Wasaaradda Amniga Dawladda Puntland

Wasaaradda Amniga Dawladda Puntland This is the page of the Ministry of Security of Puntland State of Somalia.

 ; 21 AUGUST 2026; Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland waxay si adag u cambaareynaysaa, ugana soo horjeeddaa ...
21/08/2026

; 21 AUGUST 2026; Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland waxay si adag u cambaareynaysaa, ugana soo horjeeddaa ficillada burcad-badeednimada ah ee beryahaan dambe ka soo cusboonaaday xeebaha Puntland, waxayna baaritaan gaar ah ku haysaa xogo sheegaya in ay jiraan awoodo ka baxsan Puntland oo qayb ka ah hawlgalada cusub ee Burcad-badeedda iyada oo gabaad looga dhiganayo masaaliix siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Dowladda Puntland waxaa ka go'an la dagaalanka Burcad-badeedka, iyo in ay gacan ka siiso dowladaha ku hawlan la dagaalankooda, waxayna qaaday tallaabooyin lagu hawlgelinayo laamaha amniga Dowladda Puntland iyo masuuliyiinta degmooyinka ku teedsan xeebaha Puntland si wax looga qabto hawlgalada burcadda.

Dowladda Puntland waxay ka soo horjeedaa duqeymaha ay maraakiibta dagaalka ee caalamiga ah ku beegsanayaan dadka shacabka ah iyo hantidooda ee deeganada u dhow xeebaha lagu haysto maraakiibta u afduuban Burcad-badeedka.

Dowladda Puntland waxay u aragtaa in hawlgalada noocaas oo kale ah ay wax u dhimayaan iskaashiga hay'adaha amniga Dowladda Puntland iyo Saaxibada Caalamiga ah ee gacanta ka geysanaya la dagaalanka Burcadda, sidoo kalena ay wax yeelo ka soo gaarayso dad rayıd ah oo aan wax lug ah ku lahayn ficilada Burcadda.

Dowladda Puntland waxay ugu baaqaysaa Dowladaha leh Maraakiibta Caalamiga ah ee duqeymaha ka geystay deegaanka Garmaal 18kii iyo 20kii August 2026, laguna beegsaday dad kalluumeysto ah iyo hantidooda in ay jawaab deg deg ah ka bixiyaan ujeedka hawlgaladaas.

Dowladda Puntland waxay soo dhaweynaysaa cid kasta oo diyaar u ah inay gacan
ka geysato la dagaallanka burcad-badeednimada iyo sidii loo soo celin lahaa xorriyadda maraakiibta ay hadda gacanta ku hayaan.

▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎

XAFIISKA WARFAAFINTA
WASAARADDA AMNIGA
Website: www.mos.pl.so
LinkedIn: mos.pl.so
Email: [email protected]
Facebook: MinistryOfSecurityPuntland
Instagram: MoSPuntland
TikTok: mos.puntlan
Location: Garoowe, Puntland, Somalia

13/08/2026

SAAXO: 13 Agoosto - 2026; Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Faarax (Dujaana) ayaa booqday Taliska Ciidanka Difaaca Puntland, Qaybta 60-aad ee degmada Saaxo gobolka Mudug.

Booqashada ayaa daaraneed qaramaynta Ciidamo iyo gaadiid Puntland, iyadoona looga hadlay xoojinta amniga, wada-shaqeynta maamulka iyo ciidamada, sugidda xuduudaha Puntland, iyo xaaladda amni ee deegaanada ku dhow xuduudaha Gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga hay’adaha amniga iyo maamulka si loo helo Amni Buuxa nabadgelyo waarta, iyo talis qalabaysan oo difaaca u ah xuduudaha Puntland xoojiyana Amniga xuduudaha iyo wadajirka bulshada degaannada.

Waftiga oo uu hogaaminayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Wasiir Cabdiraxmaan Yuusuf waxaa ku weheliyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasiir Dowlaha Wasaaradda Cadaalada, Xildhibaano, Maamulka gobolka Mudug, Taliyaha Aaga Daraawiishta iyo Qaar kamid ah Saraakiisha Ciidamada Difaaca Puntland, ayaa Dardaaran iyo mahadcelin u jeediyay Ciidankan oo maanta si rasmi ah ugu biiray Ciidamada Daraawiishta Dowladda Puntland, kuwaas oo ka hawlgeli doona meel walba oo Dowladda Puntland u igmato.

▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎

XAFIISKA WARFAAFINTA
WASAARADDA AMNIGA
Website: www.mos.pl.so
LinkedIn: mos.pl.so
Email: [email protected]
Facebook: MinistryOfSecurityPuntland
Instagram: MoSPuntland
TikTok: mos.puntlan
Location: Garoowe, Puntland, Somalia.

