Wasaarada Deegaanka,Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug

Wasaarada Deegaanka,Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wasaarada Deegaanka,Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug, Government Organization, Dhuusamareeb, Dhuusamareeb.

18/08/2026
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Galmudug oo u Mahadceliyay Maamullada iyo Laamaha Ammaanka Xeero-D...
15/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Galmudug oo u Mahadceliyay Maamullada iyo Laamaha Ammaanka Xeero-Dhagaxley, Ceel-Dibir iyo Hobyo.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Galmudug Senator Said Siad Shirwac ayaa u mahadceliyay maamullada iyo laamaha ammaanka Xeero-Dhagaxley, Ceel-Dibir iyo Degmada Hobyo, kuwaas oo muddooyinkii dambe dadaal xooggan ugu jiray la dagaallanka dadka sida sharci-darrada ah u jaraya dhirta iyo kuwa dhuxusha ka sh*ta.

Wasiirka ayaa ku ammaanay hay’adaha ammaanka sida ay uga go’an tahay ilaalinta khayraadka dabiiciga ah iyo ka hortagga xaalufinta deegaanka isagoo xusay in tallaabooyinka noocan ah ay muhiim u yihiin dhowrista deegaanka iyo la dagaallanka saameynta isbeddelka cimilada.

Senator Said Siad Shirwac ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada inay garab istaagaan dadaallada lagu ilaalinayo dhirta iyo deegaanka, isla markaana ay ka fogaadaan falalka sababi kara xaalufka iyo burburka khayraadka dabiiciga ah ee Galmudug.

Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Galmudug ayaa adkaynaysa inay sii wadi doonto dadaallada lagu ilaalinayo deegaanka, iyadoo la xoojinayo wada shaqeynta hay’adaha ammaanka, maamulka deegaanka iyo bulshada, si loo yareeyo xaalufinta dhirta loona xaqiijiyo deegaan caafimaad qaba oo waara.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimillada mudane Dahir Osman Nor ayaa  ka qeyb galay shir ay isugu...
02/08/2026

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka cimillada mudane Dahir Osman Nor ayaa ka qeyb galay shir ay isugu yimaadeen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Guddoomiyeyaasha Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Dowladda Galmudug.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta adeegyada bulshada, kor u qaadidda hufnaanta shaqada dowladda, iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha si loo hubiyo adeeg-bixin tayo leh oo waxtar u leh shacabka.

Sidoo kale, Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyeyaasha Hay’adaha Madaxa-bannaan ayaa isla qaatay in Agaasimayaasha, xirfadlayaasha, iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda ay hubiyaan habsami usocodka Jadwalka shaqada
— Dhammaad —

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Isbeddelka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Dowlad Goboleedka Galmudug A...
12/07/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka, Isbeddelka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Dowlad Goboleedka Galmudug Ayaa booqasho ku tagay Jaamacadda Salaam, isla markaana si weyn loogu soo dhoweeyay.

Agaasimaha Dahir ayaa Jaamacadda Salaam kusoo dhoweeyay maamulka Jaamacadda oo uu hoggaaminayay Ku-simaha Guddoomiyaha Jaamacadda, Mudane Ahmed Mohamed Farah Gallad, Intii ay booqashadu socotay, Agaasimaha Guud ayaa lagu soo wareejiyay qeybaha kala duwan ee Jaamacadda si uu ugu kuurgalo horumarka ay ka gaartay dhinacyada waxbarashada, cilmi-baarista iyo adeegyada bulshada. Sidoo kale, waxaa la isla qaatay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda iyo Jaamacadda, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta deegaanka, la qabsiga isbeddelka cimilada, horumarinta reer miyiga iyo kobcinta cilmi-baarista.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Galmudug Mudane Dahir Osman Nor ayaa ka qeyb galay 𝗪𝗮𝗱𝗮𝗵...
06/07/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimillada Galmudug Mudane Dahir Osman Nor ayaa ka qeyb galay 𝗪𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮𝗱𝗮𝗹𝗸𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻 𝗲𝗲 𝗕𝗮𝗮𝗾𝗮 𝗞𝗮𝗺𝗽𝗮𝗹𝗮 𝗲𝗲 𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮, 𝗗𝗲𝗲𝗴𝗮𝗮𝗻𝗸𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗜𝘀𝗯𝗲𝗱𝗱𝗲𝗹𝗸𝗮 𝗖𝗶𝗺𝗶𝗹𝗮𝗱𝗮 (KDMECC) ee Soomaaliya, kaas oo 5 iyo 6 da bishaan ka soconaya magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Isbeddelka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug Mudane, sen Saciid Siyaad Shirwa...
30/06/2026

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Isbeddelka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug Mudane, sen Saciid Siyaad Shirwac wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda Sanad-guurada 66-aad ee ka soo wareegtay aas-aaskii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed iyo Midowgii 1-da Luulyo 1960.

