Naadiga akhriska ee IQRA - Garbahaarrey, Gedo.

Naadiga akhriska ee IQRA - Garbahaarrey, Gedo. Naadi akhris oo xaruntiisu ay tahay Garbaharrey, arday dugsiyana ay ka Xubno yihiin.

12/07/2026
Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Garbahaarrey oo kaashanaya Garbahaarrey Public LibraryShalay galab waxaa si guul leh u qab...
12/07/2026

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Garbahaarrey oo kaashanaya Garbahaarrey Public Library
Shalay galab waxaa si guul leh u qabsoomay kulan akhris wadareed iyo dood aqooneed oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Garbahaarrey iyo Garbahaarrey Public Library, kaas oo ay ka soo qayb galeen dhallinyaro badan oo reer Garbahaarrey ah.
Kulankan wuxuu ahaa fursad ay ka qaybgalayaashu ku akhriyeen buugaag kala duwan, kuna wadaageen fikrado, aragtiyo iyo casharro qiimo leh. Buugaagtii la akhriyey waxay taabanayeen mowduucyo muhiim u ah nolosha bulshada, sida qoyska, barbaarinta, guurka, horumarinta shakhsiyadda iyo hoggaaminta.
Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Garbahaarrey wuxuu rumaysan yahay in akhrisku yahay furaha aqoonta, qoraalkuna yahay dariiqa lagu faafiyo fikirka iyo hal-abuurka. Sidaas darteed, waxaan sii xoojin doonnaa barnaamijyada kor u qaadaya dhaqanka akhriska iyo qoraalka, gaar ahaan dhallinyarada.
Waxaan u mahadcelinaynaa Garbahaarrey Public Library wada-shaqeynta wanaagsan iyo dhammaan dhallinyaradii waqtigooda u huray raadinta aqoonta.
"Qofka maanta wax akhriyaa, berri ayuu bulshada hoggaamin karaa."

Naadiga Akhriska iyo QoraalkaAlxamdulillaah, Galabta oo Sabti ah, taariikhduna tahay 30/05/2026  waxaan dib u bilownay k...
30/05/2026

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka
Alxamdulillaah, Galabta oo Sabti ah, taariikhduna tahay 30/05/2026 waxaan dib u bilownay kulamadeennii kadib maalmo kooban oo fasax iyo farxad ciid ah.

Kulanka maanta wuxuu ahaa kulan soo dhoweyn, isbarasho iyo aqoon-isweydaarsi, waxaana marti sharaf noo ahaa mid ka mid ah xubnaha Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Baraarug ee Baardheere, Cabdullaahi Cabdisamad Jaamac, kaas oo nala wadaagay waaya-aragnimo, talooyin iyo fikrado qiimo leh.

Farxad weyn ayay noo ahayd booqashadiisa iyo waqtiga qaaliga ah ee uu nala qaatay. Sidoo kale waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan xubnihii ka soo qaybgalay kulanka oo ka dhigay mid miro dhal ah.

Kulankii maanta wuxuu ku soo dhammaaday jawi wanaagsan, isfaham iyo guul, isagoo noo noqday bilow cusub oo dhiirrigelin leh.
Waxaan rajaynaynaa in kulamadeennu sii socdaan, ayna noqdaan kuwo kobciya aqoonta, akhriska, qoraalka iyo wadaagga waaya-aragnimada.

Mahadsanidiin dhammaantiin.
Sawirro ka mid ah kulankii maanta.

Ku Soo Dhowaada Barnaamij Diini Ah Oo Muhiim Ah!  Aqriska & Qoraalka Ee Iqra wuxuu galabta gudaha maktabadda ku qabanaya...
28/11/2025

Ku Soo Dhowaada Barnaamij Diini Ah Oo Muhiim Ah!

Aqriska & Qoraalka Ee Iqra wuxuu galabta gudaha maktabadda ku qabanayaa Barnaamij Diini ah oo muhiim ah, laguna magacaabo:
*lβ€œBarnaamijka Waxqabadka ee Gudashada Cibaadooyinka”

Waxaa soo jeedinaya: Sh. Mahamed Hasan Yusuf
Barnaamijku wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa muhiimadda cibaadooyinka, sida loo guto iyo kaalinta ay ku leeyihiin nolosha Muslimka.

