Ministry of Energy & Water Resources Galmudug State

Ministry of Energy & Water Resources Galmudug State MoEWR Galmudug leads energy & water sectors, ensures access, drives policy, promotes renewables.

DHUUSAMAREEB – 27 AGOOSTO 2026Tababar Loo Qabtay Howl-wadeennada Ceelasha ee Gobolka GalgaduudAgaasimaha Guud ee Wasaara...
27/08/2026

DHUUSAMAREEB – 27 AGOOSTO 2026

Tababar Loo Qabtay Howl-wadeennada Ceelasha ee Gobolka Galgaduud

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Ibrahim Abdulkadir Mohamed, Agaasimaha Waaxda Tayadhowrka Biyaha, Eng. Abdiweli Mohamed Artan, iyo Isuduwaha Gobolka Mudug, Ahmed Hasan Farah, ayaa si wadajir ah u soo xiray tababar loo qabtay qaar ka mid ah howl-wadeennada ceelasha ee Gobolka Galgaduud.

Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta aqoonta, xirfadaha iyo awoodda howl-wadeennada ceelasha, gaar ahaan motoristayaasha iyo maamulka ceelasha, si loo hubiyo in adeegyada biyaha si hufan, joogto ah iyo badbaado leh loogu adeego bulshada.

Qodobbada Muhiimka ah ee Tababarka

Intii uu socday tababarku, howl-wadeennadu waxay si qoto dheer uga faa’iideysteen mowduucyo muhiim u ah hawlgelinta, dayactirka iyo maamulka ilaha biyaha, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:

1. Hawlgelinta iyo Dayactirka Ilaha Biyaha
Kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ku aaddan hawlgelinta, dayactirka iyo joogteynta adeegyada ilaha biyaha.

2. Fahamka qalabka iyo kaabayaasha Biyaha
Kobcinta fahamka qalabka iyo kaabayaasha loo isticmaalo soo saarista, gudbinta iyo kaydinta biyaha, iyo habka saxda ah ee loo maareeyo.

3. Cilad-bixinta Qalabka iyo Nidaamyada Ceelasha
Barashada hababka lagu aqoonsado, lagu baaro laguna xalliyo ciladaha ka dhasha qalabka, si loo yareeyo hakadka adeegyada biyaha.

4. Diiwaangelinta iyo La-socodka Xogta Ceelasha
Xoojinta awoodda howl-wadeennada ee diiwaangelinta, kaydinta iyo la-socodka xogta rasmiga ah ee ceelasha, si loo helo xog sax ah oo lagu saleeyo qorsheynta iyo go’aan-qaadashada.

5. Maamulka Wanaagsan ee Ilaha Biyaha
Kor u qaadista fahamka mabaadi’da maamulka wanaagsan, isla-xisaabtanka iyo mas’uuliyadda ka saaran howl-wadeennada iyo maamulayaasha ilaha biyaha.

6. Ilaalinta iyo Hubinta Tayada Biyaha
Barashada hababka lagu kormeero, lagu tijaabiyo laguna hubiyo tayada biyaha, si bulshada loo gaarsiiyo biyo nadiif ah oo ammaan ah.

7. Daaweynta iyo Koloriinaynta Biyaha
Kobcinta aqoonta ku saabsan hababka daaweynta iyo koloriinaynta biyaha, si loo yareeyo khataraha caafimaad ee ka dhalan kara isticmaalka biyo aan si wanaagsan loo daaweyn.

Ujeeddada Tababarka

Ujeeddada tababarku waxay ahayd xoojinta awoodda iyo xirfadaha howl-wadeennada ceelasha istiraatiijiga ah ee Galmudug, si ay awood ugu yeeshaan:

- Inay si hufan u maareeyaan una hawlgeliyaan adeegyada biyaha.
- Inay ilaaliyaan oo dayactiraan kaabayaasha iyo qalabka biyaha.
- Inay si degdeg ah u aqoonsadaan una xalliyaan ciladaha ka dhasha ceelasha iyo nidaamyadooda.
- Inay si sax ah u diiwaangeliyaan una la socdaan xogta ceelasha.
- Inay hubiyaan tayada iyo badbaadada biyaha.
- Inay bulshada u xaqiijiyaan adeeg biyo oo joogto ah, tayo leh oo ammaan ah.