Munaasabaddan qaran waxay xambaarsan tahay xusuusta halgankii iyo naf-hurnimadii ay halyeeyadii Soomaaliyeed u soo galeen xorriyadda, midnimada iyo dhismaha dowlad Soomaaliyeed oo madax-bannaan. Waa habeen dib inoogu celinaya qiimaha wadajirka, qarannimada iyo rajada ay ku dhisan tahay mustaqbalka dalkeenna.

Iyadoo la maamuusayo 66-guurada Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, Wasiirku wuxuu muujiyay rajo weyn iyo kalsooni ah in Soomaaliya ay sii horumarin doonto nabadda, xoojinta dowladnimada, koboca waara iyo daryeelka deegaanka. Wuxuu tilmaamay in himiladu tahay in la dhiso dal cagaaran oo leh adkaysi ka dhan ah saameynta isbeddelka cimilada, isla markaana jiilasha soo koraya looga tago dhaxal qiimo leh oo ay ku faani karaan.

DHAMMAAD.
Xafiiska Warfaafinta iyo Wacyi-galinta Bulshada ee Wasaaradda Deegaanka, Isbedelka Cimillada iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta waxaa lagu qabtay Shirka Dhalinyarada Galmudug ee Hoggaaminta Deegaanka iyo Wax-ka-qa...
27/06/2026

Magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta waxaa lagu qabtay Shirka Dhalinyarada Galmudug ee Hoggaaminta Deegaanka iyo Wax-ka-qabashada Isbeddelka Cimilada, kaas oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Galmudug iyo Mashruuca Barwaaqo.

Shirka waxaa ka soo qayb galay dhalinyaro ka kala timid degmooyinka Galmudug oo hoggaaminaya ururrada deegaanka. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta doorka dhalinyarada ee ilaalinta deegaanka, la qabsiga isbeddelka cimilada iyo dhismaha bulsho adkaysi u leh caqabadaha deegaanka.

Wasiirudowlaha Wasaaradda Deegaanka, Isbeddelka Cimiladda iyo Hormarinta Reermiyiga Galmudug, Mudane Mustaf Abdi Hashi (...
27/05/2026

Wasiirudowlaha Wasaaradda Deegaanka, Isbeddelka Cimiladda iyo Hormarinta Reermiyiga Galmudug, Mudane Mustaf Abdi Hashi (Qodhob), ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada reer Galmudug, munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxa.

Mudane Mustaf Abdi Hashi (Qodhob) ayaa shacabka u rajeeyay Ciid farxad leh, caafimaad, nabad, iyo barwaaqo, isaga oo ku boorriyey bulshada inay xoojiyaan midnimada, isjacaylka, iyo garab istaagga dadka tabaaleysan inta lagu guda jiro maalmaha ciidda.

“Ciid Mubaarak dhammaan ummadda Soomaaliyeed.”

16/04/2026

Wasaaradda Deegaanka, Isbedelka Cimillada iyo Horumarinta Reer Miyiga, Waxa ay bogaadineysaa Maamulka Xeera Dhagaxley oo joojiyay jarista dhirta isla markaana mamnuucay ka ganacsiga Dhuxusha iyo Qoryaha laga jaro dhirta.

Wasaaradda ayaa soo dhoweysay in maamullada Degmooyinka iyo deegaannada Galmudug ay dhaqan galiyaan Sharciga Lambar 1, oo damaanad qaadaya ilaalinta Dhirta iyo Duurjoogta Deegannada Galmudug.

Address

Dhuusamareeb
Dhuusamareeb
252

Telephone

+252615444561

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaarada Deegaanka,Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaarada Deegaanka,Isbadalka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Galmudug:

Shortcuts

Share