Hon Abdulkadir Geedi

Website Contact the organization

Hon Abdulkadir Geedi The official Page of the Mayor of Garowe district.

Waxaa maanta si rasmi ah  Magaalada Vienna, Austria Nooga  furmay shirka sannadlaha ah ee Madasha Maayarada Magaalooyink...
20/10/2026

Waxaa maanta si rasmi ah Magaalada Vienna, Austria Nooga furmay shirka sannadlaha ah ee Madasha Maayarada Magaalooyinka oo ay ka qaybgalayaan mayors ka kala yimid magaalooyin badan oo ku yaalla Latin America, Yurub iyo Afrika.

waxaan ku faraxsanahay inaan ka mid noqdo mayors-ka matalaya magaalooyinkooda kana qaybqaadanaya kulamadan muhiimka ah ee lagu xoojinayo iskaashiga iyo horumarinta magaalooyinka.

Shirka waxaa lagu soo bandhigayaa waxqabadkii iyo guulihii ay magaalooyinku gaareen sannadkii lasoo dhaafay, iyadoo sidoo kale laga wada hadlayo mudnaanta iyo qorshayaasha maalgashi ee sannadka soo socda.

Kulamadan waxay fursad muhiim ah u yihiin is-dhaafsiga khibradaha aqoonta iyo xalalka horumarineed si loo helo fikrado cusub oo wax ka tari kara horumarinta magaalooyinkeena.

Waxaan rajaynayaa in ka qaybgalka Garoowe ee madashan uu horseedo fursado cusub iskaashi caalami ah iyo khibrado wax ku biirin kara horumarka iyo adeegyada caasimaddeenna.

Waxaan Caawa kulan casho-sharaf iyo soo bandhigid waxqabad ah la qaadanay wafdigii Bangiga Adduunka iyo hay'adda UNOPS S...
29/09/2026

Waxaan Caawa kulan casho-sharaf iyo soo bandhigid waxqabad ah la qaadanay wafdigii Bangiga Adduunka iyo hay'adda UNOPS Soomaaliya ee booqashada ku joogay Caasimadda Garowe.

Waxaan kulanka kusoo bandhignay horumarka ay Caasimaddu samaysay, saamaynta mashaariicdu ku yeesheen bulshada iyo sida ay nooga go’an tahay joogtaynta iyo sii ambaqaadidda horumar waara.

Madaxda booqashada ku timid waxay uga mahadceliyeen soo dhoweynta, waxayna qireen horumarka Garowe iyagoo ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada iyo iskaashiga.

Kulanku wuxuu ku soo dhammaaday jawi wanaagsan, waxaana martidii guddoonsiinnay hadyado ka tarjumaya dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.

Alle mahad leh.

Waxaan shir is xogwaraysi ah aan xafiiskayga kula qaatay Madaxa Mashruuca Nagaad ee World Bank Dr. Nandya Nandya Yuwono ...
28/09/2026

Waxaan shir is xogwaraysi ah aan xafiiskayga kula qaatay Madaxa Mashruuca Nagaad ee World Bank Dr. Nandya Nandya Yuwono iyo xubno ka tirsan mashruuca. Waxaa sidoo kale shirka qayb ka ahaa Xiriiriyaasha mashruuca ee heer Federaal iyo heer Puntland iyo hawlwadeenada mashruuca ee labada heer.

Waxaa shirkani daarnaa kala xog qaadasha heerka waxqabad ee mashruuca Nagaad ka sameeyey Caasimadda Puntland, fursadaha jira ee maalgelinta u baahan iyo sidoo la isaga kaashan lahaa sii wadidooda.

Waxaan kormeer socod ah oo ay igu weheliyeen wefti ka socday Bangiga Adduunka oo uu hogaaminayey madaxa bangiga adduunka...
28/09/2026

Waxaan kormeer socod ah oo ay igu weheliyeen wefti ka socday Bangiga Adduunka oo uu hogaaminayey madaxa bangiga adduunka ee Somalia Mr. Hideki Matsunaga iyo Madaxa Hay'adda UNOPS ee Soomaaliya Mr. Ala'a Nemer ku marnay qayb ka mid ah waxqabadka Mashruuca Nagaaad ee Bangiga adduunka ka fuliyey Caasimadda Garowe sida Guriga Degmada, Buundada iyo waddooyinka qaarkood.

Waxaan sidoo kale deeqbixiyaasha tusnay shaqooyinka dheeraadka ah ee Dawladda Hoose ka fulisay Caasimadda sida Laamiga Wadnaha iyo Barxadda magaalada iyaga oo ay aad isoo jiidatay dadaalka ay bulshada iyo Dawladda Hoose oo isku dhafan kor ugu qadayaan wixii loogu deeqay.

28/09/2026
27/09/2026

Waxaan ku faraxsanahay daah-furka Biyo-saarka Caasimadda Garoowe, waxaan u mahadcelinayaa dhammaan intii ka qaybqaadatay hirgelinta mashruucan muhiimka ah.
Waa bilow wanaagsan oo wax badan ka tari doona Caasimadda Garowe

Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha H.E Ilyas Osma...
27/09/2026

Waxaan aad ugu faraxsanahay in maanta Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland ahna kusimaha Madaxweynaha H.E Ilyas Osman Lugatooroo uu weheliyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ay si rasmi ah xariga noogala jareen Biyosaarka Caasimadda Garowe oo ah biyosaarkii ugu horeeyey ee xiligan casriga ah laga dhiso magaala Soomaliyaad.

Waxaan u mahad celinayaa Bangiga Adduunka iyo deeqbixiyaasha kale ee Mashruucan maal geliyey, hay'adaha kala duwan ee qaybta ka ahaa sida UNOPS oo samaysay qaabdhismeedka biyosaarka, Hawlwadeenada mashruuca, shirkadda TTN ee shaqada qabatay iyo bulshada Caasimadda oo u dulqaadatay culayska shaqada.

Waxaan bulshada u sheegayaa in shaqadani tahay bar bilow fiican ayna tahay badhka hal qayb oo ka mida biyo saarka magaaladu u baahantahay.

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon Abdulkadir Geedi posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hon Abdulkadir Geedi:

Shortcuts

Share