Ballanqaadka Wasaaradda

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug waxay ka go’an tahay horumarinta adeegyada biyaha, xoojinta awoodda howl-wadeennada iyo kor u qaadidda tayada nolosha bulshada.

Wasaaraddu waxay mudnaan gaar ah siinaysaa sidii bulshada Galmudug loo gaarsiin lahaa biyo nadiif ah, ammaan ah oo waara, iyadoo la xoojinayo dayactirka iyo ilaalinta kaabayaasha biyaha, korna loo qaadayo aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha ka shaqeeya adeegyada biyaha.

Tababarrada noocan oo kale ah ayaa qayb muhiim ah ka ah dadaallada Wasaaradda ee lagu xaqiijinayo in ilaha biyaha ee muhiimka u ah bulshada Galmudug loo maareeyo si hufan, waara iyo masuuliyad leh.

— DHAMMAAD —

Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
E-mail: [email protected]

Dhuusamareeb, Galmudug – 25 Agoosto 2026Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Ibr...
25/08/2026

Dhuusamareeb, Galmudug – 25 Agoosto 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Galmudug, Mudane Ibrahim Abdikadir Mohamed, ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qaybgalay Kulanka Wadatashiga Dib-u-eegista Istiraatiijiyadda Qaran ee Xasilinta 2027–2030.

Agaasimaha Guud ayaa kulanka ka jeediyay hadal uu ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadatashiga ku saabsan Istiraatiijiyadda Qaran ee Xasilinta, isagoo xusay doorka muhiimka ah ee ay hay’adaha Dowladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ka qaadanayaan hirgelinta iyo horumarinta istiraatiijiyadda.

Intii uu kulanku socday, Agaasimaha Guud wuxuu soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qiimeynta Istiraatiijiyaddii h**e, isaga oo sidoo kale sharaxay tiirarka iyo mudnaanta saldhigga u noqonaya Istiraatiijiyadda cusub ee Xasilinta 2027–2030.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qaybgalay qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda Galmudug, Maamullada Dowladaha Hoose, ganacsatada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Kulanka ayaa muhiim u ahaa is-dhaafsiga aragtiyaha iyo talooyinka bulshada iyo hay’adaha kala duwan, si loo xaqiijiyo in Istiraatiijiyadda Qaran ee Xasilinta 2027–2030 ay noqoto mid ka tarjumaysa baahiyaha iyo mudnaanta bulshada.

— DHAMMAAD —

Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
E-mail: [email protected]

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha oo Dhuusamareeb ku soo dhaweysay Hawl-wadeennada Mashruuca Abaartir ee Ground W...
24/08/2026

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha oo Dhuusamareeb ku soo dhaweysay Hawl-wadeennada Mashruuca Abaartir ee Ground Water

Dhuusamareeb, Galmudug – 24 Agoosto 2026

Hawl-wadeennada ka socda Mashruuca Abaartir ee Ground Water ayaa maanta soo gaaray magaalada Dhuusamareeb, iyagoo booqasho shaqo ku tagay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, si ay Wasaaradda ugala shaqeeyaan sahan-biyood, qiimeyn iyo kormeer la xiriira xaaladda iyo khayraadka biyaha ee deegaannada Galmudug.

Booqashadan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqeynta Wasaaradda iyo Mashruuca Abaartir, gaar ahaan sahanka iyo qiimeynta khayraadka biyaha, xog-ururinta, qiimeynta baahiyaha bulshada iyo aqoonsiga fursadaha lagu horumarin karo helitaanka biyo ku filan, ammaan ah oo waara.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Ibrahim Abdikadir Mohamed , ayaa si diirran u soo dhaweeyay hawl-wadeennada Mashruuca Abaartir ee Ground Water, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi farsamo oo joogto ah oo dhex mara Wasaaradda iyo bah-wadaagta ka shaqeysa horumarinta khayraadka iyo adeegyada biyaha.

Hawl-wadeennada Mashruuca Abaartir waxay sidoo kale booqdeen Sheybaarka Tayada Biyaha ee Wasaaradda , halkaas oo lagu soo bandhigay howlaha baarista iyo hubinta tayada biyaha, qalabka sheybaarka iyo adeegyada farsamo ee Wasaaraddu bixiso. Booqashadan ayaa fursad u noqotay in la is dhaafsado xog iyo faham ku saabsan muhiimadda ay leedahay kormeerka iyo hubinta tayada biyaha si loo xaqiijiyo in bulshada la gaarsiiyo biyo ammaan ah oo caafimaad ahaan ku habboon.

