18/08/2026
Garowe, 18 Agoosto 2026: Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa si rasmi ah u soo xiray tababar muddo laba maalmood ah socday, kaas oo lagu xoojinayay aqoonta iyo xirfadaha Isku-duwayaasha Gobollada iyo Xiriirka Dadweynaha ee Wakaaladda.
Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta Wakaaladda, gobollada iyo degmooyinka, iyadoo si wanaagsan looga jawaabayo baahiyaha bulshada, lana xoojinayo xiriirka iyo wada-shaqeynta ka dhexeeya bulshada iyo hay’adaha adeegga bixiya.
Sidoo kale, tababarku wuxuu qayb ka yahay dadaallada Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ee lagu horumarinayo adeegyada biyaha, kor loogu qaadayo ka-qaybgalka bulshada iyo in bulshada gobollada Puntland loo helo adeegyo biyo oo tayo leh oo ka jawaabaya baahiyahooda.
Tababarka waxaa ka qaybgalay Maareeye Ku-xigeenka, Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan iyo Isku-duwayaasha Gobollada ee Wakaaladda.