Chief Caaqil Caynaashe Caynab

Chief Caaqil Caynaashe Caynab Chief Caaqil Caynaashe Caynab is one of the distinguished traditional leaders of Somalia, symbolizing

Bismillaah waxan ilahay ka baryaynaa inuu biyo qabow nagaga shubo dabkaa kacay buurlayda magaalada ceerigabo  oo sii fid...
30/06/2025

Bismillaah waxan ilahay ka baryaynaa inuu biyo qabow nagaga shubo dabkaa kacay buurlayda magaalada ceerigabo oo sii fidaya sacadihii u dambeeyay iyadoo lagu hawlan yahay xakamayntiisa madaxda gobolka iyo ciidamada qaranka kuwa dab damiska iyo dhamaan shacab waynaha reer ceerigabo oon ukala hadhin waxan boorinayaa in la laba laabo dadaalka ilhayna ha inaga bakhtiiyo

Khudbad Fureed iyo Duco – Shirweynaha Beesha Cabdalle XaamudBismillaahi Raxmaani Raxiim,Mahad oo idil waxa ay u Sugnaata...
29/06/2025

Khudbad Fureed iyo Duco – Shirweynaha Beesha Cabdalle Xaamud

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Mahad oo idil waxa ay u Sugnaatay Ilahy oo maanta inoo suurta geliyay in aynu shirweynahan muhiimka ah u furanno si nabad ah, walaaltinimo ah iyo wada tashi Ah

Anigoo ah Chief Caaqil caynaashe caynab. Caaqil cali. Aamus, waxaan si kal iyo laab ah uga mahadnaqayaa dhammaan odayaasha, waxgaradka, dhalinyarada, haweenka, iyo marti sharafta kale ee kasoo qeyb gashay shirkan. Waa shir ka turjumaya midnimo, xasilooni, iyo rabitaan beeleed oo ku saleysan horumar, wada tashi, iyo xoojinta qaranimada.

Shirkan maanta furmay, waxa uu ka tarjumayaa baahida ay beesha Cabdalle Xaamud u qabto isku duubni, isu tanaasul, iyo xal u helid arrimaha hortayada taagan. Waxaan rajeynaynaa in go’aamada kasoo baxa ay noqdaan kuwo khayr ah, midnimo horseeda, oo dalka iyo dadkaba anfaca.

Waxaan Illaahay weydiisaneynaa:

"Illaahayow shirkan noo barakee, qalbiyadeenna midee, go'aamada kasoo baxa ka yeel kuwo toosan, caddaalad ku dhisan, dan guudna ah. Ilaahayow naga yeel kuwo samaha isku raaca, xumaantana iska duwa. Nabad, wadajir, iyo horumar dalka iyo dadka u horseeda."

Ugu dambeyn, waxaan ku boorinayaa dhammaan ka qeybgaleyaasha in shirka lagu wado kalgacayl, ismaqal, is-ixtiraam, iyo dulqaad, si aynu u gaadhno gunaanad barakeysan oo faa’iido u leh dhammaan beesha iyo guud ahaan bulshada

Wabilaahi Tawfiiq.

Address

Erigavo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Chief Caaqil Caynaashe Caynab posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category