18/08/2026
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Kulan la Qaatay Guddiga Ruqsad-bixinta iyo anshax-marinta Qareennada.
Garoowe, 18 Agoosto 2026: Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland ayaa kulan la qaatay Guddiga Ruqsad-bixinta iyo anshax-marinta Qareennada, kaas oo looga hadlay hannaanka ruqsad-siinta iyo cusboonaysiinta ruqsadaha qareennada Dawladda Puntland.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ayaa Guddiga kula dardaarmay in hannaanka ruqsad-bixinta iyo cusboonaysiinta ruqsadaha loo maro si hufan oo caddaalad ah, isla markaana waafaqsan shuruudaha xeerka qareennada DawladdaPuntland.
Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo nidaamka cadaaladda iyo kor u qaadista tayada iyo hufnaanta mihnadda qareennimada ee Dowladda Puntland.