Xubnaha mashruuca ee heer Galmudug ayaa sidoo kale sharaxay muhiimadda ay leedahay in sahan-biyoodka iyo xogta tayada biyaha la isku xiro, maadaama horumarinta ilaha biyaha aysan ku koobnayn helitaanka biyo oo keliya, balse ay muhiim tahay in la hubiyo badqabka, tayada, joogteynta iyo waxtarka ilaha biyaha.

Agaasimaha Guud ayaa xusay in Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ay diyaar u tahay inay taageerto dadaallada lagu xoojinayo sahan-biyoodka, ururinta iyo maaraynta xogta khayraadka biyaha, qiimeynta ilaha biyaha iyo qorsheynta mashaariic waara , kuwaas oo wax ka qaban kara baahiyaha sii kordhaya ee bulshada Galmudug.

Booqashada hawl-wadeennada Mashruuca Abaartir ee Ground Water waxay qayb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay'adaha dowladda, bah-wadaagta horumarinta iyo bulshada , si loo horumariyo maaraynta khayraadka biyaha loona kordhiyo helitaanka adeegyo biyo oo ammaan ah, la isku halleyn karo oo waara.

— DHAMMAAD —

Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
E-mail: [email protected]

Galkacyo, 23 August 2026:Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug ayaa maanta kulan muhiim a...
23/08/2026

Galkacyo, 23 August 2026:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay qaar ka mid ah shirkadaha bixiya adeegga biyaha ee magaalada Galkacyo iyo hay’adda CPD, iyadoo looga wada hadlay qorshayaal iyo mashaariic dhowaan laga fulin doono magaalada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dayactirka, horumarinta iyo tayeynta ceelasha biyaha ee magaalada Galkacyo, iyo sidii loo xoojin lahaa adeegyada sifeynta, daaweynta iyo nadiifinta biyaha, si bulshada loo gaarsiiyo biyo tayo leh oo ammaan ah.

Mashaariicda la qorsheynayo waxaa ka mid ah dayactirka iyo horumarinta ceelasha biyaha, qalabaynta iyo casriyeynta nidaamyada biyo-bixinta, hagaajinta kaabayaasha biyaha, iyo rakibidda nidaamyada tamarta qoraxda (Solar Systems) si loo yareeyo kharashaadka shaqada loona xaqiijiyo joogteynta adeegga.

Shirkadaha bixiya adeegga biyaha ee magaalada Galkacyo ayaa si gaar ah uga faa’iideysan doona mashaariicdan, kuwaas oo lagu horumarinayo qalabka iyo kaabayaasha ceelasha, laguna xoojinayo awoodda adeeg-bixiyeyaasha si ay bulshada ugu helaan biyo nadiif ah, ammaan ah oo la isku halayn karo.

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug waxay muhiimad gaar ah siinaysaa horumarinta adeegyada biyaha ee magaalada Galkacyo iyo guud ahaan Galmudug, iyadoo la xoojinayo iskaashiga Wasaaradda, shirkadaha adeegga biyaha, hay’adaha horumarinta iyo bulshada.



Dhamaaad———

Abdirahman Kulmiye
Head of Communications
WTKHB Galmudug

Galkacyo, 22 August 2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, oo ay wehliyaan Isuduwah...
22/08/2026

Galkacyo, 22 August 2026:

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug, oo ay wehliyaan Isuduwaha Gobolka Mudug iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta, ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Galkacyo Electric Company (GECO), halkaas oo uu ka socdo dhismaha iyo hirgelinta Mashruuca
“Dib-u-kabashada Korontada Dalka” oo laga hirgelinayaa magaalada Galkacyo, iyadoo ujeeddadiisu tahay in la kordhiyo helitaanka koronto la isku halleyn karo, la ballaariyo adeegga korontada, lana yareeyo qiimaha korontada ee bulshada.

Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray horumarka shaqada, tayada dhismaha iyo qalabka la adeegsanayo, iyo hubinta in mashruucu u socdo si waafaqsan qorshayaasha iyo heerarka farsamo ee loo dejiyay.

Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug waxay sii wadi doontaa kormeerka, isku-xirka iyo taageerada farsamo ee mashaariicda korontada, si loo xaqiijiyo in bulshada Galmudug ay hesho adeeg koronto oo la isku halleyn karo, waara, isla markaana qiimo jaban.



Dhamaaad————

Abdirahman Kulmiye
Head of communications
MoEWR Galmudug

Muqdisho : 17 Agoosto 2026AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA TAMARTA IYO KHAYRAADKA BIYAHA EE GALMUDUG OO KA QEYBGALAY MUNAAS...
17/08/2026

Muqdisho : 17 Agoosto 2026

AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA TAMARTA IYO KHAYRAADKA BIYAHA EE GALMUDUG OO KA QEYBGALAY MUNAASABAD XILWAREEJIN

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Ibrahim Abdikadir Mohamed, ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, taas oo lagu qabtay xil-wareejinta Agaasimihii Guud ee h**e, Mudane Cabdullaahi Xasan Aadan, iyo Agaasimaha Guud ee cusub, Mudane Axmed Yuusuf Cabdulle.

Xil-wareejinta ayaa si rasmi ah u maamulay Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame.
Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiiro, Agaasimayaal iyo mas’uuliyiin ka kala socday hay’adaha dowladda, Dowlad-Goboleedyada, ganacsatada, bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Ibrahim Abdikadir Mohamed, ayaa munaasabadda kaga qeybgalay isagoo matalaya Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Federaalka iyo Wasaaradaha Dowlad-Goboleedyada.

— DHAMMAAD —

Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
E-mail: [email protected]

Dhusamareb : 17 Agoosto 2026𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻-𝗜𝘀-𝘄𝗲𝘆𝗱𝗮𝗮𝗿𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗧𝗼𝗱𝗱𝗼𝗯𝗮𝗮𝗱𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗪𝗮𝗮𝘅𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝘀𝗶 𝗿𝗮𝘀𝗺𝗶 𝗮𝗵 𝘂 𝗯𝗶𝗹𝗼𝘄𝗱𝗮𝘆“Iyado...
17/08/2026

Dhusamareb : 17 Agoosto 2026

𝗔𝗾𝗼𝗼𝗻-𝗜𝘀-𝘄𝗲𝘆𝗱𝗮𝗮𝗿𝘀𝗶𝗴𝗮 𝗧𝗼𝗱𝗱𝗼𝗯𝗮𝗮𝗱𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗮𝗵 𝗲𝗲 𝗪𝗮𝗮𝘅𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝘀𝗮𝗮𝗿𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗼𝗼 𝘀𝗶 𝗿𝗮𝘀𝗺𝗶 𝗮𝗵 𝘂 𝗯𝗶𝗹𝗼𝘄𝗱𝗮𝘆

“Iyadoo la fulinayo taladii uu Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗜𝗯𝗿𝗮𝗵𝗶𝗺 𝗔𝗯𝗱𝘂𝗹𝗸𝗮𝗱𝗶𝗿 𝗠𝗼𝗵𝗮𝗺𝗲𝗱, ka bixiyay in waaxyaha Wasaaraddu ay si joogto ah u wadaagaan aqoonta iyo khibradaha ay leeyihiin, maanta waxaa si guul leh u qabsoomay aqoon-is-weydaarsigii ugu horreeyay ee toddobaadlaha ahaa, kaas oo uu soo bandhigay Team-ka Sheybaarka.

Tababarka oo cinwaankiisu ahaa “𝙃𝙤𝙬 𝙩𝙤 𝙏𝙧𝙖𝙣𝙨𝙛𝙤𝙧𝙢 𝘾𝙤𝙡𝙡𝙚𝙘𝙩𝙚𝙙 𝘿𝙖𝙩𝙖 𝙞𝙣𝙩𝙤 𝙈𝙚𝙖𝙣𝙞𝙣𝙜𝙛𝙪𝙡 𝙑𝙞𝙨𝙪𝙖𝙡𝙞𝙯𝙖𝙩𝙞𝙤𝙣𝙨 𝙐𝙨𝙞𝙣𝙜 𝙂𝙄𝙎” ayaa diiradda lagu saaray sida xogta la ururiyey loogu beddeli karo muuqaal iyo khariidado fudud oo macno leh, si loo fahmo, loo falanqeeyo, looguna taageero go’aan-qaadasho sax ah.