05/08/2026

"Dalka Hal Dowladd uun buu yeelanaaya Dowlado isku dhexjira yeelan maayo, Hal Ciidan buu yeelanaaya Ciidamo rag leeyihiin mayeelanaayo" Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ahna Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr Siciid Cabdullaahi Deni.

Ciidamada Difaaca Puntland way ku filan yihiin difaaca sharafta Shacabka iyo Midnimadda Dowladda Puntland

GAROOWE: 04, August, 2026: Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Kayse Cabdi Yuusuf ayaa ...
04/08/2026

GAROOWE: 04, August, 2026: Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Kayse Cabdi Yuusuf ayaa maanta ka qayb galay shir looga hadlayay dhacdadii lagu gubay dhul-daaqsimeed ku yaalla deegaanka Madha ee Degmada Carmo gobolka Bari.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Amniga Mudane Kayse Cabdi Yuusuf oo ay weheliyaan saraakiil katirsan Wasaaradda Amniga oo goob joog ka ahaa Shirkan oo ka dhacay Xarunta Wasaarada Deegaanka Puntland.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dhacdadii lagu gubay dhul-daaqsimeed baaxad leh si loogu beddelo dhul-beereed, taas oo si cad uga hor imanaysa hab-raacyada iyo xeerarka u yaalla ilaalinta deegaanka, horumarinta beeraha iyo maaraynta dhul-daaqsimeedka, Shirka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Wasiirka Beeraha iyo Waraabka, Wasiir Ku-xigeenka iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Deegaanka, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Shirka ayaa lagu falanqeeyay khilaafaadka soo noqnoqday ee la xiriira maaraynta dhul-daaqsimeedka, deegaamaysiga aan qorshaysnayn, beeraha ceshiimooyinka iyo khilaafaadka ka dhasha isticmaalka dhulka.

Sidoo kale, shirka waxaa lagu soo bandhigay warbixin iyo talooyin ay diyaariyeen guddigii farsamo ee h**e loogu xilsaaray arrintan, kuwaas oo lagu soo jeediyay sidii xal waara looga gaari lahaa khilaafaadka la xiriira dhul-daaqsimeedka.

Intii uu Shirku socday waxaa ka soo baxay qodobadan:

* In wasaaradaha ay si wadajir ah uga shaqeeyaan dejinta hab-raacyo mideysan oo lagu maareeyo isticmaalka dhulka, laguna joojiyo deegaamaysiga cusub iyo xirmaysiga sharci-darrada ah.

* In la isku xiro xafiisyada wasaaradaha ee heer gobol iyo heer degmo si wadajir loogu maareeyo khilaafaadka iyo maamulka dhulka, gaar ahaan dhul-beereedka iyo dhul-daaqsimeedka, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha kale ee dowladda.

* ⁠waxaa guddi heer wasiir ah loo xil-saaray xalinta dhacdadii Madha si xal kala dambeys ah loo gaaro.

▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎▪︎

XAFIISKA WARFAAFINTA
WASAARADDA AMNIGA
Website: www.mos.pl.so
LinkedIn: mos.pl.so
Email: [email protected]
Facebook: MinistryOfSecurityPuntland
Instagram: MoSPuntland
TikTok: mos.puntlan
Location: Garoowe, Puntland, Somalia

01/08/2026

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland oo Hoggaaminaysay Shaqaalaha Wasaaradda ee Dowladda Puntland oo qayb wayn kaqaatay Xuska 28-guurada Aasaaska Puntland 1998.

01/08/2026

Shaqaalaha Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland iyo Dabaal dega 28 guurada ka soo wareegtay Aasaaskii Dawlada Puntland ee 1dii August 1998.

Madaxda Sare ee Wasaaradda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland iyo Dabaal dega 28 guurada ka soo wareegta...
01/08/2026

Madaxda Sare ee Wasaaradda iyo Shaqaalaha Wasaaradda Amniga Dowladda Puntland iyo Dabaal dega 28 guurada ka soo wareegtay Aasaaskii Dawlada Puntland ee 1dii August 1998.

01/08/2026

Xuska Sanad guurada 28'aad ee Aasaaskii Dowladda Puntland maanta wuxuu kusoo dhamaaday Amni Buuxa.

Hambalyo dhamaan Madaxda iyo Shacabka Dowladda Puntland.

01/08/2026

Bandhigga Ciidanka Booliska Dowladda Puntland ee Xuska 1-da Agoosto.

01/08/2026

Bandhigga Ciidanka Asluubta Dowladda Puntland ee Xuska 1-da Agoosto.

Address

Garoowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Amniga Dawladda Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Amniga Dawladda Puntland:

Shortcuts

Share