Wasaarada Dastuurka iyo Arimaha Sharciga ee Dowlad Goboleedka Galmudug

Wasaarada Dastuurka iyo Arimaha Sharciga ee Dowlad Goboleedka Galmudug Page ka rasmiga ah ee Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Sharciga Dowladda- Galmugud / Soomaaliya

Dhuusamareeb, Thursday 21 May 2026Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Sharciga Dowladda Galmudug, Mudan...
21/05/2026

Dhuusamareeb, Thursday 21 May 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Sharciga Dowladda Galmudug, Mudane, Ilyas abdikarin isse, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar ku saabsanaa Maaraynta Kiisaska Tacaddiyada Ku Saleysan Jinsiga (GBV Case Management Training), kaas oo muddo afar maalmood ah u socday qareennada haweenka ah.

Tababarkan ayaa lagu xoojiyay aqoonta sharciyeed, fahamka xuquuqaha dastuuriga ah, ilaalinta dhibbanayaasha, iyo maaraynta kiisaska GBV-ga, si kor loogu qaado adeegyada sharci iyo difaaca xuquuqda haweenka iyo gabdhaha.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Wasaaradda ay ka go’an tahay horumarinta wacyiga sharciyeed, ilaalinta xuquuqul insaanka, iyo taageeridda barnaamijyada lagu xoojinayo caddaaladda iyo ilaalinta bulshada, gaar ahaan haweenka iyo kooxaha nugul.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa ku booriyay qareennada haweenka ah inay aqoonta ay barteen si dhab ah ugu adeegaan bulshada, una xoojiyaan ilaalinta xuquuqda dadka nugul iyo isla xisaabtanka sharciga.

Dhamaad.

Dhuusamareeb, Monday 18 May 2026 Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Sharciga Dowladda Galmudug Mudane ...
18/05/2026

Dhuusamareeb, Monday 18 May 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Sharciga Dowladda Galmudug Mudane Ilyaas A Isse ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar ku saabsan Maaraynta Kiisaska Tacaddiyada Ku Saleysan Jinsiga (GBV Case Management Training), kaas oo loo qabanayo qareennada haweenka ah, isla markaana socon doona muddo afar maalmood ah.

Tababarkan ayaa diiradda saaraya xoojinta aqoonta sharciyeed, fahamka xuquuqaha dastuuriga ah, habraacyada la xiriira ilaalinta dhibbanayaasha, maamulka iyo maaraynta kiisaska GBV-ga, iyo kor u qaadidda awoodda qareennada haweenka ee ku aaddan adeegyada taageerada sharci iyo u doodista xuquuqda haweenka iyo gabdhaha.

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Sharciga Dowladda Galmudug ay ka go’an tahay horumarinta wacyiga sharciyeed, xoojinta dhowrista xuquuqul insaanka, sare u qaadidda fahamka dastuurka, iyo taageeridda barnaamijyada lagu horumarinayo ilaalinta xuquuqaha aas-aasiga ah ee bulshada, gaar ahaan haweenka iyo kooxaha nugul.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la dhiso aqoon sharciyeed iyo hannaan xirfadeed oo waafaqsan mabaadi’da dastuuriga ah, heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha, iyo siyaasadaha ilaalinta bulshada, si loo yareeyo tacaddiyada ku saleysan jinsiga loona xoojiyo isla xisaabtanka iyo ilaalinta sharciga.

Agaasimaha Guud ayaa u rajeeyay Qareenada haweenka ah ee ka qeybgalaya tababarkan, guul iyo aqoon kororsi miro-dhal ah, isagoo xusay in doorkooda xirfadeed uu muhiim u yahay horumarinta wacyiga sharciyeed, ilaalinta xuquuqda dadka nugul, iyo xoojinta adeegyada sharci ee bulshada.

Dhamaad....

Hambalyo 15-ka May — Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed15-ka May waa maalin xusuus iyo sharaf gaar ah u leh dhallinyara...
15/05/2026

Hambalyo 15-ka May — Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed

15-ka May waa maalin xusuus iyo sharaf gaar ah u leh dhallinyarada Soomaaliyeed, maalin lagu maamuuso halgankii iyo doorkii geesinimada lahaa ee ay dhalinyaradu ku lahaayeen xorriyadda, midnimada, iyo horumarka dalka.

Dhallinyaradu waa laf-dhabarta bulshada, waa maskaxda curisa isbeddelka, hormarka, iyo rajada berri. Maanta waxaynu xasuusaneynaa dadaalkii SYL iyo dhammaan dhalinyaradii naftooda u huray jiritaanka Soomaaliya.

Hambalyo dhammaan dhallinyarada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Sharciga ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Mohamed Abdirahman Hassan.waxa ...
12/04/2026

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Sharciga ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Mohamed Abdirahman Hassan.
waxa uu hambalyo diirran u dirayaa dhammaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed munaasabadda xuska Maalintooda qaran.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa laf-dhabarta difaaca qaranka, waxayna astaan u yihiin geesinimo, waddaniyad, iyo dadaal joogto ah oo lagu xaqiijinayo nabad, amni, iyo kala dambeyn ku dhisan dastuur iyo sharci.

Waxaan si qoto dheer u xusuusaneynaa halyeeyadii naftooda u huray difaaca dalkooda, kuwaas oo taariikhda ku reebay raad sharaf leh. Sidoo kale, waxaan u rajeyneynaa ciidamada maanta heeganka ku jira guul, caafimaad, iyo in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda qaran.

Hambalyo Maalinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed!