Barnaamijkani ma aha oo keliya tababar la isugu yimaado, balse waa fursad ay waax kasta ku soo bandhigi karto aqoonta, khibradda iyo xirfadaha ay leedahay, isla markaana ay uga faa’iideyn karto shaqaalaha kale. Waa madal lagu kobcin karo iskaashiga, lagu baran karo shaqada waaxyaha kale, laguna dhiirrigelin karo shaqaale kasta.

Waxaan uga mahadcelineynaa dhammaan shaqaalihii ka soo qayb galay, waxaana ku dhiirrigelinaynaa waaxyaha kale inay qaataan doorkooda ku aaddan barnaamijkan muhiimka ah.

— DHAMMAAD —

Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
E-mail: [email protected]

Dhusamareb : 16 August 2026𝗖𝗶𝗹𝗺𝗶𝗴𝘂 𝗛𝗮 𝗞𝗮 𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗼 𝗠𝗮𝗹𝗮-𝗮𝘄𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮, 𝗫𝗮𝗾𝗶𝗶𝗾𝗮𝗱𝘂𝗻𝗮 𝗛𝗮 𝗕𝗲𝗱𝗱𝗲𝘀𝗵𝗼 𝗤𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝘁𝗮.ꜱʜᴇʏʙᴀᴀʀᴋᴀ Wasaarada Tam...
16/08/2026

Dhusamareb : 16 August 2026

𝗖𝗶𝗹𝗺𝗶𝗴𝘂 𝗛𝗮 𝗞𝗮 𝗛𝗼𝗿𝗺𝗮𝗿𝗼 𝗠𝗮𝗹𝗮-𝗮𝘄𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮, 𝗫𝗮𝗾𝗶𝗶𝗾𝗮𝗱𝘂𝗻𝗮 𝗛𝗮 𝗕𝗲𝗱𝗱𝗲𝘀𝗵𝗼 𝗤𝗶𝘆𝗮𝗮𝘀𝘁𝗮.

ꜱʜᴇʏʙᴀᴀʀᴋᴀ Wasaarada Tamarta Iyo Biyaha Ah Ee Galmudug wuxuu si joogto ah u wadaa baaritaannada cilmiyeed ee lagu xaqiijinayo tayada biyaha ee bulshado isticmaasho kuwaaso si maalin la' uga yimaado (Source) ilo kala duwan.

Biyaha indho laguma cabbiro tayadooda. Biyo muuqaal ahaan nadiif ah mar walba macnaheedu ma aha inay yihiin biyo ammaan u ah cabitaanka. Waxyaabo badan oo saameyn kara tayada biyaha indhaha laguma arki karo, balse waxaa lagu ogaan karaa baaritaan cilmiyeed.

Dunidu waqti h**e ayay fahamtay muhiimadda ay leedahay in biyaha la baaro, waxaana la sameeyay sheybaarro lagu ogaanayo tayada iyo badbaadada biyaha ay bulshadu isticmaasho.

Maanta, shacabka Galmudug waxay haystaan fursaddaas, Sheybaar qalab casri ah lagu qalabeeyay iyo shaqaale tababaran oo diyaar u ah inay xaqiijiyaan tayada biyaha.

Ha ku ekaan muuqaalka biyaha. Hubi tayadooda.

Ka faa’iideyso Sheybaarka Hubinta Tayada Biyaha ee Galmudug, oo hubi tayada biyaha aad cabbeyso ama aad bulshada siineyso.

ᴄɪʟᴍɪɢᴀ ᴋᴀ ʜᴏʀᴍᴀʀɪ ᴍᴀʟᴀ-ᴀᴡᴀᴀʟᴋᴀ, xᴀQɪɪQᴀᴅᴀɴᴀ ᴋᴀ ʜᴏʀᴍᴀʀɪ Qɪʏᴀᴀꜱᴛᴀ.
— DHAMMAAD —

Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
E-mail: [email protected]

Dhusamareb : 13 August 2026Maanta waxaa qabsoomay Kulanka Toddobaadlaha ah ee Waxqabadka, Tayaynta iyo Horumarinta Shaqa...
13/08/2026

Dhusamareb : 13 August 2026

Maanta waxaa qabsoomay Kulanka Toddobaadlaha ah ee Waxqabadka, Tayaynta iyo Horumarinta Shaqada Shaybaarka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, kaas oo uu hoggaaminayay Maareeyaha Shaybaarka (Lab Manager), Mudane Abdulkadir Ahmed Mohamed.