Fursad weyn oo aad ku baran karto:
- Sida saxda ah ee cibaadada loo gudanayo
- Sida nolosha looga dhigo mid cibaado ku dhisan
- Qorsheyn iyo faham dhab ah oo ku saabsan xiriirka Alle

Waqtiga: 4:00 galabnimo
Maalinta: Khamiis, Nov 27, 2025
Goobta: Hotel Mumtaaz

Ha moogaan fursaddan! Ku casuum saaxiibadaa iyo qoyskaagaba.

.

πŠπ”π‹π€π π–π€π‚π˜πˆπ†π„π‹πˆπ 𝐀𝐇 – πƒπŽπŽπ‘π€π’π‡π€πƒπ€ πŠπ”π‹π‹πˆπ˜π€πƒπ€π‡π€ & 𝐅𝐔𝐑𝐒𝐀𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐄𝐄𝐐𝐀𝐇𝐀 π–π€π—ππ€π‘π€π’π‡πŽShalay, waxaa Maktabadda Guud ee Dadweynaha G...
09/11/2025

πŠπ”π‹π€π π–π€π‚π˜πˆπ†π„π‹πˆπ 𝐀𝐇 – πƒπŽπŽπ‘π€π’π‡π€πƒπ€ πŠπ”π‹π‹πˆπ˜π€πƒπ€π‡π€ & 𝐅𝐔𝐑𝐒𝐀𝐃𝐀𝐇𝐀 𝐃𝐄𝐄𝐐𝐀𝐇𝐀 π–π€π—ππ€π‘π€π’π‡πŽ
Shalay, waxaa Maktabadda Guud ee Dadweynaha Garbahaarrey lagu qabtay kulan muhiim ah oo ay si wadajir ah u soo agaasimeen Naadiga Akhriska & Qoraalka iyo Maktabadda Guud ee Garbahaarrey.

Kulankan wuxuu ahaa mid loogu talagalay ardayda fasalka 4-aad ee dugsiyada sare, iyadoo diiradda lagu saaray:
Doorashada kulliyadaha ku habboon ardayga
Helidda fursadaha deeqaha waxbarasho
Sida loo sameeyo qorshe waxbarasho oo mustaqbal fog
Iyo dhiirrigelinta in ardaydu qaataan go’aanno xog ogaal ah

Waxaana soo jeediyay khubaro iyo martigelin qiimo leh oo ay ka mid ahaayeen:

β€’ Juweyriya Maxamuud Maxamed – Guddoomiyaha Naadiga Akhriska & Qoraalka Banaadir

β€’ Cabdullaahi Sh. Cabdi Maxamed – Agaasimaha Maktabadda Guud ee Baardheere

Kulankan wuxuu qayb ka yahay dadaalka joogtada ah ee naadigu ku horumarinayo aqoonta, hufnaanta go’aan qaadashada ardayda, iyo kor u qaadidda aqriska & qoraalka bulshada Garbahaarrey.

Ujeedka guud wuxuu ahaa in ardayda lagu wacyigeliyo si ay mustaqbalkooda u qaabeystaan iyadoo laga caawinayo fahamka kulliyadaha, shuruudaha deeqaha waxbarasho, iyo sida loo helo fursado dibadeed.

Faa’iidada laga helay waxaa ka mid ahaa:

β€’ Arday badan oo helay talo toos ah

β€’ Fahan ballaaran oo ku saabsan sida loo doorto kuliyadda saxda ah

β€’ Tusaalooyin ku saabsan sida loo diyaariyo codsiyada deeqaha

β€’ Dhiirrigelin iyo kalsooni cusub oo ku saabsan hannaanka tacliinta sare

Naadiga Akhriska & Qoraalka wuxuu mar walba u taagan yahay kor u qaadidda aqoonta, hoggaaminta dhallinyarada, iyo dhisidda bulsho wax akhrisa oo wax qorta.

Address

Garbahaarrey

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Naadiga akhriska ee IQRA - Garbahaarrey, Gedo. posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category