15/09/2026
Maanta waxaan ka qaybgalay kulan looga hadlayay la-dagaallanka ka ganacsiga duurjoogta, ilaalinta duurjoogta iyo khayraadka dabiiciga ah.
Kulanka waxaa ka qaybgalay Wasiirka iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka, masuuliyiin ka socday Wasaaradda Amniga, Booliska iyo masuuliyiin kale. Waxaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta Wasaaradda Deegaanka, Booliska, hay’adaha amniga iyo bulshada, si looga hortago ugaarsiga iyo ka ganacsiga sharci-darrada ah, loona hirgeliyo shuruucda deegaanka.
Ilaalinta duurjoogta iyo khayraadka dabiiciga ahi waa masuuliyad wadajir ah. Waxaan bulshada ugu baaqayaa inay ka qaybqaataan ilaalinta deegaanka, kana fogaadaan fal kasta oo waxyeello u geysanaya duurjoogta iyo khayraadka dabiiciga ah.
Aan si wadajir ah u ilaalinno duurjoogteenna iyo khayraadkeenna dabiiciga ah, si jiilasha maanta iyo kuwa soo socda ay uga dhaxlaan deegaan nadiif ah, nabdoon oo waara.
—DHAMMAAD—
X: https://x.com/colfatimaabdi
Tiktok: https://tiktok.com/