23/08/2026
Waxaan isugu nimid kulan dhiirrigelin, is-xogwaraysi iyo ismahadin ah, kaas oo ku salaysnaa inaan iska mahadcelinno shaqadii quruxda badnayd ee si wadajir ah inoogu qabsoontay.
Sidoo kale, waxaan bogaadin iyo dhiirrigelin u diraynaa walaasheen Safiyo Shiikh, milkiilaha kullan coffee, oo martigelisay kulankan qiimaha badan, kana muujisay taageero iyo garab istaag mudan in lagu daydo.
Waxaan aaminsanahay in midnimo, wadajir iyo is-caawin ay yihiin furaha horumarka iyo guusha. Gacmaha is-qabsada ayaa gaara himilooyinka waaweyn.
Mahadsanidiin dhammaantiin dadaalkiinna, taageeradiinna iyo sida aad uga go’an tihiin horumarinta bulshada.