Hon Abdulkadir Geedi

Hon Abdulkadir Geedi The official Page of the Mayor of Garowe district.

20/08/2026
18/08/2026

Waa hamigayaga in Garowe hesho koronto jaban oo la isku halayn karo , taas oo Caasimadda u horseedda nolol wanaagsan iyo fursado badan oo horimarineed.

Waxaan maanta aniga iyo xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Garowe kormeer ku tagnay Mashruuca horumarinta korontada (Somal...
18/08/2026

Waxaan maanta aniga iyo xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Garowe kormeer ku tagnay Mashruuca horumarinta korontada (Somalia Electricity Sector Recovery Project SESRP) ee ka socda Caasimadda Garowe.

Mashruucan oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka ayaa magaalada ka hirgelinaya 10 MWp oo solar ah iyo 20 MWh oo kayd koronto ah, kuwaas oo si weyn u xoojin doona adeegga korontada. Waxaana fulinaya shirkadaha Asunim Renewable Energy iyo Renewvia Energy Africa.

Waxaan ku faraxsanahay horumarka wanaagsan ee mashruuca iyadoo inta badan hawlihii la soo gabagabeeyey lana filayo in qaybaha harsan lagu dhammaystiro waqtigii loo qorsheeyey.

Dowladda Hoose ee Garoowe waxay sii wadi doontaa taageerada iyo fududeynta hirgelinta mashruucan muhiimka ah, si uu wax uga beddelo nolosha muwaadiniinta ku nool Caasimadda, waxaana u mahadcelinayaa dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadanaysa guushiisa.

01/08/2026

Waxaan si mug iyo miisaan leh u soo dhoweynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee ka kala yimid daafaha caalamka si ay uga qayb galaan xuska sanad-guurada aas-aaska Puntland.
Waxaan idinka cudur daaranayaa inaan idinka maqnaado munaasabaddan qiimaha badan.

Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka Puntland meel kasta oo ay joogaan munaasabadda 28-aad ee aasaaska Dowladda P...
31/07/2026

Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka Puntland meel kasta oo ay joogaan munaasabadda 28-aad ee aasaaska Dowladda Puntland.

Caasimadda Garoowe waxay door muuqda ka qaadatay diyaarinta xuskan iyadoo loo agaasimay si heersare ah oo ka tarjumaya bilicda iyo horumarka Puntland.

Waxaan sidoo kale shacabka Caasimadda ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan laamaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyad Maalmaha lagu gudajiro Dabaaldaga .

Alle ha inagu gallado nabad, midnimo iyo horumar waara. Puntland ha jirto.

05/07/2026

Daah-furka Wacyigelin iyo Aqoon-is-weydaarsi ku Saabsan Mashruuca Bulsho ee loogu talagalay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Daneeyeyaasha Kale ee Puntland.

Waxaan u  hambalyeynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda qaran ee 1-da Luulyo.Waxaan si gaar ah ugu mahadcel...
30/06/2026

Waxaan u hambalyeynayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed munaasabadda qaran ee 1-da Luulyo.
Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Dowladda Hoose ee Garoowe iyo shacabka caasimadda dadaalka iyo shaqada wanaagsan ee ay galiyeen qabsoomidda xafladdan taariikhiga ah ee caawa si heer sare ah u dhacday.

Habeen dambe waxaa inoo jiri doonta munaasabada lagu xusi doono sanadguurada 1-da Luulyo, oo ah maalin taariikhi ah oo k...
29/06/2026

Habeen dambe waxaa inoo jiri doonta munaasabada lagu xusi doono sanadguurada 1-da Luulyo, oo ah maalin taariikhi ah oo ku weyn dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

28/06/2026

Shacabka qiimaha leh ee Caasimadda Garoowe
Waxaan idiin sheegayaa in Waxa waddadan la idinku dhisay ay tahay hantidiinii iyo xoolihiinii Wixii aad nagu aaminateen ayaan maanta dib idiinku soo celinay.

Horumarka caasimaddu waa mid wadajir lagu gaaro waana masuuliyad naga wada saaran ilaalintiisa iyo sii xoojintiisa.

Waxaan sidoo kale naga go’an inaan sii kordhinno dadaalka si Garoowe u noqoto caasimad ka horreysa magaalooyinka kale ee Soomaaliya dhinac walba oo horumar ah.

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon Abdulkadir Geedi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hon Abdulkadir Geedi:

Shortcuts

Share