Kulanka oo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo hufnaanta, tayada iyo waxqabadka Shaybaarka, ayaa lagu falanqeeyay waxqabadkii la qabtay iyo qorshayaasha lagu sii horumarinayo hawlaha Shaybaarka.

Kulanka waxaa sidoo kale xoogga lagu saaray tayaynta adeegyada Shaybaarka, xoojinta wada-shaqaynta howlwadeennada iyo xaqiijinta tayada biyaha, si loo helo adeegyo tayo leh oo bulshada waxtar u leh.

Maareeyaha Shaybaarka, Abdulkadir Ahmed Mohamed, ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay hoggaanka Shaybaarka in si wadajir ah loo horumariyo shaqada, looxoojiyo tayada adeegyada, loona xaqiijiyo in bulshada loo adeego si hufan oo tayo leh.

— DHAMMAAD —

Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
E-mail: [email protected]
Facebook:https://www.facebook.com/share/1bttSng441/

WASIIRKA TAMARTA IYO KHAYRAADKA BIYAHA GALMUDUG OO KORMEER SHAQO KU TAGAY DEEGAANADA CADAKIBIR IYO SHILLINWAYNECadakibir...
11/08/2026

WASIIRKA TAMARTA IYO KHAYRAADKA BIYAHA GALMUDUG OO KORMEER SHAQO KU TAGAY DEEGAANADA CADAKIBIR IYO SHILLINWAYNE

Cadakibir & Shillinwayne, Galgaduud – 11 Agoosto 2026

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Dowladda Galmudug, Mudane Cabdullaahi Maxamed Daahir, ayaa maanta booqasho shaqo iyo kormeer ku tagay deegaanada Cadakibir oo hoostaga degmada Baxdo iyo Shillinwayne, oo hoostaga degmada Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.

Kormeerka Wasiirka ayaa ujeeddadiisu ahayd qiimeynta xaaladda adeegyada biyaha iyo baahiyaha bulshada, gaar ahaan helitaanka biyo ku filan oo ammaan ah, iyo sidii Wasaaraddu u dardargelin lahayd qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada aasaasiga ah ee bulshada deegaanka

Intii uu Wasiirku ku guda jiray booqashada, wuxuu si dhow ugu kuurgalay xaaladda deegaanka, isagoo xog iyo talooyin ka dhageystay bulshada iyo masuuliyiinta deegaanka. Waxa uu sidoo kale qiimeeyay caqabadaha jira iyo fursadaha lagu horumarin karo adeegyada biyaha, tamarta iyo kaabayaasha la xiriira, kuwaas oo muhiim u ah nolosha bulshada iyo horumarinta deegaanka

Wasiir Cabdullaahi Maxamed Daahir ayaa sheegay in Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug ay ka go’an tahay inay si joogto ah u gaarto deegaanada miyiga iyo kuwa ka fog xarumaha magaalooyinka, si loo ogaado baahiyaha dhabta ah ee bulshada loogana shaqeeyo xal waara oo ku saabsan biyo la’aanta iyo adeegyada kale ee aasaasiga ah.

Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Wasaaradda, maamulka deegaanka, bulshada iyo bah-wadaagta horumarinta, si loo xaqiijiyo in bulshada Galmudug ay hesho adeegyo biyo oo tayo leh, la isku halayn karo, lana waari karo.

Booqashadan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug ay ku xoojinayso kormeerka, qiimeynta iyo horumarinta adeegyada biyaha, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo deegaanada ay ka jiraan baahiyaha ugu badan.

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha – Dowladda Galmudug
“Biyo Ammaan ah, Bulsho Caafimaad Qabta, Galmudug Horumarsan.”

— DHAMMAAD —

Abdirahman Hussain Kulmiye
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
E-mail: [email protected]
Facebook:https://www.facebook.com/share/1bttSng441/

Address

Dhuusamareeb Main Street
Dhuusamarreeb
00510

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Energy & Water Resources Galmudug State posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share