirka bulshada.

DHAMMAAD

Abdinasir Moalim Ahmed
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug

📧 Email: [email protected]
𝕏 Twitter:
🌐 Website: https://moifar.gm.so

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalk...
21/06/2026

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, oo uu wehliyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Galmudug, Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Mashruuca Bulsho, kaas oo door muhiim ah ka qaadan doona xoojinta adeegyada aasaasiga ah iyo kor u qaadidda awoodda dowladaha hoose ee deegaannada Galmudug.

Mashruucan ayaa la filayaa inuu dardargeliyo horumarinta maamulka, kobcinta adeegyada bulshada, taageeridda dadaallada lagu xoojinayo dowlad-dhiska heer deegaan, adkeysiga bulshada iyo dib-u-heshiisiinta, si shacabka Galmudug ay u helaan adeegyo hufan, tayo leh, isla markaana waxtar u leh noloshooda.

Munaasabadda daah-furka mashruuca oo ka dhacday Madaxtooyada Dowladda Galmudug ayaa waxaa ka qayb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, wasiirro ka tirsan Dowladda Galmudug, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, maamulka Gobolka Galguduud, madaxda degmooyinka Galmudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Galmudug.

Mashruuca Bulsho ayaa la filayaa inuu door muuqda ka qaato horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta dowladaha hoose iyo kor u qaadidda wada-shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha dowladda iyo bulshada. Sidoo kale, wuxuu gacan ka geysan doonaa dhismaha maamul hufan, kor u qaadidda ka-qaybgalka bulshada iyo xoojinta dadaallada nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarka waara ee deegaannada Galmudug.

DHAMMAAD

Abdinasir Moalim Ahmed
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug

📧 Email: [email protected]
𝕏 Twitter:
🌐 Website: https://moifar.gm.so

21/06/2026

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Oo Si Rasmi Ah Caasimadda Galmudug Uga Daah-furay Mashruuca Bulsho.

DHAMMAAD

Abdinasir Moalim Ahmed
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug

📧 Email: [email protected]
𝕏 Twitter:
🌐 Website: https://moifar.gm.so

21/06/2026

Hadal Jeedinta Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Galmudug, Mudane Mohamed Alinor Ee Shirka Madasha Isku-dubbaridka Xasilinta ee Wasaaradaha Dowladda Galmudug.

DHAMMAAD

Abdinasir Moalim Ahmed
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug

📧 Email: [email protected]
𝕏 Twitter:
🌐 Website: https://moifar.gm.so

21/06/2026

Hadal Jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Galmudug, Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), Ee Shirka Madasha Isku-dubbaridka Xasilinta ee Wasaaradaha Dowladda Galmudug.

DHAMMAAD

Abdinasir Moalim Ahmed
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug

📧 Email: [email protected]
𝕏 Twitter:
🌐 Website: https://moifar.gm.so

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Galmudug, Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (C...
21/06/2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Galmudug, Mudane Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel), ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka furay Shirka Madasha Isku-dubbaridka Xasilinta ee Wasaaradaha Dowladda Galmudug.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, isku-dubbaridka qorshayaasha xasilinta, iyo kor u qaadista dadaallada lagu taageerayo nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarinta bulshada.

Furitaanka shirka waxaa ka qayb galay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Galmudug, Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha ka shaqeeya arrimaha xasilinta ee Dowladda Galmudug, masuuliyiin ka socotay Dowladda Hirshabeelle, hay’adaha taageera barnaamijyada xasilinta, iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiintii ka hadlay madasha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-xirka hay’adaha dowladda, is-weydaarsiga khibradaha iyo xoojinta iskaashiga dowlad-goboleedyada si loo dardargeliyo dadaallada xasilinta, loona xaqiijiyo nabad, amni iyo horumar waara oo ka hanaqaada deegaannada Galmudug.

DHAMMAAD

Abdinasir Moalim Ahmed
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Galmudug

📧 Email: [email protected]
𝕏 Twitter:
🌐 Website: https://moifar.gm.so

Address

Dhuusamareeb
Dhuusamareeb
0000

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib -U- heshiisinta Galmudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib -U- heshiisinta Galmudug:

Shortcuts

Share