Munaasabadda Xil-Wareejinta wasiirka  Wasaarada Dastuurka iyo Arimaha Sharciga ee Dowlad Goboleedka Galmudug Madaxweyne ...
12/03/2026

Munaasabadda Xil-Wareejinta wasiirka Wasaarada Dastuurka iyo Arimaha Sharciga ee Dowlad Goboleedka Galmudug

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug State of Somalia, mudane "Ali Dahir Eid, ayaa goob-joog ka ahaa munaasabad kooban oo uu xilka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Sharciga Galmudug, mudane Mohamed Abdirahman Hassan.

Munaasabadda xil-wareejinta waxaa sidoo kale ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Ilyaas Abdikarin Isse, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan hay’adaha dowladda.

Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug, mudane Ali Dahir Eid, ayaa Alle uga baryay Wasiirka cusub in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee loo igmaday, isagoo kula dardaarmay in uu xoogga saaro iswaafajinta Dastuurka Galmudug iyo Dastuurka Federaalka, iyo sidoo kale daadajinta iyo wacyigelinta Dastuurka Galmudug iyo shuruucda kale ee dowlad-goboleedku leeyahay, si loo gaarsiiyo heer degmo ilaa deegaan.

Dhamaad.

Dhuusamareeb, Monday 9 March 2026Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta lagu soo dhoweeya...
09/03/2026

Dhuusamareeb, Monday 9 March 2026

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb ayaa maanta lagu soo dhoweeyay Wasiirka cusub ee Wasaarada Dastuurka iyo Arimaha Sharciga ee Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Mohamed Abdirahman Hassan (Qorrah).

Soo dhaweynta Wasiirka waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Ilyaas A Isse , Duqa Gobolka Galgaduud, xubno kamid ah Golaha Wasiirrada Galmudug, xubno kamid ah Xildhibaannada Galmudug, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Dhuusamareeb, dhalinyaro iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Mas’uuliyiinta iyo bulshada soo dhaweynta ka qayb gashay ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan hoggaanka cusub ee Wasaaradda, iyagoo tilmaamay muhiimadda ay leedahay xoojinta nidaamka sharciga, cadaaladda iyo hirgelinta qodobbada dastuuriga ah ee Galmudug.

Wasiirka cusub Mudane Mohamed Abdirahman Hassan (Qorrah) ayaa uga mahadceliyay dhammaan mas’uuliyiinta iyo bulshada sida diirran ee loogu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb.

Soo dhaweyntan ayaa ka tarjumaysa wada shaqeynta iyo garab istaagga ay hay’adaha dowladda iyo bulshada u muujinayaan Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Sharciga, si loo dardargeliyo howlaha muhiimka u ah dhismaha dowladnimo ku dhisan sharci iyo cadaalad.

Hambalyo iyo Soo DhaweynWasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Naaleeye), Agaasim...
05/03/2026

Hambalyo iyo Soo Dhaweyn

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Naaleeye), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Mudane Ilyaas Cabdikariin Isse, iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Sharciga Dowladda Galmudug waxay hambalyo iyo soo dhaweyn u dirayaan Wasiirka cusub ee Wasaaradda Mudane Mohamed Cabdiraxmaan Xasan, oo uu Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) u magacaabay hoggaaminta Wasaaradda.

Waxaan Wasiirka cusub u rajaynaynaa guul, hoggaan hufan iyo in uu si miro-dhal ah u guto waajibaadka muhiimka ah iyo howlaha hor-tabinta uleh Wasaaradda.

Mar kale hambalyo iyo soo dhawoow Mudane Wasiir.

AGAASIMAHA GUUD OO KA QEYB GALAY SHIRKA GOLAHA AGAASIMAYAASHA GUUDSabti, 28 Febraayo 2026, Agaasimaha Guud ee Wasaarada ...
28/02/2026

AGAASIMAHA GUUD OO KA QEYB GALAY SHIRKA GOLAHA AGAASIMAYAASHA GUUD

Sabti, 28 Febraayo 2026, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dastuurka iyo Arimaha Sharciga ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Ilyaas A Isse , ayaa ka qeybgalay Shirka Golaha Agaasimayaasha Guud iyo madaxda hay’adaha madaxa bannaan ee Dowladda Galmudug, kaas oo uu shir guddoominayay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada galmudug, Mudane Cismaan Macalin Xasan.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta hay’adaha dowladda, mideynta qorshayaasha horumarineed, iyo dardargelinta adeegyada loo fidiyo shacabka reer Galmudug.

Waxaa si gaar ah looga dooday xaaladda abaaraha ka taagan deegaanno ka mid ah Galmudug iyo sida hay’adaha dowladdu si wadajir ah uga qaadan karaan doorkooda gurmadka iyo xal u helidda caqabadaha jira.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyay hirgelinta ajendaha “Galmudug Cagaaran”, oo ay qeyb muhiim ah ka tahay beerista dhirta, ilaalinta deegaanka, iyo kobcinta wacyiga bulshada ee ku aaddan daryeelka khayraadka dabiiciga ah. Waxaa la isku raacay in dadaalladaasi noqdaan kuwo qorsheysan, joogto ah, isla markaana si wadajir ah loo fuliyo.

Ugu dambeyn, waxaa la isla gartay in maadaama lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, la xoojiyo daadajinta iyo dardargelinta adeegyada shacabka, si bulshada reer Galmudug ay u helaan adeegyo hufan, degdeg ah, isla markaana la jaanqaadaya baahiyaha gaarka ah ee bisha Ramadaan.
— DHAMMAAD —

Address

Galmudug
Dhuusamarreeb

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaarada Dastuurka iyo Arimaha Sharciga ee Dowlad Goboleedka Galmudug posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaarada Dastuurka iyo Arimaha Sharciga ee Dowlad Goboleedka Galmudug:

Shortcuts

Share